
Tog-Wajaale(HWN)-Qaar kamid ah Dadweynaha ku nool Magaalada Tog-wajaale ayaa ku guuleystey in ay ka helaan iibka Ganacsiga Caanaha Anchor xadiyo kala duwan oo ah Qidcado dahab ah oo kujira Gudaha Caanahaasi iyadoo la Sheegay in kombaniga Caanaha soo saara iyo Mulkiilaha Shirkadani ay ugu tala galeen Macaamiishooda Caanahaasi ka iibsada.
Hadaba Dadweynaha ku guuleystey in ay bakhtiyaa nasiib ka helaan Gudaha Caanaha Anchorta kamid ah Ganacsiyada Somaliland ee Caanaha daasadaha ee ka yimaada dalka dibadiisa qidcadaha Dahabka ah ee Giraamkiisu kala duwan yahey
yes"> oo u waramay Shabkada Wararka Hadhwanaagnews ayaa sheegay in ay ka heleen Gudaha Caanaha Anchor kadib markii ay ka iibsadeen Bakhaarka Gudaha Magaalada Tog-wajaale qidcado dahab ah oo Giraamkiisu kala duwan yahey islamarkaana ay aad ugu farxeen bakhtiyaa nasiibkaas oo sida ay Sheegayaan ah kii u horeeyay ee noociisa ah oo indhawaale lagu arko Suuqyada Ganacsiga Badeecadaha kala duwan Gudaha dalka Somaliland.
Ayaan Maxamed Ibraahim oo kamid ah Dadweynaha ku nool Gudaha Magaalada Tog-wajaale islamarkaana, kamid ah macaamiisha joogtada ah ee Caanaha Anchorta ayaa sheegtay in ay ka heshay Qidcad Dahab ah Gudaha Caanaha kaas oo Giraamkiisu dhamaa shan Giraam, Waxaanay Xustey in ay aad ugu faraxdey markii ay heshay.
"Waxaan aad ugu farxey markii aan helay qidacdaa dahabka ah , waxaanan ka helay Xaley umaan iibsan aad Dahab ka heshid laakiin, waxaan marka horeba ahaa Macaamiisha joogtada ah ee Caanaha Anchor nasiibkaa iga siiyay bakhtiyaa nasiibkan Walaahi inkastoon mar maqley hadana Caanahani jumlad ayaan ku qaataa oo Caruurta ayay u fiican yihiin illaahayna waa isiiyay aad iyo aad ayaan ugu farxey koleyna waxaan dadka Caruuraha leh ku dardaarayaa iyo Tukaanleyda ay Xaafaduhu ka iibsadaan Caanahan oo kale in ay ogaadaan oo macmiil la noqdaan Caanaha Anchorta"Ayay Tidhi Ayaan Maxamed Ibraahim oo ah Hooyo aan da, Weyneyn.
Maamulaha Shirkada Ganacsiga Spot In Trading Company ee soo Dajiya Caanaha Anchorta Gaar ahaan Bakhaarada Ganacsiga Tog-wajaale Mustafe Jaamac Siciid oo ka Waramay isaguna Dadweynaha ku guuleystey Bakhtiyaa Nasiibka ayaa Sheegay in Todobaadkan Gudihiisa ay ku Guuleysteen ugu yaraan Toban Qof oo kamid ah Macaamiishooda joogtada u iibsada Badeecada Caanaha Anchor loo yaqaan waxaanu Xusey in ay taasi dhiiri galin u tahey Macaamiishooda oo qiddcado dahab ah oo Giraamkisu kala Sareeyo ka helayay maalmahanba ay kutalagalkeedu tahey mid ay kawada Socdaan Mulkiilaha Shirkada Spot ee Somaliland keenta Caanahan Anchorta ah Idiris Cumar Ibraahim oo dedaal badan ugu jira sida uu Sheegay in uu Mcaamiishiisa Caanaha Anchorta raali galin badan Siiyo.
"Walaahi waxa la sheegayay in ay jiraan Dadweyne ka mid ah Macaamiishayada oo helay Qidcadahan dahabka ah giraamkiisu mid uu yahey boqol giraam laakiin anagu hada intaanu aragney todobaadkan waa Toban qof oo ka u badani helay laba iyo labaatan Giraam kolay waa mid aad u fiican oo Qofkii oo ismoog ayaa ka helaya Walaxahan dahabka ah markaas farxada uu ku farxo oo kaliya ayay Duco badani ka dhaceysaa iyadoo sida kalena ay Macaamiishadayadu aad u fiican tahey"Ayuu yidhi Maamulaha Bakhaarka Tog-wajaale ee Shirkada Caanaha Anchorta keenta Dalka Somaliland Mustafe Jaamac Siciid(Mustafe-Anchor).
Sikastaba ha ahaatee Magaalada Tog-wajaale ayaa aad looga hadal hayay Shaley ilaa maanta Barnaamijkan Bakhtiyaa Nasiibka ah ee ah kusoo Kordhay Caanaha Anchorta oo laga helayo Qidacdo dahab ah oo ay ka heleen inta la ogyahey hadu in ka badan Tobaneeyo Qof oo qaarkood yihiin dad danyar ah oo kamid ah Macaamiisha Caanaha Anchorta.
Hadhwanaagnews Tog-wajaale Office