Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Horumarka Hargaysa, Qayta-Labad. by Omar Yousuf


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
Qoralkii hore ee horumarka Hargaysa waxaan kaga hadlay, sidii xashiishka magalada looga ururin lahaa, sida wadooyinka halboolaha

Talo Ku Socota Mayarka iyo Golaha Deganka Hargaysa.

Qoralkii hore ee horumarka Hargaysa waxaan kaga hadlay, sidii xashiishka magalada looga ururin lahaa, sida wadooyinka halboolaha magalada ah wax looga qaban lahaa. Sidii magalada looga hirgalin lahaa Public Parks, iyo musqulo public ah.

Hadaba, waxaa kale oo loo bahan yahay in la sameeyo goobo xashiishka lagu ururiyo inta aan la gayn goobaha lagu qubo, oo
yes">  ku yaala cidhifyada magadalada. Goobahani oo lagu kala saro xashiishka la daadinayo iyo kuwa dib-loo isticmali karo (ama recycle-ka) ah. Inkasta oo fiican tahay in aynu qalab ka samaynu recycle-ka, sida lagu soo bandhigay Jamacada Hargaysa, lakiin waa in aynu fahano in electricty badan u bahan tahay habkasi.

Teeda kale, waa in ay magaaladu wax ka qabato xoolaha magalada lagu dhaqdo. Waxaa magalada ka buuxa riyo, iyo lo?, waxaan madaxtooyada agteeda aan ku arkay xayn geel oo tuban. Hadaba waa in dawlada hoose ay dadka magalada wacyi galiso, loona sheego in xoolo lagu haysan karin magalada gudaheeda. Dawladii Ingiriisku waxa magalada ka qaban jirtay 60 sanno ka hor, ma ah in aynu garan wayno maanta. Marka waa in dawlada hoose samayso laba gaadhi oo magalada ka shaqeeya oo xoolaha ka ururiya. Xoolaha lagu arko magalada waa in ciidanka Somaliland la siiyo si ay qashaan. 

Waxaa kale oo magalada ka buuxa bisado iyo ay. Cafimadka dadwaynaha ayay khatar galinayaan ayda iyo bisadaha magalada buux dhaafiyay. Markaa waa in dawlada hoose ay ka ururiso magalada, oo siiso dadka doonaya in guryahooda ku haystan, ama la laayo.

Hadaba, haddii aan u soo noqdo ujeed qoralkayga. Waxaan qoralkani kaga hadlayaa dabka (ama Electricity-ga) magaalada.

Dalkeenu markii lagu soo noqday ee laga yimid Dulcad, waxay ku soo noqdeen dal burbursan. Dadka Electrical Generators dalka keenay waxaa ay qabteen wax wayn, waxa ay ka qayb qateen horumarka magalada iyo dalkaba. Markaa dadka horumarka dalka wax ku leh, waa in hantidooda la daryeelo, oo wax lala qabto. Teeda kalalana waa in iyaguna ayna magalada horumarkeeda caqabad ku noqon.

Dadka magalada ku nooli waxaa ay u bahan yihiin dab jaban (cheap electricity), Somaliland waa meesha calamka ugu electricy-ga qalisan, halka unit (1-KW) waa hal dollar. Dalka Maraykanka gobalka California een ku noolahay waxaan bixiya halka Unit ugu badnaan 15 cent (0.15 dollar). Marka dadka Hargaysa ku nool aad ayuu qali ugu tahay  electricity-gu.

Hadaba waa in marka hore darasad lagu sameeyo sababta electricy-ga uu qaliga yahay, iyo sidii loo heli lahaa electricity jaban.

Somaliland waxaa ay tidhaa ?fadhi iyo fuud yicibeed, la isku waa?. Calamku waa in ay ina Ictiraafaan iyo in  aynu u dhaqano sida Dulcad ama xerada qaxootiga isma qabanayso. Dadka Somaliland waxay isku raceen in aynu dawlada calamka ka mid noqono, aduunkuna wali inama Ictiraafin. Hadaba waa in aynu noqono dad iyagu wax qabsada, oo horumarka dalka aynaan ku xidhin Ictiraaf aduunka ka sugayno. Dadka dalka ka taliya waa dad sida calamka loo baryo yaqanay ee ma ah dadkii dal aan Ictiraaf haysan oo dhaqaalihiisu kooban yahay hogaamin  lahaa. Hadaba, waxaan rajaynayaa in Mayarka iyo golaha deganka ee Hargaysi ayna noqan dad calamka ka suga in ay magalada u dhisto, ee waa in aydun dadka casmida ku nool midaysan, si iyaga oo isku duuban wax u qabsadan.

