hogaamintiisu ma tahay tii saxda ahayd ee dalku u baahnaa mise waa mid wax ka maqan yihiin ?
Hadaan su,aashaa kor ku xusan Hadaan faahfaahiyo macnaheedu waxa weeye madaxweyne siilaanyo waa madaxweyne in badan halgan ugu jiray sidii uu mar dalka ugu noqon lahaa madaxweyne qaran isagoo u soo maray marxalado fara badan iyo halgan badan iyo samir badan .
Madaxweyne siilaanyo wuxuu ummada reer Somaliland u balan qaaday inuu dhisi doono dawlad tayo leh ,inuu citiraaf raadin samayn doono, inuu dhalinyrada u abuuri doono shaqo . inuu dhalinyarada u samayn doono meelo madadaalo ah. Madaxweyne siilaanyo wuxuu sameeyay balanqaadyo aan la soo koobi Karin hadaba sababta loo fulin wayay waa maamul xumo ay kaw ka yihiin wasiiro gaara oo aan haysan wadada saxda ah ee waxkasta lagu saxo. laakin maaha dhaqaale xumo
Madaxweyne siilaanyo isagu waa nin jecel Somaliland laakin waxa jira maamul hoosaad leh ujeedooyin kala wada duwan oo ninkastaaba leeyahay ujeedo gaara kana gaara danta guud .madaxweyne siilaanyo imika waa nin aad u culus oo aaan awoodin inuu waxkasta qabto laakin waxa hamigiisii baabiiyay wasiiro gaara iyo agaasimayaal aan iyaga laftirkoodu is ogolayn oo midkasta ku jirto nin jeclaysi iyo siyaasad gaara wata.
Hadaba waa maxay hogaamin? Hogaamintu waa wadada lagu hogaaminayo dad meel ku wada nool ku waas oo leh hadaf iyo hami iyo hiigsi iyo siday u gaadhi lahaayeen hadafkay isugu yimaadeen kaas oo uu hogaaminayo qof kaliyi. hadaba madaxweyne siilaanyo ma yahay madaxweyne leh astaamaha hogaaminta. Qof waxkastaba waxa la gartaa hogaamintiisa marka uu bilaabo shaqada loo igmaday . madaxweyne siilaanyo wuxuu sameeyay dadaalo badan laakin wali muu gaadhin halkii bulshadiisu doonaysay .
Dawlada Somaliland waxay xooga saartay oo kaliya siday cashuur u urursan lahayd laakin xooga may saarin siday baahida bulshada u kafayn lahayd ama ugu dadaali lahayd siday wax ugu qaban lahayd.
ASTAAMAHA LAGU GARTO HOGAAMIYAHA WANAAGSAN WAXA KA MIDA:-
Ma u yahay bulshada iyo cidkastaba daacad (honest)
Ma leeyahay (mission)
Oo uu fahan san yahay sababta ay Somaliland u jirto iyo sababta aad u hogaaminayso oo aad hogaanka u hayso.
Ma leeyahay (vision) oo ah halkay Somaliland tagaysaa mustaqbalka ama riyada Somaliland halkay gaadhi doontaa ama ku dambayn doontaa mustaqbalka
Ma leeyahay ujeedo (goal ) oo ah dariiqii lagu gaadhayay mission and vision labadan la,aantoodna aan gaadhi Karin ujeedadaas.
Ma leeyahay awood (competence) qofkasta oo shaqo loo iqmaday waa inuu leeyahay awoodeeda hadii kale waa uu ku fashilmayaa mustaqbalka.
Waa inuu leeyahay xirfada xidhiiidhinka (communication skill) oo uu la xidhiidhaa bulshada kala duwan ta caalamka iyo ta bulshada rayidka ah oo uu og yahay inuu wada shaqayn joogtaa la leeyahay shaqaalihiisa kala duwan oo uu mid mid ula kulmaa ama kula xidhiidhaa (email or text) fariin u diraa oo uu midkasta oo wasiiradiisa ama agaasimayaashiisa kuwa hoose iyo kuwa saraba uu ti toosa ula xidhiidha isaga oo waydiinaya in ujeedadii loo shaqaalaysiiyyay ma ka soo baxay iyo sida uu u shaqaynayo iyo si kale ama ujeedadii qaranka ma u shaqaynaya.
