la sheegaa.Haddaba caasimadaha Aduunka Hargeisi halkee Ayey kaga Jirtaa.Kaalinta 200aad Mise Kaalinta 190naad.Si,aad u ogaato Inta Caasimadood ee Aduunka ka Jira lana Aqoonsanyahay Waxaad Eegtaa Tirada Xubnaha Qaramada Midoobey Calankoodu ka taagan yahay Adiga oo weliba ku Daraya wadamo aan la aqoonsaneyn oo kale.
Warbixin Khubaro Caalami ahi Diyaarisey Ayaa sannadkii hore lagaga Hadlaayey 200 Caasimadood Qaar badan oo ka mid ah Caasimadaha Aduunka ugu wanaagsan iyo Kuwooda ugu xun ama ugu Hooseeya Heerka Nolosha.Tartan Dhinaca kala horeynta ah Ayaa Jirey,Inta badana marka la diyaarinaayo Warbixin Noocaasi ah waxa laga Duulaa ugu Horeyn Heerka iyo Koriinka Dhaqaalaha Caasimadaasi iyo Shaqooyinka ka socda,Tayada Nolosha,Horumarka laga sameeyey Dhinac Dhismaha iyo Waddooyinka,Adeegyada iyo Qalabeynta Casriga ah intaba.Waxa kale oo aad loogu soo qaadanayaa Dhinaca Cimilada iyo Deegaanka Caasimadaasi oo Hawaduna ay ku Jirto.Dhulka Danta Guud,Dhirta ka beeran ee Dooga ah,Wadooyinka iwm Ayaana si weyn isha loogu Hayaa.Saxmada,Cidhiidhiga,Qashinka iyo Biyaha Wasakhda ah sida looga Farsameeyo Dadka Ayaa Qeyb weyn ka qaadaneysa iyaduna.Marka Caasimadaasi Barwaaqo lagu Sheegaayo Waxa Qeexday Un-Habitat oo aad ka Akhrisan kartaa.Amaanka iyo Nabada Caasimadaha qaar Ayaana halistooda la Tilmaamey,Wadamo badan oo Kooxo Mafia ah leh isla markaasina Maandooriyaha Xashiishada Suuq madow lagu kala iibsado Ayaa Loo sheegay the Worest Cities to Life.
Caasimadaha Asia,Delhi,Mumbai,Jakarta,Ankara,Islamabaad,Riyad,Dubai,Doha,Tokyo,Malaysia,Honkong,Seoul
,shangai,Yurub,Paris,London,Berlin,Viena,Madrid,Brusseles,Roma,Helsink,Oslo,Amestardam,
Denmark,Sweden,Mosco,USA,Amerikada Fog,Sydney etc Ayaana inta badan Aduunyada Tirada ugu badan ee dad ahi ku Noolyihiin.Marka laga Hadlaayo Haddaba Dhinac Amaanka Somalia waxa lagu tilmaama meelaha Aduunka ugu xun ee lagu Noolaado,Marka haddaba laga Hadlaayo Aragtida caalamka Somaliland ma waxa ay U arkaan Somaliyadii hore uun Mise wadan Dhismey oo Leh nolol heer sare ah isla markaasina tartan la geli kara Qaar badan oo ka tirsan Caasimadaha Africa iyo Aduunyada inteeda kaleba.
Somaliland Sidee Ayey kula Muuqataa Dhinaca Nolosha iyo heerarka kala duwan ee lagu Qiimeeyo Marka laga hadlaayo Arimaha Caasimad ka dhigi kara Mid soo Jiidata Indhaha caalamka.Caasimada somaliland ee Hargeisa Ayaa ah hoy iyo Guri Barwaaqo oo marka laga hadlaayo Dadka soomaalida ah inta wadanka u dhalatey iyo kuwa Dulsaarka ku ahiba ay iskugu Yimaadeen.Hargeisa ma Magaalo Qurux badan Ayaa lagu tilmaami karaa,Ma magaalo caasimad u qalanta,Ma magaalo Weli Foolxumo dhinacyo badna ka heysato sida Wadooyinka,Qashinka,iyo Cidhiidhiga dadku ku hayaan Wadooyinka.Ma magaalo aan laheyn Qorshe Caasimad lagu hagaa.Ma magaalo aan loo diyaarin baa Qorshihii Caasimad dhab ah.Dhinaca Adeegyada iyo Dhismaha Markaad ka timaado,Ka waran Nabadgelyada iyo Amaanka ka Jira Hargeisa ma la mid yahay Midka Caasimadaha Barwaaqada lagu sheego ee Dunida horumartey.
