Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hargeysa: Alle Dartii Yaa U Gar-gaaraya Hooyo Goblan ah Oo Diif Iyo Daranyo Haysato Una Baahan Gurmad Deg-deg Ah + SAWIRO


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
Sunnada Alle ee Xayaatadan aduunka guudkiisa ayaa ah mid aan dhamaystirnayn, iyada oo uu Alle Qur,aankiisa inoogu sheegay sida uu u kala fadilay Makhluuqiisa

Hooyo Khadiija

Sunnada Alle ee Xayaatadan aduunka guudkiisa ayaa ah mid aan dhamaystirnayn, iyada oo uu Alle Qur?aankiisa inoogu sheegay sida uu u kala fadilay Makhluuqiisa, kiisa labka ah iyo kiisa dheddigga ah. Iyada oo fadilaadaas ama kala sareynta heerarka nolosha ee dhinac kasta leh ay soo gasho Awlaada, Aduunka iyo Awoodda. 

FONT-FAMILY: ?Maiandra GD?, sans-serif; FONT-SIZE: 12pt">Ujeedada uu Alle scw ka leeyahayna tahay inuu isku imtixaamo khalqigiisa, adiga oo subax kasta iyo sanadkasta indhahaagu qabanayaan waxyaabo aad qariibsato kuwaas oo liqitaankoodu ama rumeysigoodu si adag uuga degto Maskaxda Tusaale ahaan waxaad arkeysaa Mid caga la, mid lugo la, mid idho la, Mid afartaba ku socda. Dhinaca kale mid ubad isugu jira wiilal iyo gabdho haysta, mid gabdho kaliya haysta, mid wiilal haysta iyo mid aanu Alleba siinin, kuwaasi iyo qaar kaleba waa astaamo sumad fiican u ah awoodaha Alle.


Haddii aan haddaba ku soo gundo-dhaadhaco nolosha dhibta badan ee Hooyadan ku haysata magaalada Hargeysa ayaa waxaa Telfoonka ii soo diray dad kheyr badan aan ku ogahay, waxaanay ii sheegeen xaalada hooyadan iyo dhibaatada nololeed ee haysta. markii Telfoonkaasi soo dhacayey waxaan aad ugu mashquulsanaa dacwad igaga jirta Maxkmada sare ee Hargeysa, dareenkayguna muu aheyn mid soo jeeda, waayo maskaxda ayaa meel aaday, aadna u mashquulsan. Qofka khadka ku jira ee Telfoonka iigu waramayaa, marka uu marayo Hooyadan aan kuu sheegayaa waa Goblan, ayuu dareenkeygii istaagay waxaanan u dhag-raariciyey bal waxa uu ku daro, waxaanu si dareenkeygii soo jiidatey iigu kala dhig-dhigay xaalada hooyadan, iyada oo aad moodaysay markii la ii sheegayey naxdin darteed in jidhkeygu jidhidhico tin iyo baar ah isqabsaday. Waxaanan qofkii telfoonka iigu sheekaynayey ka codsaday inuu intaas ku daayo oo aan hooyada soo booqan doono. Waxaan iska ahay dadka qalbiga jilicsan markii Telfoonkii la dhigay ayaa waxaa maskaxdayda ku soo noq-noqday hooyada iyo xaaladeeda, waanan Ilmeeyey, waxaana iga dagay waxoogaa dareenkii I hayey ee ahaa dacwadda igaga jirta Maxkamada Sare oo culeys gaar ah igu haysay.


 

Maalin kadib ayaan wacay wiilkii I soo sheegay xaaladda hooyadan, waxaanan ka codsaday inuu I dul-geeyo Hooyadan waanu iga aqbalay, ballan ka dib waanu u tagnay bal haddaba akhriste aan ku geeyo madashii iyo micnaha ay laheyd.


