Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Shirkada Xoolaha Ka Dhoofisa Somaliland ee Alljaabiri oo Duleedka Koonfureed ee Caasimada Hargeysa iyo Dowga Cad Dhexdooda Ka Allifeysa Xero Guul Xoolaha Lagu Nasiyo


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
Hargeysa(HWN)-Shirkada Maxjarka Xoolaha Gnacsadaha Carbeed ee Saleebaan Alljaabri ayaa markii u horeysay ka alifeysa Inta u Dhexeysa Duleedka Koonfureed ee Caasimada Hargeysa iyo Dowga Cad Xero Guul Balaadhan oo ay ugu tala galeen in lagu Nasiyo Xoolaha kasoo hayaama Deegaanada fog ee ku soo Aadan Seylada Weyn ee iibka Xoolaha Hargeysa

Hargeysa(HWN)-Shirkada Maxjarka Xoolaha Gnacsadaha Carbeed ee  Saleebaan Alljaabri ayaa markii u horeysay ka alifeysa Inta u Dhexeysa Duleedka Koonfureed ee Caasimada Hargeysa iyo Dowga Cad Xero Guul Balaadhan oo ay ugu tala galeen in lagu Nasiyo Xoolaha kasoo hayaama Deegaanada fog ee ku soo Aadan Seylada Weyn ee iibka  Xoolaha Hargeysa, halkaas oo marka dambe Shirkadu uga gudbiso Maxjarka Weyn ee Berbera.

Masuuliyiin ka gaabsadey in la Xuso oo katirsan Howlwadeenada Shirkada  dhoofinta  Ganacasiga Xoolaha Somaliland ee  Alljaabiri oo hadhwanaagnews uga waramay Xeradan ay Shirkada

alljaabiri ka dhiseyso goob lagu nasinayo Xoolaha Deegaanadan ayaa Sheegay in markii dhinac walba ay ka eegeen in ay goobtani lagama maarmaan u tahey in Xoolaha  lagu nasiyo maadaama ay kasoo hayaamaan Deegaano aad u fog fog oo inta badan ay kaga soo gudbaan socdaal dheer oo diif ku reebaya sidaa daraadeedna ay Shirkada Ganacsadaha Carbeed ee Alljaabiri Go,aansatey in qasab tahey in Deeganadaas laga Sameeyo Xero Guul ay Xoolahaasi Ku Nastaan.

"Hadaabu nahey dadka Deegaanakan u dhexeeya Hargeysa iyo Dowga cad waxaanu leenahay waanu soo dhaweyneynaa in Shirkada Maxjarka Alljaabiri ka sameystaan halkan Meel ama Xero Weyn oo lagu nasinayo Xoolaha waa arin aad u fiican oo u fiican Caafimaadka Xoolaha oo neefku ka doogsanayo hayaankii dheeraa waanu soo dhaweyneyaa oo Waxaanu leenahay ha ka sameysteen waa Hurumar soo kordhaya dadka Deegaanka, dadka Xoolaha leh kuwa iibsanaya iyo dalka iyo dadkaba"Sidaa Waxa yidhi Cabdi Gurxan oo kamid ah dadka Deegaankaasi oo Hadhwanaagnews uga waramay aragtidooda ku wajahan Xero Guusha laga Sameynayo inta u dhexeysa Jidka Cusub ee Dowga Cad iyo Koonfurta Caasimada Hargeysa ama Koonfurta Madaarka Caalamaiga ah ee Caasimada Hargeysa.

Shirkada Maxjarka Xanaaneynta Xoolaha ee Ganacsadaha Carbeed Saleebaan Alljaabiri ayaa wax weyn kusoo Kordhisay Somaliland tan iyo intii ay Gudaha dalka ka bilaabeen dhoofka Xoolaha ishinka ah iyo Wanka Gorada Madow oo ay u dhoofiyaan dalka Sucuudi Carabiya oo Gacasadaha Alljaabiri kasoo Jeedo.

Hadhwanaagnews                                                                                                                                                                 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.