Waxa La Yidhi: ?Dadku Wa Labo: Wanaaggsane iyo Wanaajiye? Malaha Murtida Qaybteeda Hore Waxay Ku Daaban tahay Maahmaahdii Kale Ee Ahayd: ?Weynaadaa Wanagsanaada? Mid Kale Waxay Leedahay ?Tiisa Daryeeela Tu Kale Ku Dara? Midkale Baa Tibaaxaysa ?Ninkaad Kabo Ka Tolanayso Kabihiisa La Eegaa? Qodabka Murtida Hore Ku Jira Ee Ah ?Wanaajiye? Waxay Si Cad U Tilmaamaysaa Oo Qayaxan :ABWAAN, INDHEERGARAD,GARAAD,AQOONYAHAN ?Iwm?..Marka Laga Reebo Mid U Danbaysa, Intooda Kale Xoogoodu Wa Hibo Alle Iyo U Dhalasho Uur Hooyo Lagala Soo Baxo .Waxaase Jirta Waayo Aragnimo Waqtiga Laga Qaato ,Oo Ka Dhalata Dhacdooyinka iyo Nolol Maalmeedka .INDHEERGARAD
style="mso-spacerun: yes"> Helitaankisa Oo Adag ,Eray Ku Lumin Maayo Isaga Idinkaanan Idiin Dhaafayaa Iyo Aragtiyihiina Kala Duwan .Halka ABWAAN iyo Garaad La Garan Karo Lana Heli Karo...Yaanse GARAAD Loo Qaadan Kii DhAQAN Beeleedka Loo Yaqaanay.
Magaca Abwaan Faraxumaynta Loo Gaystay Amabase Aan Dhehee Kufsiga Cad Ee Lagula Kacay!!!!! Haday Sax Tahay Oo Aanay Dhaliil Ku Jirin Maxaa Yeelay Xushmaduu Xambaarsana , Xigmaddu Waday Iyo Xilkuu Mudnaa , intaba Waa Laga Xayuubiyay Dad Aan Habkii Abwaanimo Lahayne Way Maamusheeen Siday Doonaana Way Ka Yeeleen.
Aqoonyahan Mise Hal Aqoon
Suaal?.Horta Aqooni Waa Maxay??? Aqoonyahan Se Waa Kuma?? Jawaabaha Dadwaynaha Ayaan U Daynayaa Laakin Mid Aan Xuso Aan Isleeyahay Wa Muhim Marka Laga Reebo Dhalanrogga Dhacay iyo Dhaqanguurka Jira Ee Buuryaqabyadii Oo Dhamiba ABWAAN La Wada Baxeen ,Iska Daa Inay Abwaano Yihiine Aanay Nolosha Waxba Ka Ogayn Aan Ka Ahayn Inay Nool Yihiin ??Sida Caadada Ah Qof Walba Oo AFARREY isi Saari Kara Ama ERAYO Curin Kara Lama Yidhaa :ABWAAN ,Wuxuse Noqorn Karaa:HAL ABUUR ,CURIYE ,TIRIYE....IWM ???. Sida Awgeed Waxan So Jeedin Lahaa In Kalmada Aqoonyahan Heerka Ama Darajada ABWAAN Oo Kale La Gaadhsiiyo Oo Aan Qof Walba Loogu Yeedhin Looguna Hal Qabsan ,Balse Halkii Aqoonyahan Hebel La Odhan Lahaa La Idhaahdo HAL AQOON Hebel?Sababta Aan Taa U Leeyahay Oo Ah Aqoonyahadii Oo Inagu Batay Iyo Waxtarkoodi Oo Yaraaday k Aqoonay Xaal Qaado !!!!!!.
Marka Aynu Taariikhd Dib U Raacno Waxa Jirtay Waxyaabo Badan Oo Lagu Kala Danbayn Jiray Iyo Habka Hadalka Iyo Talada Loo Kala Lahaa Hadaynu Ka Xusno Qaar Ka Mida Dadka Arinkaa Ehelka U Ahaa?.
1)DA?DA :Oo Qof Waliba Qofka Uu Ka Waynyahay Wuu Ka Mudnaa Wax Dhihida .Cisayn Owgeed Waa Haddii Aysan Duudsiini Ku Jirine.
2)ODAY DHAQAMEED : Oo Noqonaysa Mid Dhiig iyo Dhalaan Ba Ah ,Inta Kalana Garaad Iyo Gu? Tirsi Tahay(GUURTI) Oo Dabcan Magacyo Badan Oo Kala Jaad Ah Leh.
3)WADAADDO : Waxa Aan Marnaba Meesha Ka Maqnayn Talada Culimada ,Oo Had iyo Jeer Wax Ku Ool Ahayd ,Maantse Iska Daa Culimo Wax La Waydiiye Iyagaaba Laga Cararayaa , Waa Meeshii Laga Dhihi Jiray: ?Meeshii Cir Laga Sugaayay Ayay Ceeryaamo Ka Timid ? kkk Kaba Darane Waa Ninkii Kabaha Masjidka Looga Xaday Ee Markii u Maqlay Eedaan Baxaaya Yidhi: ?Maqla , Tuugadiii Ayaa Isku Wacanaysee kk !!!? Allow Adaa Faxan ?.
Guntii iyo Gabagabadii akhriste Marka Aad Dhexmarto Suuqyada Waawayn Ee Magaalooyinka HARGIESA iyo BURCO ayaa Waxa Ugu Badan Ee Aad Maqlayso Ayaa Ah Ee Ay Dadku Iskugu Yeedhayaan Aqoonyahan Hebel Halka ay Qaar Kalana Ayba Ka Dhigteen Magac Galay Kaftan Oo Ka Lumay Qiimihii U Lahaa Marka Keeba Mudan Inaynu Dhahno Aqoonyahan Hebel Ama Inaynu Nidhaa Hal Aqoon Hebel , Oo Qof Walba Loogu Abtiriyo Aqoontu Leeyahay?.
C.shakuur C.qadir Cige (Hayaan)
Somalia Muqdisho
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga