qashinku soo buux dhaafiyay kana hadlay halkaasi ayaa yidhi ? Waa goob guryo badan ku dhex taala, qashinkan sida xoogan u buux dhaafiyay caafimaad daro ayaa ka dhalanaysa, waxa ay ahayd in la dhigo haamaha qashinka lagu guro si marka horeba looga hor tago in qashinka lagu shubo dhulka, ma xalin karayso qashinkan in la yidhaa waxaan u samaynaynaa dad ilaaliya, sababta oo ah lama ilaalin karo, shaqadana waxa ay ahayd mid looga baahnaa in D/Hoose ay mar horeba ku talaabsato.
Wasiir Xoog oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi ? Waxa aan halkan u nimid inaad daraasad cilmiyeed ku samayno, waxa nala socda G/Degaanka oo ah jiil cusub oo aqoon leh, waxa aan filayaa inay aqoontooda uga faaiideeyaan oo ay qashinkan maareeyaan soo dhigaana meeshan haamo qashin, waxa aan filayaa in D/Hoose ee Boorama maamulka maanta qabsaday aqoonta lagu tuhmayaa ay ka muuqato oo ay qashinka si ka haboon sidan maanta ay ugu taliyeen una maareeyaan.
Maayar Ku Xigeenka Boorama Mud. Maxamed Dheerayste oo madashan ku sugnaa hadalkana qaatay ayaa si guud mar ah iyo ereyo raqiis ah uga jawaabay eedaymahaasi ka soo yeedhay W/Caafimaadka, waxana uu hadalka ku soo koobay inay qaadi doonaan wax walba oo talaabo ah oo qashinkan lagula tacaalayo.
Goobtan mar labaad laga dayriyay xaalada iyo saamaynta Caafimaad ee uu qashinku ku leeyahay ayaa waxa ay ahayd dhawaan markii ay G/Degaanka oo dhan isku raaceen kana qayb galeen olole qashinka looga ururinayay, halkaasna uu Maayarka Boorama Mud. Saleebaan Xasan Xadi ka balan qaaday hindise ku saabsan maaraynta qashinka xaafadan isaga oo sheegay in qof ilaaliya oo lacag qaata ay ka shaqaalaysiin doonaan goobtan.
Balse maanta oo ay wasiiro booqdeen meeshan waxa uu xaalku ahaa mid ka sii daray D/Hoosana ay canaan ku mutaysatay, hindisihii Maayarkana waxa uu u muuqdaa mid aanan shaqaynin soona shaacsaaraya mar kale in qashinka buux dhaafiyay Boorama uu ka tamar badan yahay mid ay maareeyaan Goleha Dagaanka ee talada gacanta loo galiyay.
Xafiiska Shabakada HWN
Boorama