januaray waa bad xidhan waxana badda fadhiya baraf xiligaasna inta badan lama safro waxayse gosteen oo ay go?aan ku gaadheen in ay caawa badda galaan,
Cawil wuxuu u baxay dukaamaysi si uu usoo iibsado sahaydi uu quudan lahaa intuu ku jiro safarka badda,
Wuxuu soo iibsaday biyo sharaab buskud iyo roodhi waxanu dub ugusoo noqday gurigii ay degenaayeen ee caawa ay ka anbabaxayeen,
Waxa u yimi muqalaski doonida saarilaha oo wata bas caasi goor habeenimo ah waxanu ku war galiyay in caawa ay baxayaan oodoonidi diyaar u tahay,
Dhamaan waxay fuuleen baski dhalinyardii diyaarka ahayd ee lacagtanooliga donida bixisay wiilal iyo gabdhoba,
Waxa uu baski ulasoo dhaqaaqay xaga xeebta oo ah halka ay doonidu diyaarka ku tahay ninkasta wuxu sitaa sahydiisi ,
Doonidu waa looxan lagu sameeyay xeebta xeeligeeda waxan la diyaariyay iyagoo arkaaya doonidi ay raacilaheeyn,
Doonida had iyo jeer ay ku safraan muhaajirinta tahriibaysa malaha tayo waayo waa looxan macmala oo ku nasiibso ah ,
Qofka doonida kaxaynayaa maaha naaqude bixiaariya waxa loo dhiiba doonida qof ka mida dadka tahriibayaasha ah ,
Waxa waqtig kooban oo saacado ah la tababaray wiil ka mid ahaa dhalinyaradi tahribaysha ah ee Cawil ay isku rakaabka yihiin, waxa la tusay jihada iyo sida loo haynayo shookanta donida waa aqoon gaaban iyo asto astayn lo tiltilmaamayoo an lagaggayoonkarin safarka halista ah,
Wa nasiib donida marka la dhaqaajiyo siday ay noqona lama oga in y badda fadhiisan oo ay ciladaysantay iyo in ay ka gudbi doonto oo ay gaadhsin xeeliga xeebta malta waa biimo loo badheedhay,
Waxa la gaadhay waqtigi doonidu shiraacanaysya ee ay badda baaxada wayn badhtankeeda galaysay,
Waxay sitaan mobil tooranyo ah oo loogu talo galay marka ay khatar galaan inay kula xidhiidhaan ciidanka ilaalada iyo cidi samata bixinkarta,
Waa habeen jimce barkhadle ah waa habeen jawiga hargaysi degen yahay hooyo Xaawi hurdo may ledin tan iyo markii u baxay wiilkeedi maddiga ahaa , waxay dhawraysaa codkiisa iyo dhaawaaqa teleefonka uu soo dirayo Cawil,
Cawil waxa uu soo wacay Hooyadi xaawa si uu ugu sheego inu baxayo hadda oo donidu taagntahay badda xeligeeda rakaabkina dhamaan diyaaryihiin ,
?Hooyo waxan dul taaganahy doonidii waxanan galayna badda waqti dhaw duco hooyo igu sabooti geeri iyo nolol labaduba way is baalyalan ?
Jidhiidhico iyo naxdin ayaa la jafsiiyay hooyo xaawa hadalkina wuu kaso bixi kariwayay,
?hooyo ducadaydu way kugu dhantahay waxan illaahay kaaga baryay inaad nabad gasho ayay si calaacal ku jiro ugu tidh Hooyo Xaawi wiilkedi Cawili?
Wuxuu cawil dhigay telefoonki uu kula hadlayay hooyadi xaawa ,
Hooyo xawi waxay gasha marxalad cusub oo ka warwar iyo walaac badan xaaladi hore madaama safarki ugu halista iyo khatarta badan cawil caawa u galayo ,
Waxay inbad dhegta ka maqli jirtay waxay dooniyi la qrqoorantay dhalinyaro tahriibayaal oo ku naf wayay badda ,
Tasbiix qur?aan akhris iyo salad ayay bilwday hooyo xawi waxay ilahay ka baryaysay habeenki oo dhan in wiilkedu ka badbaado halista iyo dhimashada badda nolol iyo nabadqabna uu ku tago yurub,
Waa gudcur dama badda waxa ka jijileh noolaha eebe ku alkumay guuxa iyo gawda ka dhacaysa dheghu haynkarimayan waxana cartamaya mawjadaha is waydaaranaya ,waxay dhamaan fuuleen dadki tahriibaysha ahaa doonid yarayd bisinka iyo burjiga eebe rabiyow nasaalamad yeel laba laba ragcadood ayay ku bilaaben safrkood ,
Waxay ku fuulen doonidi boqol qof 100 waxa soomali ahaa 80 qof oo isugu jira dumar iyo ragg , doonidu waa cidhiidhi qofna ma nuuxsan karo waayo doonidu aadbay u yartahay dadkuna aadbay u badna yihiin,
Waa safar aan la saadalin Karin halka ay saldhigi noloshoodu muhaajiriinta doonida saran, badda waxa fadhiya baraf waanay kacsantahay waa waqtiga maraakibta wawayni ee isag gooshaa badwaynta meditrina ocean ay ka baqaan safarka iyo socodka badda cimilada aawadeed ,doonyaha yaryarna warkoogaba daa,
Waxa u bilaabmay safarki inta badan dadka eebe samta bixinaya waxay ku gaadhan xeebta malta habeen iyo maalin,
Waxay badda ku jireen sadex cisho oo aan war laga hayn mel ay jan iyo cidhib dhigeen tahribayshi Cawil uu ku jiray waxan ka luntay jihadii ay u socdeen , La soco????.
maxamed sadiq dhamme
telephone : 002522-448-7021
cadaalada5@hotmail.com