ay yurub la wadaagtaa in gabadhu ay guriga kabaxdo shaqaysato oo ay ku dhex milanto ragg ajaanib ah mar mar ka qaarkood waxa ay shaqada tagtaa ayada oo uur leh .
Dumarka maraykanku dhibaato ayay kala kulmaan dhex galka ragga sida kufsi iyo badanaa ubad aan sifo sharci ah ku dhalan.
Sida ay sheegtay warbixin laga diyaariyay dugsiyada maraykan ka taas oo ay wax ka qortay majaladda (time) dhammaadkii 1985tii waxa ay iftiimisay sidan hoos ku xusan:-
Tirada hablaha uurka leh ee maraykanka kuwaas oo dhigta dugsiyada waxa ay tiradoodu gaadhaysaa mal-yuun sannad kiiba waxa la ogaaday in mar ka shan meelood loo qaybiyo hablahaasi afar kamid ah ay yihiin kuwo aan xaas ahayn waxa ay intaa majaladdu ku dartay ku dhawaad 30.000 oo ka mid ah hablahaasi da,a ahaan ay ka yar yihiin 15 jir .
Nisbada uurka leh hablahaasi iyagana da,a doodu way ka yar tahay 14 jir hadaba isdhex galka ragga iyo dumarka ee shaqada wax barashada iyo wixii lamid ah waxa ay keenaysaa fadeexad iyo ceeb aan yarayn Intaas oo qudha kuma koobna dhibaatada iyo nolol xumada haysata dumarka reer gal-beedka waayo markii ay reer gal beedku ka durkeen diintii alle ayaa ay u dhaqmeen sidii xayawaanka waxa lasheegaa in dalka maraykan ka ay jiraan ragg ama dad isu badala xaasaskooda in muda ah marka ay muddadaasi ka dhamaato ayay isu soo ceshaan
sikastaba ha noqotee gabadha reer galbeedka nolosheedu waa saddex xaaladood mid kood :-
? mid ku noolaata nolosha silica iyo dhaqan xumada ay ku nool yiin dhammaan dumarka reer gal beedku sidaana ku dhammaysata nolosheeda .
? mid nolosha liidashada ah ee ay dumarka reer galbeedku ku nool yihiin marka ay heer kasta ka gaadho gaba gabadana qal bigeeda werwer iyo wal bahaar la dafsiiyo ka dibna is dal dasha kolka ay sacadada nolosha ay waydo
? iyo mid marka ay nolosha madaw ee ay dumarka reer gal beedku ku noolyihiin marka ay ku qanci waydo is ku dayda inay raadsato nolol xaqiiqa ah aakhirkana waxa alle waa fajiyaa diinta is laamka .
N.B:waa nuqul ka mid buugga la magac baxay(waayahaha iyo waddanka ee
qoraa bashir saleeban raacdeeye)
W/q:Bashir Saleban Adam(raacdeeye)
Burao,somaliland