Tirada Dadka Ayaa si xoog ah u soo Kordheysa,Isha somaliland ugu Dhaqdhaqaaqa badana waxa ay Noqotey Hargeisa.Xitaa Meesha ugu badan ee dad wadanka laaji ku ah laga soo Heli kara Ayaa ah Hargeisa"Horena waanigii u soo Qorey Qormadii hore ee aheyd "Hargeisa:Afrika Caasimada kaga Noolow".
Marka aynu haddaba ka hadleyno Nolosha Hargeisa Halkee ayeynu ka bilownaa,Ma waxa aynu ka eegnaa Dhinaca dhaqaalaha iyo Shaqooyinka iyo Qiimaha Mushaharaadka wadanka lagu qaato,Ma dhinaca Kirooyinka Guryaha la galo iyo Kuwa meheradaha ah,Ma dhinaca Qiimaha waxbarashada somaliland halka uu maraayo,Ma dhinaca Adeega caafimaad halka uu ka maraayo wadanka.Ma dhinaca Sarifka Lacagaha Qalaad,Ma dhinaca Qiimaha Maceeshada lagu noolyahay oo aan Xadidneyn Marar badan Sicir barar afka la gasha,Ma dhinaca Adeega Gadiidka dadweynaha,Ma dhinaca Korontada,Ma dhinac Biyaha lagu noolyahay,Ma dhinaca Iibka Dhulka,Guryaha ama Beeraha,Ma dhinaca Shaqo abuurida iyo Shaqaaleysiinta,Ma dhinaca Qiimaha Baabuurta wadanka lagu wato,Ma Dhinaca iibsashada Qalabka Electronics oo ah kuwa Maanta nolosha hagaya.Halkee Ayeynu ka Qiimeynaa Marka laga hadlaayo in Nolosha Caasimada Hargeisa wax laga qoro,Ma Dawladnimada iyo Amaanka iyo Sharciga Ayeynu ugu horeysiina.Mise Adeegyada kale Ayeynu ka hadalnaa.Hargeisa ma Caasimad Nolosheedu Jaban tahay oo ka wanaagsan Qaar badan oo kale Ayaa Mise waa Mid nolosheedu ay Maalinba maalinta ka danbeysa sii qaaliyoobeyso.Qiimaha lacageed ee Qoys ku filnaan kara Hargeisa.. Somaliland Jooga iyo Midka ku filnaan kara Qoys Muqdisho Somalia Jooga Farqi intee Leeg Ayaa u dhaxeyn kara Midkeese Jaban.
Marka laga tago Caasimada Hargeisa ee aynu u leexano Dhinaca gobolada kale ee Somaliland Heerkooda nololeed iyo Horumarka Adeegyada bulshada laga sameeyey ma ku dhow yihiin kuwa caasimada ka Jira.Kharashka ku bixi kara Qof Gobolka Gabiley ku Nool iyo Midka ku bixi kara Qof ku Nool Awdal Boorama ma ka Jaban yihiin Midka Hargeisa Jooga.Dad aan Sharci iyo Dawladi Midna Hagin oo Subaxba Qiimo ku soo Toosa isla markaasina Dilaaliin Ay Qiimaha u Jaraan Ayaa wadanka lagu tilmaami karaa.Dad Ayaana wixi ay Mushahar u qaadanaayeen ugu Filnaan waayey Baahiyihii daruuriga ahaa ee Nolosha Qoyskooda.
Hargeisa 20tan sanno ka hor iyo labaatan sanno ka dib Farqi intee leeg Ayaa u dhaxeeya.Somaliland wey ka faa,idey in ay gooni ula soo Noqoto Madaxbanaanideedii Luntey,Maantana Fooqyadii Hargeisa aan laga ogoleyn Ayaa ka wada Muuqda laguna Qurxiyey.