Electricity-ga magaladu waxaa uu ka kooban tahay:

1)       Electricit Grid,  oo ah wayiro , tiirar (or poles) iyo Transformers. Iyo

2)       Electric Generators.

Casimda Hargaysi ma leh electric-grid. Qofkastaba waxaa uu meel ka tagay Udub (ama ul),  wayiro electricity-ga waa lagu xidhay. Magaladana khatar ayay galinaysa wayirada dabka ee sida caqli darada ah magalada u daadsan. Waa masuuliyada mayarka iyo golaha deganka in ogalaasho siiso (ama permit) goobaha tiirarka iyo wayirada dabku marayaan.

Sidan hore u sheegay dhaqaalo xumo inama hayso, ee caqli xumo, iyo hogaan xumo ayaa ina haysa.

Somaliland waa in calamka aqoonsiga inaga hortagan ka sugin in ay inoo dhisaan Electric grid, wayo haddii ay wax inoo qabanayaan 21 sano ayay inoo qaban lahaayeen. Waa in aanu calamka tusno in aynu diyaar u nahay in aynu dal madax banaan oo dhaqaalihiisa dhisan kara nahay. Teeda kale, marka aynu wax la nimadano ayay calamku wax inala qaban karaan. Lakiin weel madhan haddii aynu ula tagno waxba kuu qaban mayaan.

Mayarka iyo golaha deganku waa in ay abuuran hay?ada Electricity-ga ee Hargaysa, iskana soo xulan gudi maamusha hay?adani. Hay?dani shaqadeeda waa sidii ay dadka magalada Hargaysa ku nooli u heli lahaayeen electricity jaban.

Shaqada ugu horaysa ee hay?adani  qabanaysaa waa in ay noqoto  in ay ogaato inta electric-genarators ama  Mwatt ee laydhka ee magaladu u bahan tahay iyo Electric gridka magalada.

Hadaba, hay?adani iyaga oo la kaashanaya dadka Somaliland ee gudaha iyo dibada jooga, iyo hay?ada calamiga ah waa in ay qiimayaan kharashka ku baxaya horumarinta laydhka magalada. Tusaale ahaan  waa in ay ogadan inta poles (tiir) ee ay magaladu u bahan tahay, inta wayiro (cables) ee magaladu u bahan tahay iyo inta transformer.

Warshada laydhku waa hantida magalada, sida daradeed waa in dawlada dhexe warshada laydhka u soo celiso dawlada hoose. Ujeeda gudida deganka loo doortay waa si ay u-maamulan hantida magalada, sida daradeed ma ah in dawlade dhexe ay fadhataysato dawlada hoose. Sida ula socdo golaha deganka hore iyaga ayaan doonaynin in warshada lagu wareejiyo, lakiin marar badan ayaa dawladii hore ay rabtay in ay ku wareejiso warshada laydhka golaha deganka.

Hirgalinta laydhka magaladu waxaa uu u bahan tahay in dhaqale. Tusaale ahaan, haddii mudada dhaw (short-term) warshada laydhku u bahan tahay, $10 million oo dollar, oo mashiinada laydhka (Electric genarators) lagu soo iibiyo,  iyo $5 million dollar oo ah electric-grid, ama  $15 million.

Hadaba $15 million oo dollarka Marakanka, waa kharash aad u badan.  Ma jiraan dawlado inaga cawinaya lacagtani, dawlada hoose ama dawlada dhexe ee Somaliland lacagta inta leg ma hayan. Teeda kale ma jiraan Bangiyo calamiya oo lacagtani ina amaahin kara.

Marka dawlada hoose waa in ay labadan arrimood mid qadato. In hay?ada laydhka Hargaysi noqoto mid:

A)      Public?Private Partnership (PPP), ama

B)       In Hay?ada laydhka ee Hargaysa private laga dhigo.

 

A)      Public?Private Partnership (PPP), waa hab dawlada iyo shacbiga ay ku shurakoobayaan, si loo hirgaliyo mashruuca ay dawladu dhaqalo ahaan awoodi karin. Lacagta ku baxaysa mashruuca, waxay  ka imanaysa dadka Somaliland. Hay?ada laydhku marka electricity-ga shacabka ka iibiso, ayay dadka lacagta maal-gashady dib u siinaysaa. Hay?ada laydhku waxa lacagta ku bixinaysa mudo sanado ah.

