Hargeysa (HWN) Shirkada Isgaadhiinsta casriga ah ee Telesom ayaa xalay casho sharafeed heer sare ah ku soo dhawaysay boodhka cusub ee dhawaan loo doortay daladda dhalinyarada SONYO ee kulmisa dhamaan dhalinyarada Somaliland ee gobolada dalka oo dhan.
Munasibadan soo dhaweynta ah ee ay shirkadka Telesom ku qaabishay hogaanka cusub ee daladda SONYO ayaa ka dhacday Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Boodhka cusub ee dalada SONYO iyo maamulka waaxda MPR-ka oo uu hogaaminaayey Cabdisalaan Ismaacil Nuur.
Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay maamule ku-xigeenka Waaxda MPR-ka Muddane. Maxamed Cabdi Darbo. Waxaanu
halkaasi ka jeediyey qudbad kooban oo hordhac ah, taasi oo isku baraayey maamulka cusub ee Dalada SONYO iyo masuuliyiinta Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Suuq-gaynta ee Shirkada Telesom.
Waxaa sidoo kale isna halkaasi ka hadlay Mamaulaha Qaybta Horumarinta Ganacsiga ee shirkada Telesom Muddane, Cabdisalaan Ismaaciil Nuur. Waxaanu ugu horayn u mahad naqay dhamaan dhalinyarado SONYO gaar ahaana Boodh-kan cusub ee ay shirkadu caawa u samaysay casho-sharafta, waxaanu muddane Cabdisalaan xusay in kulankan caawa aanu ahayn in Shirkadda Telesom ay mar walba xidhidh joogto ah la yeelato. Muddan Cabdisalaan Ismaacil Nuur ayaa ku tilmaamay casho-sharaftan mid ka mid ah cilaaqaadku shirkadu la leedahay macaamiisheeda dibada. Waxanu Cabdisalaan u muujiyey in shirkada Telesom ay u hambalyeynayso maamulkan sare ee dhalinyarada, shirkada ahaana ay markasta dhalinyarada garab taagan yihiin.
Waxaan isna halkaasi ka hadlay Khadar Nuur Yusuf oo ka mid ah Boodhka cusub ee dalada SONYO, xildhibaan Khadar ayaa shirkada Telesom uga mahaad naqay doorka ay shirkada Telesom ka qaadato waxtarka ay bulshadeeda la garab joogto. Khadar waxaa kale oo uu shirkadda Telesom ugu mahad-naqay gacanta ay ka gaystato arimaha bulshada, isagoo xusay in isaga laftigiisa hawl dan guud ah oo ay ula yimaadeen ay shirkada Telesom gacan wayn ka gaystaty.
Cabdiraxmaan Guun oo ka mid ah xildhibaanada Boodh-ka dalada Dhalinyarada SONYO, ayaa isna halkaasi ka soo jeediyey hadal kooban. Waxaanu xusay in shirkadda Telesom ay markasta gacanta kula jirto, wax kasta oo bulshada loo qabanaayo. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan dad badan oo shirkadda Telesom ka lacag badan oo aan bulshada waxba ku soo celin balse shirkadda Telesom ay iyadu gacan wayn ka gaysto. Cabdiraxman Guun isagoo ku hadlaaya afka dalada SONYO waxaa uu sheegay in dhalinyarada Somaliland ahaan ay markasta garab joogsan doonaan Shirkadda Telesom.
Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada SONYO Muddane Mubaarik Ismaacil Taani ayaa isaguna uga mahad naqay shirkada Telesomn doorkii ay ka soo qaadatay arimaha Dhalinyarada SONYO. Waxaanu si doo kale shirkadda Telesom ugu mahad naqay doorka ay ka gaystay Isgaadhsiinta Somaliland taaso oo uu xusay in ay 1990-kii ay dadku dhib badan ka mudan jireen isgaadhsiinta oo ay qof ku qaadan jiray in muddo 3 cisho in uu Telefoon ku hadlo eheladiisa. Waxaa kale oo uu shirkada Telesom ugu mahad naqay kaalinta shaqaalaysiinta ee ay shirkada Telesom ku shaqaalaysiisay dhalinyaro badan dalka oo dhan. Waxaa kale oo uu Gudoomiyuhu uga mahad naqay kaalinta ay shirkadu ka qaadato arimaha danta guud.
Gudoomiye Mubaarak Ismaacil Taani waxaa uu shirkada Telesom u soo jeediyey in ay shirkada Telesom door muuqata ka qaadato dhismaha Laybareeliyada Dadweynaha oo uu sheegay in mid kaliyaata uu ku yaalo magaalada Hargaysa, kaasi oo aad u yar, balse dhanka kale aanay ka jirtay wax Public Libray ah dhamaan gobolada kale ee dalka.
?Waxaa jira dhul banaan oo Golahayagan cusub nagu ah qodax nagu mudan oo kale kaasi oo nalooga fadhiyo boodhkayagan cusubi inaanu dhismihiisa taagno waayo waxay xaruntaasi noqonaysaa dhaxalkii dhalinyarada Somaliland oo dhami hoos hadhsan layaayeen haddii aan naga caawisaana dhismahaasi waxa uu noqon doomaa mid uu magiciinu ku xardhan yahay? Sidaasi waxaa yidhi Gudoomiyaha Daladda SONYO Mr Mubaarak Ismaacil Taani.
Ugu dambayntii casho-sharaftan shirkada Telesom u samaysay Boodh-ka cusub ee dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa ku soo gabo-gabeeyey jawi farxadeed.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com