Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha,Maaliyada Iyo Ganacsiga Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Waramay Wax Ka Bedel Ay Ku Sameeyeen Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha guddida dhaqaalaha,maaliyada iyo ganacsiga ee golaha wakiilada Somaliland Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi ayaa maanta golaha wakiilada ka hor jeediyey wax bedel ay ku soo sameeyeen xeerka takaaliifta amniga madaarada.

Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha guddida dhaqaalaha,maaliyada iyo ganacsiga ee golaha wakiilada Somaliland Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi ayaa maanta golaha wakiilada ka hor jeediyey wax bedel ay ku soo sameeyeen xeerka takaaliifta amniga madaarada.

Fadhiga maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi md.Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi waxa uu sheegay inay wax bedel iyo kaabis ku sameeyeen  xeerkan takaaliifta amniga madaarada dalka,

taas oo ay xukuumadu u soo gudbisay golaha wakiilada.

Gudoomiyaha  Guddida dhaqalaha,maaliyada iyo ganacsiga ee golaha wakiiladu waxa uu sheegay inay guddidoodu xeerkan ku jaan goysay wasaarada maaliyada iyo wasaarada duulista oo uu xeerkani khuseeyo.

Qodobada ay xeerkan ka saareen guddida dhaqaalaha,maaliyada iyo ganacsiga ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa ku jira qodob sheegaya inay xukuumadu masuul ka tahay cashuurta uu jidaynayo xeerkani,halka ay hore ka ahayd inay xukuumada masuul uga tahay  cida ay u igmadaan.

Sidoo kale qodobada ay wax ka bedelka ku sameeyen guddida dhaqalaah,maaliyada iyo ganacsiga ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa ku jira qodob tilmaamaya awoodaha hanta dhawrka guud ee qaranka iyaga oo sheegay inuu hanta dhawrka guud ee qaranku awood u leeyahay daba galka iyo baadhista takaaliifta uu xeerkani jideeyey si waafsan xeerka hanta dhawrka guud ee qaranka.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa maalmaha soo socda ka doodi doona xeerkan jidaynaya cashuurta madaarada dalka lagaga qaado dadka soo dagaya iyo kuwa dhoofaya,xeerkaas oo ay xukuumadu hor keentay golaha wakiilada Somaliland.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.