Hadab, si Public?Private Partnership (PPP) loo hirgalo waa in marka hore dawlada iyo dadka maal-gashaday ku heshiinaya sida dadka maal-gashaday ay lacagtooda u helayan. Tusaale ahaan waa in bishiiba dadka maalgashaday helaan qayb ka mida lacagtooda iyo macash, ilaa ay lacagtii maal-gashadeen u soo noqonayso. Habkani waxaa uu noqonaya in dawlada hoose ay hirgaliso mashruucii ay u bahnayd, oo shacbigu helo dab jaban (cheap electricity), dadka maalgashadayna ay ka macashan maal gashigooda.

Haddii, la isla qaato in la hirgaliyo Public?Private Partnership (PPP), waa in si cad oon madmadow lahayn loo dabaqo. Waa in dad aqoon u leh  sharciyada iyo maamulka oo dhex dhexaad ahi, ay hirgaliyan sharciga lagu maamulayo habkani.  Dadka maamulaya hay?dani waa in ay noqdaan dad dhex u ah dawlada iyo dadka maal gashaday.  Sida daradeed waa in  ay noqdan dad la aamini karo oo dadka maal gashanaya ay kalsooni ku wada qaban. Waana in golaha deganku ee Hargaysi ogaladan hirgalinta mashruucan. Teeda kale waa in dadka oo dhan u sinada maal-gashiga mashruucani.  Tusaale ahaan, waa in laga bilaabo inuu qofku maal-gashdo $1000 dollar ilaa $300,000 oo dollar.

A)      Mida kale,  waa in ay  dawlada hoose hay?ada laydhka private ka dhigto. Maaanta dawlada hoose ama dhexe wax faa?iido ah kuma qabto maamulka warshada laydhka. Dawladu waxaa maamulaysay warshada laydhka mudda 20 sanno ah, mana daboosha bahida dabka ee xafad ka mida magalada.

Markaa  waa in ay dawladu qiimayso mashiinada warshada laydhku leedahay iyo inta electricity (Mwatt) ee soo saran. Marka labad, $15 million ee warshadu u bahan tahay waa in loo qaybiyo samiyo (shares). Tusaale ahaan waa inuu samigii noqdo $500 ama $75,000. Qofka waa in loo ogalado inuu maal gashado $5,0000 ilaa $300,0000. Teeda kale waa in ay dawlada ka kirayso sharkada cusub ee laydhka ee Hargaysa (ama Hargaysa Electricity), dhulka ay ku talo warshadu iyo qalabka kale ee warshadu leedahayba.

Hadaba waa in dawlada hoose samayso Komishan Electricity-ga. Komishankani oo shaqadiisu tahay in ay isku xidho, dhexna u noqdaan sharkadan cusub ee Hargaysa Electricity (ama washada laydhka) iyo sharkadaha laydhka ee magalada ka shaqeeya.  Komishanka Electricity-ga iyaga goynaya habka sharkadaha electricity-ga u-iibinaya laydhka.

Tusaale ahaan, sharkadaha electricity-ga (kowa jira ama kuwa cusbu) waa in ay xafad ama qayb ka mida xafadaha magalada ka mida ay ka iibin karaan laydhka. Electric-gridku waa in ay sharkadaha laydhka oo dhani wadagan. Electric-gridku waa wadaa ama dariiqa uu electricgu marayo, marka sharkadkastaba waxaa bixinaysaa kharashka electric-gridka intay ka isticmasho. Hadaba, Komishanka electricga waxay ka kiraynayaan sharkadaha dabka electric-gridka.

 Teeda kale, haddii sharkadaha kale ee doonaya in ay dab ka iibiso shacbiga magalada waxaa  noqonaysaa mid u furan. Sida daraadeed laydhku waxaa uu noqonayaan in cidna kooto ku haysan.

Gaba gabadii, waxaan hanbalyaynayaa Mayarka iyo golaha deganka ee Hargysa ee shaqada fiican bilaabay. Hogaanka fiican ma ah inuu aqoon saraysa lahaado oo kaliya, lakiin waa inuu noqdo qof saxa iyo qaladka kala yaqan. Qof talooyinka fiican urursada, kuna dhaqma teeda fiican. Qof ku dhac leh een ka baqan kuwa dawladanimada qaladka ka fahmay ama af-miisharada dantoodu ku jirto horumar la?aanta . Mida kale, haddii ay dadka Somaliland doonaya in ay noqdan dal Calamku aqoonsan karo, waa in ay casimadeedu u ekaato casimada dadka calamka lagu marti qadi karo. Markaa Mayarka iyo golaha daganku waa in ay dadka sida ku wacyi galiyan, cida ka soo horjeeda horumarka magaladana dadku meel uga soo wada jeedsado.

Illahay wanaga ha idin garasiinyo.                                                    

Somaliland Ha noolato !!!!!

Omar Yousuf                                                                                        

Oakland, California

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.