Laas-caanood-(HWN):-Dhismahii Garoonka Kubadda cagta ee Cabdi Bile cabdi ee magaalada laascaanood ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay magaaladaasi.
Munaasabad kooban oo loo qabtay bilowga dhismaha garoonka kubadda ayaa waxaa ka soo qayb galay mas?uuliyiin ay ka mid yahiin Mayor-ka iyo xoghayaha degmada laascaanood,
Mayorka magaaladaasi Md Cabdiqaadir Jaamac Saalax ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland sida uu uga dhabeeyey ballanqaadkiisii ku saabsanaa dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaalada laascaanood.
Xoghayaha dawladda hoose ee laascaanood Md Cabdi Kheyre Dirir ayaa dhankiisa ugu baaqay ganacsatada iyo dadweynaha magaaladaasi inay ka qayb qaataan dhismaha garoonka kubadda cagta ee cabdi bile cabdi ee magaalada laascaanood.
Hadhwanaagnews/Office
Laas-caanood/Somaliland
abdiaziiz@hadhwanaag.org