Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


BOORAMA: Macradka Kireynta & Iibka Baabuurta SHAYBE Motors Oo Dugsi Barashada Baabuurtay Furtay.


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
Boorama-(HWN)- Markii ugu horaysay ayay shirkada caalamiga ah ee SHAYBE Motors ka furtay magaalada Boorama dugsi lagu

Boorama-(HWN)- Markii ugu horaysay ayay shirkada caalamiga ah ee SHAYBE Motors ka furtay magaalada Boorama dugsi lagu barto barashada baabuurta, waxana ay ku soo beegmaysaa furashada dugsigani sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay furitaankii macdaarka iibinta iyo kiraynta baabuurta ee SHAYBE Motors ee Magaalada Boorama.

Munaasabad qado sharaf ah oo lagu qabtay magaalada Borama isla markaana kulmisay haldoorka iyo xilsidayaasha bulshada ayaa waxa ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha Shirkada Caalamiga ah ee SHAYE Motors Mud. Kayse Cabdi Shaybe waxana uu


sheegay in munaasabadan ay tahay sanadguuradii 1aad ee ka soo wareegtay furitaankii macdaarka baabuurta ee SHAYBE Motors ee magaalada Boorama maantana ay dadka reer Boorama bishaaro kale u wadaan.

? Waxaan idiin furnay dugsi lagu barto wadida baabuurta, kaasi oo aan dareenay in loo qabo baahi balaadhan, waxa aan sooo kodhinay macalimiin tayo leh, iyo shuruucdii iyo calaamadihii caalamiga ahaa oo dadka la barayo, tanina waxa ay qayb ka tahay sida ay shirkadan caalamiga ah ee SHAYBE Motors diyaarka ugu tahay inay bulshada hormarkeeda ka qayb qaadato, waxanan rajaynayaa in dadka ay wax badan u tari doonto anaga oo siin doona liisanada baabuurta oo sharci ah ayuu yidhi Mud. Kaye?.

Taliyaha Taraafikada ee G/Awdal Mud. Axmed Daahir oo isaguna ka hadlay madashan ayaa soo dhaweeyay dugsiga barashada baabuurta oo qaabka casriga ah ee ay SHAYBE Motors keentay waxana uu yidhi ? Waxa aan hubaa inuu wax badan ka badali doono wacyiga dadka baabuurta wada, waa loo baahnaa barashada calaamadaha iyo xeerarka wadida baabuurta, waxa aan ugu mahadnaqayaa si balaadhan SHAYE Motors?.

Gudoomiyaha J/Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, iyo Xaaji Axmed Miisaan oo ka hadlay halkaasi ayaa soo dhaweeyay shirkada SHAYBE Motors, waxana ay hoosta ka xariiqeen inay ku talaabsatay arimo wax ku ool ah oo adeega bulshada ah oo looga baahan yahay in magaalooyinka waawayn laga helo, taasi oo ku timid ayay yidhaaheen, hormar iyo dadaal ay la yimaadeen masuuliyiinta shirka SHAYBE Motors.

Badhasaabka G/Awdal Axmed Xadi Sidci oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu amaanay hormarkan dhinacyada taabanaya ee ay soo korshisay shirkada SHAYBE Motors, waxana uu sheegay in loo baahan yahay inay ku daydaan ganacsatada kale ee dalku SHAYBE Motors soona kordhiyaan waxqabada waxtar u leh bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkada S SHAYBE Motors oo xarumo waawayn ku leh dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa waxa ay dad badan oo reer Boorama ahi soo dhaweeyeen hormarka ay ka hirgalisay magaalada Boorama.

 

Wariye

Cabdifataax Axmed

Xafiiska Shabakada Caalamiga Ah Ee HWN

Boorama

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.