Is-aqoon gu?yaal badan ah ayaa naga dhaxaysay C/Laahi Siciid iyo qoyskiisa, sannadkii 1998-ka ayaanu is-barannay Muxiyadiin C/Laahi Siciid oo aanu markaa wada degganayn xaafadda New Hargeysa, ardayna aanu ka wada ahayn Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Cali Cismaan (Ex Reece) isaga oo iga sarreeyay laba fasal, markii dambena waxa aanu Maxamuud Axmed Cali isku fasal ahayn Khadar C/Laahi Siciid, walaalkii Siciid C/Laahi Siciidna sannad ayuu naga hooseeyay. Sidoo kale C/Raxmaan C/Laahi iyo Sahra C/Laahi-na dugsiga waa nala dhigan jireen, saddex fasalna waanu ka horreynay. Guud ahaanna caruurta C/Laahi Siciid waxa ay ahaayeen kuwo ka dhisan anshaxa iyo aqoonta, waxaana tusaale ugu filan inuu Muxiyadiin
C/Laahi Siciid ahaa ardaygii galay kaalinta 9aad sannadkii 2003-da markii la qaaday imtixaannada qaran ee ay Wasaaradda Waxbarashadu diyaariso, gaar ahaanna dugsiyada sare oo uu markaas ka qalin-jebinayay.
Inta aanan bilaabin Sooyaalka C/Laahi Siciid waxa aan ka warrami doonaa aaskiisa iyo qaabka uu u dhacay. Aroornimadii ayaa marxuumka laga qaaday gurigiisa oo ku yaalla meel u dhaxaysa dhinaca Bari ee Star Hotel iyo jidka u baxa Waaxda Maxamed Mooge, Gaadiid tiro badan ayaa is-dabagalay markii lagu sii waday hoyga rasmiga ah ee inna wada hurran (xabaasha). Kumannaan qof ayaa ka qayb-galay sagootintiisa oo ku tukaday salaadda jinaasadda oo ah xuquuq uu qofka muslimka ah ee geeriyoodaa ku leeyahay inta nool oo ka dhacday Masaajidka Weyn ee Jamaacada Tabliiqu ku leeyihiin bariga Hargeysa ama Markaska. Masuuliyiinta goob-joogga u ahaa duugistiisa, tacsida gaarka ahna u diray waxa ka mid ahaa Guddoomiyihii Ololaha Madaxtooyada ee UDUB Cismaan C/Laahi Cigaal (Hindi), Guddoomiye ku-geenka labaad ee Golaha Wakiillada Dr Cali Aw Yuusuf Axmed, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, Xogahayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed C/Laahi Uurcadde, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Xildhibaan Maxamed Saalax oo ka tirsan Golaha Wakiillada, Siyaasiyiin, ehel, asxaab, waxgarad iyo hal-door kale oo farabadan
Haddii aan si gaar ah u xuso kelmaddii uu Guddoomiye C/Raxmaan Maxamed C/Laahi Cirro ka yidhi aaska marxuum C/Laahi Siciid waxa ay u dhignayd sidan ?Innaa lillaah wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan tacsi gaadhsiinayaa dhamaan shacabka Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timi walaalkeen C/Laahi Siciid Dheere. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo. Waxaan si gaar ah uga tacsiyadaynaa xaaskiisa iyo carruurtiisa, waxaan leeyahay dhammaanteen Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo, isagana naxariistii janno ha ka warabaabiyo. C/Laahi nin reer Somaliland iyo ururka Waddani-ba ku qaali ah buu ahaa. Raggii la socday ee dhaawacmayna oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Afraad iyo Xildhibaan Cali Xaajina waxaan ALLE uga baryayaa inuu caafimaad siiyo? Aamiin?.. Aamiin?. Ducadaas loo dhammaa ayuu ku god-galay C/Laahi Siciid Dheere maalin ka-dib markuu geeriyooday.
Aynu toos ugudo-galno milicsiga sooyaalkiisa ALLA ha u naxariistee Cabdillaahi Siciid Ismaaciil oo ku magac dheeraa (Cabdillaahi Siciid Dheere) waxa uu dhashay taariikhdu markey ahayd 1953-kii sida ay ii xaqiijiyeen qoyskiisu. Magaca hooyadii waa Xabiiba Ismaaciil Alla magan. Waxay waalidkii geeriyoodeen markii uu hanaqaadka noqday, da?diisuna u dhaxaysay 16-21 sanno jir. Aabbihii wuxuu xijaabtay hilaad ku siman abaartii dabadheer oo geyiga Somaliland ka dhacday sannadkii 1974-kii, hooyadiina shan sanno ayay ka sii horraysay taas oo qiyaas ahaan noqonaysa 1969-kii, xilligii uu maamulka dalka awoodda ku maroorsaday milatarigu, ILAAHAY ha u naxariisto labadoodabee.
Waxa uu la dhashay toban carruur ah oo isugu jiray rag iyo dumar. Wiilasha walaalladii ahi waxay ahaayeen 6 wiil oo kala ah:
Xuseen Siciid,
Muxumed Siciid,
Cismaan Siciid,
Barre Siciid,
Maxamuud Siciid (UHUN) iyo
Xasan Siciid (AHUN).
Gabdhaha uu la dhashayna waa 4 hablood oo magacyadoodu kala yihiin:
Faadumo Siciid,
Amran Siciid,
Jamaad Siciid iyo
Malko Siciid.