Inuu leeyahay xirfad shaqsiyadeed (interpersonal skill) oo ah shaqsiyaadkiisu ma leeyahay xirfad bulshada lagu dhex galayo oo lagula guulaysan karo.
Inuu leeyahay fikrad ama wax abuuri karo (Inspiration)
Inuu hami leeyahay hadaf ,ujeedo, riyo,rajo.( Ambition)
Hadaba hadii madaxweyne A.M.M SIILAANYO leeyahay dhamaan astaamahaas kor aan ku soo sheegay oo dhan muxuu uga gudbi la yahay carqabadaha faraha badan ee hor yaala
Haddii aanu lahayn waa inuu isu dayaa siduu naftiisa u tayayn lahaa iskana daayaa dhamaan waxkasta oo dawlada hoos u dhigaysa karaamadeea ama sharafteeda. Shicibkiisa u naxaa markasta oo dhibi timaado aaan xabad lagala hor tagin. Waxkastana lagu dhameeyaa wanaag iyo wada hadal iyo si kastoo cidi ku badbaadayso.
Tusaale ahaan markasta oo qalad dhaco dadbaa dhinta Ma is waydiiseen sababta keentay. Maxaa looga hor tagi karaa dhamaan qaladaadkaas oo dhan.
AKHRISTE NAFTAADA WAYDII SU, AALAHAN OO DABADEED KA FIKIR MA LEEYAHAY MADAXWEYNE A.M.M SIILANYO ASTAAMAHAN HOOSE:-
|
Shaqadiisa ma tahay mid leh |
Haday run ama run tay goobo gali |
Haddaanu lahayn astaantan goobo gali cadeena |
|
Honest |
yes |
If no specify __________________ |
|
Mission |
Yes |
If no specify __________________ |
|
Vision |
Yes |
If no specify __________________ |
|
Goal |
Yes |
If no specify __________________ |
|
Competency |
Yes |
If no specify __________________ |
|
Interpersonal skill |
Yes |
If no specify __________________ |
|
Inspiration |
Yes |
If no specify __________________ |
|
Ambition |
Yes |
If no specify __________________ |
TALO (advise)
Taladaydu waxay tahay in madaxweyneheenu markasta oo ay xaalad timado si dhaqsaa ugu jawaabo bulshada .Waa inuu leeyahay awood oo ku abuuri karo fikrad cusub oo dalka hanti u noqota Inuu bulshada ka dhaadhiciyo inaanay dalka cid gaara lahayn laakin la wada leeyahay loona siman yahay lana wadaagayo guul iyo guul daraba
Inuu dadka ka dhaadhiciyo inay is kaashadan dawladuna soo dhawaynayso oo ay sameeyaan maalgashi balaadhan .
In dadkiisa uu marwalba u muujiyo kalkacayl isagoo muujinaya inuu markasta ka xun yahay waxkasta oo la soo gudboonaada . sida shaqo la,aanta , kor u kaca dhaqaalaha , dagaalada yar yare e dad ku dhintaan , iyo inuu dadka ugu hambalyeeyo guulaha la gaadho.
Inuu wasiirada aadka looga cawdo uu ku sameeyo badal ama uu geeyo wasaarado kale si loo hubiyo sababta looga cawday
Inuu isku badal ku sameeyo sida agaasimayaasha iyo wasiirada oo uu is waydaariyo up to down
Inuu bulshadiisa dareensiiyo inaanay dalka cidna u maqnayn ceelna u qodnayn laakin iyaga un dadaal laga rabo
In haayadaha caalamiga ah waxay qabanayaan dawladu u qoondayso
In hogaamintiisu ayna ahayn awood laakin uu hagayo un isaga oo sheegaya inaanu ka aqoon badnayn ama uu la mid yahay. Laakin uu hagayo un.
DAWLADA WANAAGSAN WAA DAWLADA OG HALKAY KA XUNTAY DABADEEDNA SAXDA HALKAY KA QALDANTAY.
DAWLADA WANAAGSANI WAA DAWLADA UMADEEDA U HORSEEDA GUUSHA ,UMADEEDANA KU FAANTA,DADKEEDA IYO DHULKEEDABA ILAASHATA.
FARHAN MOHAMED HASSAN (RAKAD) social activities
TELL: 4400319
EMAIL: FARXAANMXD@GMAIL.COM
Thank you all
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga