Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


SAYLAC: Xaaladihii Ugu Dambeeyay & Waqtigii Balanta Oo Maanta Ku Eg.


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
Saylac-(HWN)-Degmada Saylac ee gobalka Salel ayaa wali xaaladeeda ay tahay sidii hore mana jiraan wax isbadal ah oo degmadaasi

Saylac-(HWN)-Degmada Saylac ee gobalka Salel ayaa wali xaaladeeda ay tahay sidii hore mana jiraan wax isbadal ah oo degmadaasi ka taagan xiligaan ilaa xiligii Wasiiradii Somaliland ka socday gudaha u galeen dalka Djibouti, waxaana maanta ku eg xiligii lagu balan-sanaa in Wasiirada reer Somaliland goaan kama dambeyn ah soo saaraan kuna aadan xalinta khilaafka Saylac.

Hawlahu way cakiran yihiin ilaa maantana Xildhibaanada la doortay iyo Maamulkii loo doortay degmadaasi wax hawl ah ma qabto, xaalka noocan ah ayaa waxa eediisa ugu dambaysa dusha laga saarayaa xukuumada Somaliland.


justify; MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Dhinaca gudaha Djibouti ma jiraan wax ka waramaya xaalku halka uu marayo, balse wararku waxa ay sheegayaan in Wasiirada reer Somaliland ay geed iyo guri walba u garaaceen inay cid xidhe u noqota oo ka qabsata Somaliland kooxaha rabshada wada ay u helil ahaayeen, waxaanay wararku intan ku darayaan in ay cid walba oo ay la kulmeen ku qanciyeen inay waajib tahay in loo hogaansamo go?aanka doorashada ka soo baxay iyo maamulka ka dhashay Saylac.

Wasiiradan ayaa warka ay ka keeni doonaan Djibouti uu yahay mid si wayn loo sugayo, meeshana kama madhna in wafdiga ay la socdaan rag u janjeedha dhinaca kooxaha rabshada wada oo uu ka mid yahay Wasiir Abiib-timo Cad ay la iman karaan arimo aanan dastuurka iyo qaranka Somaliland waafaqsanayn sida ay tilmaamayaan inta badan dadka reer Awdal oo Wasiirka u arka nin kala fogeynaya isku soo dhawaanshiyaha iyo waan-waanta socota.

Hadii tani ay dhacdo ayaa jawaabta ay xildhibaanada Aqlabiyada ah iyo maamulka ka curtay Saylac oo taageero ka helaya dadkiisu ka bixin doonaan mid aad u adag oo aan leex-leexad lahayn oo lagu difaacayo qarinimada Somaliland.

Xafiiska Shabakada HWN

Boorama


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.