Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Yaa ka masuula nin shabaab ka tirsanaa oo ka baxsaday saldhiga dhexe ee berbera


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
Maah maahdani waxay si toosa u taabanaysaa ama sifaynaysaa taliyaha qaybta iyo badhasaabka is barkan ee ilaahay ka sakaw amaankii gobolka saaxil hogaanka

Goobaab gali jawaabta saxdaa

A) Mayarka

            b) Taliyaha qaybta

     c)

Badhasaabka

D) a&c

Ninkastoo dakane galay qoluu dabada galiyoo

danbi dhacay masuul malaha markaad hebel duqaysaa

reer hebel damqanayaan !!! ( Gaariye says)

Maah maah soomaaliyeed ayaa tidhaahda

Soomalidu ninkii maqasha daayacay ayay geela u dirsataa

Maah maahdani waxay si toosa u taabanaysaa ama sifaynaysaa taliyaha qaybta iyo badhasaabka is barkan ee ilaahay ka sakaw amaankii gobolka saaxil hogaanka u haya  walaalayaal bal waxaad u fiirsataan qisadan habacsanaanta iyo maangaabniamdu ka muuqato ee aan filaayo aniga dhul qurba ah jooga aan ka damqanaayo kana war roonahay labadan oday ee kala maanka ah

Xukuumada sarena waxaanu ka codsanaynaa inay gobolka usoo magacaabaan rag intan ka hawl karsan

Sida aynu wada ogsoonahay waxaa maalintii salaasadii 22/01/2013 ka baxsaday saldhiga dhex ee booliska magaalada berebera , maxbuus loo haystay  inuu ka mid yahay kooxaha ka dagaalama soomaaliya ee al shabaab .Maxbuuskaasoo laga soo qabtay isagoo ka soo degay gegada diyaarada ee berbera kaasoo ka yimi muqdisho isagoo sida aan warka ku helayno uu ninkaa baxsday asal ahaan ka soo jeeday gobolka awdal kaasoo   la sheegayo inuu ka garab dagaalmi jiray kooxada xagjirka ah ee al shabaab .

Ninkaasoo la sheegay in hore dawlada soomaliland u qabtay ka dib poliska la qoray kaasoo uu joogay mudo ,markii danbe na uu baxsaday isagoo aaday xagaa iyo kooxdi mayalka adkeyd ee al shabaab . ninkan ayaa kasoo degay Air porka magaalada berbera shalay markii lasoo gudbiyayna saldhiga uu ka dhacay taasoo aad arkaysid in dayacnaan badani ka jirto amaan ka magaalada berbera,sababtoo ah waxaabad moodaa inaanay karti iyo aqoon ay iskula jaan qaadaanaba ulahayn badhasaabka iyo taliyaha qaybta oo ah runtii labada masuul ee ay ahayd inay habeen iyo maalinba heegan u ahaadaan amaanka dhaqdhaqaaqa gobolka tani waxay ku tusaysaa in durtaba la tabay badhasaab ramaax  taasoo loo sababaynayo  taliyaha qaybta kaasoo ah nin aan  hawl kar ahayn isagoo iska dhayal saday amaanka gobolka , waxaa taas kasii daran taliyah sirdoonkaiyo badhasaabkuba iyana saacadaa wayhurdaanab a,hadba hadaanu nahay shacabkii qurba joogta saaxil waxaan ka codsanaynaa maayarkayga wanaagsan iyo badhsaabkan  wanaagsan madaxdaydaa wanaagsan in  amaanka gobolka sidii kor loogu qaadi lahaa ay sameeyaan arintan ayaa ah ceeb .

Dhanka kale Waxa beryahan danbe aan maqlayaa in dhalinyaradii magaaladu ay is yara khilaafsan yihiin arintaasina waa fool xumo weyn waayo berbera loogama baran khilaaf dhalin yaro waayo magaalo ilbaxa ah anagu wekhtigaanu joognay dadku wada walaalo ayay ahaayeen markaa waxaan ka codsanayaa dhalinta gobolka saaxil inay is cafiyaan oo ay dhameeyaan khilaafka labada qaybood ukala fadhiisiyey ,waxaan digniin walaal nimaa siinaya inay ka waantoobaan fikradaha xun xun ee ay ku waynaadeen raga ay ka mid yihiin (sheikh saleban ,Mahamoud dhago,Ahmed Abokor)really hadii sadexda guntimood laga qabto dhalinta gobolku caafimaad baydareemi lahaayeen.

waxaan kaloo baaq kalsooniya  u dirayaa wiilasha isku haysta xilka gudoomiyaha dhalinta ee saaxil .Please brother intaanad waxaasoo hawlaba galin waxa lagaaga, baahan yahay waxa weeyi ma tahay wiil cod kara ma tahay nin public speech jeedin kara ma tahay nin samay kara qorshe sanadeedka dhalinta saaxil imntaas hadaad fulin karto welcome hadaan sida kal u dhigo ma lamid tahay wiilkii dheeraa ee hada wareejinyay xilka ee codkarka ahaa aaqoon yahankan ahaa
Mataqaanaa dhalinta saaxil   waxay u kala baxdaa noocyo kala duwan oo kala ah
a) Dhalinyarta dawlada u shaqaysa b) dhalinyarta waxbarata c) dhalinyarta bilaa camalka ah d) dhalinyarta culimada ah iyo e) dhalinyarta LNGO ku jirta

waxaa loo baahan yahay waa in :
1) organizational structure ururka (objectives, mission, vision, members, and BOD)
2) buildings, equipments, constitution
3) Holistic approach( Dhamaan waa inay dhalinyaradu ku dhan tahay nooc walba oo ah kuwa aan soo sheegnay)
4)Youth contribution and collaboration
5)Supportive relationships
6)High expectations and clear limits
7)programmes/activites of youth
8)Mechanism in place to help youth to move forward
waxaas waa kuwa loo baahan yahay in raaco si ay u noqoto wax qiimo u leh dhalinyarada reer berbera ee ay saamaysay doorashadii golayaasha deegaanka.

Haddba waxaan kusoo  koobayaa in amaanka gobolka inoo ilaalisaan kaasina wuxuu xil weyni ka saran yahay  maamulka gobolka saaxil .

 

Approved :Abdikadir Yool

                 Uk

Mob: 00447904496577

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.