Berbera (HWN) Qaar ka mid Ah Waalidiinta Ubadkoodu ay wax ka bartaan Dugsiyadda Hoose Dhexe ee Magaaladda Berbera ayaa qaylo dhaan ka muujiyay lacago ay sheegeen in salaasa walba ka qaadaan maamulka Dugsiyadda Hoose Dhexe.
Lacagahan oo qiimahoodu dhan yahay 3000 oo shilling-ka Somaliland ahi, ayaa waxa ay tilmaameen in ay tahay lacag aanay u I taal lahayn in ay Saalasa Walba bixiyaan.
Hooyo Foosiya
Yuusuf Maxamed Oo Ka mid ah waalidiinta ubadkoodu ay wax ka bartaan dugsiyadaasi lacagaha laga qaado ayaa u sheegtay Hadhwanaagnews in ay tahay lacago aanay u I taal haynin, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa ?Walaalo lacagtaasi waa mid salaasa walba nalaga qaado, xukuumadduna waa tii hore u sheegtay in ay dugsiyadda Hoose Dhexe Bilaash yihiin.
Markaa waa lacag runtii aanaan itaal u lahayn in aanu iska bixino salaasa walba? ayay tidhi.
Mar aanu waydiinay bal in jiraan cid ay kala xidhiidheen si looga joojiyo ayaa waxa ay xustay in aanay jirin ilaa hadda cid ay kala hadleen.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Saaxil Ibraahim Digaale Maxamed oo aanu arrintaasi wax ka weydiinay ayaa sheegay in ay hore u jirtay isla markaana uu ahaa hal dugsi oo keli ah, balse markii ay ka war heleen in ay ka hawl galeen sidii loo joojin lahaa.
Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray in ay hadda joojiyeen isla markaana ay hadda qaadaan hal salaaso oo keli ah, taas oo wax lagaga qabanayo bilicda.
?Way jirtay lacagtaasi, waxaanu ahaa hal dugsi oo keliya, laakiin markii aanu ka war helnay waanu joojinay, waxaana hadda laga qaadaa ardayda Bishii hal salaalo taas oo wax laga qabanaya nadaafadda iyo bilicda Dugsiga, waxaana uruuriya Guddida Waalidiinta ee Dugsigaas? ayuu yidhi.
Mar uu ka hadlayay waxbarashadda Gobolka Saaxil iyo halka ay marayso waxa uu yidhi ?Waxbarashadda Gobolka Saaxil waxa ay maraysaa halkii ugu saraysay, waxaanan hadda (Wakhtigii Waraysiga Aanu ka qaadaynay) ku jiraa socdaal aan ku soo marayo Degmooyinka Gobolka kuwaas oo aanu ku soo ogaanayno waxbarashadda Gobolka Saaxil iyo halka ay marayso? ayuu yidhi.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Najaxcunaaye52@gmail.com