Waxaan horey ugu sitay Maskaxda sawir gaar ah, laakiin waxaa beeniyey sawirkaan watay kii aan meesha ugu tagay. Waxaan u tagay qof Diif iyo Daranyo badan ka muuqato, isla markaana nolosheeda aaney ka muuqan muuqaal fiican oo ku faraxti galinaya markii iigu horeysay ee ishayda ay ku dhacday Hooyadani ayaa waxaa aan xasuustey xigmada Alle ubadka u bixiyo iyo waxtarkooda.

Hooyo Khadiija


Wiilkii ila socday ayaa gudo galay inuu ii sharaxo Hooyadan waxaanu ku yidhi Waxaa ila socda wiilkaan kulahaa waxbuu kuu qabanayaa, Kolkaasay soo booday oo ay igu tidhi, Hooyo halkan soo fadhiiso, waan fadhiistey waxaanay igu tidhi "Waxaan Alle kaaga baryayaa inuu kaa badbaadiyo dhibaatada nolosha kaliga ahi leedahay kuna siiyo awlaad kheyr qabta ee Hooyo Alle dartii wax iigu qabo..." Waxaan ku idhi aamin hooyo ee maxaad u baahan tahay in laguu qabto waxaaney tidhi "Hooyo waxaan dhalay 12 Curuur ah dhamaantoodna way iga dhinteen, cid aan Alle aheyna ma haysto oo bartaas ayaan ku darxumaysnahay. Dadkii xididka iyo xigaalka ii ahaana ma hayo..." Bartaas marka uu hadalkii hooyadu marayo ayaan is idhi waydii dadka jaarka ahi waxay wax u tarin waayeen laakiin indhaheyga ayaan ku arkaa in dadka ay dhex dagan tahay yihiin kuwo aan sidaas iyaguba u nolol dhaamin, hayntooda dhaqaalena yar tahay.


Hooyada ayaa waxay sidoo kale iiga warantey xaaladeeda nololeed waxaaney ii sheegtey iney dhib badan ka haysato cid la?aanta, iyada oo tidhi "Hooyo ma haysto cid xitaa kaadida iga qaada kaligay ayaan galaa gurigan waxaana igu haysata dhaxan aad u qabow badan taas oo imika sida laga wada warqabo Hargeysa si xun uga socota hadh iyo habeen, Hooyo waxaan u baahanahay dhar, cunto iyo cid ii shaqeysa..."


Hooyadan oo magaceeda la yidhaa Khadiija, ayaan ugu danbeyntii waydiiyey waxay umada Islaamka ah ka codsaneyso waxaanay tidhi "Hooyo waxaan ka codsanayaa inay hoos ii soo eegaan oo dhibaatadaas I haysa gacan iga siiyaan qofkii wax I soo tarana waxaan ugu ducayni duco wax wayn u tari ifka iyo aakhiraba...Hooyo yaa ducada iga reebta oo dhibaatadan iiga gargaari oo wax ii soo qaban..." Ayey tidhi hooyadan dhibaataysani.


Haddaba akhriste waxaanu si sharaf iyo milgo leh kaaga codsanaynaa inaad Alle dartii hooyadan tabaalaysan kusoo kaalmaysaan oo hadday noqoto qof kafaala qaata, Qof karaankii wax u soo dira, iyo Qof fikir ku darsadaba, loo soo gurmado, waxbana aan laga hagran. Waxaanan Ilaahay ka baryeynaa inuu innagu asturo Hooyadaasi la innagu eegayo ee dhibaatadaasi haysato. 


Haddiiba Ilaahay innoo aqbalo gurmadkaasi, waxaa qorshaha ugu horreeya noogu jirta, Guri gaar ah oo loo kireeyo iyo gabadh jaariyada oo u shaqaysa. Haddaba fursaddan dahabiga ah, waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu inaga yeelo kuwii ka faa?iidaysta.


Ciddii rabta inay wax soo taraan, waxaad ugu soo hagaajin kartaan Account No: HRGD33454. Haddii kalena xaad lasoo xidhiidhi kartaan Wariye C/salaam Cismaan Cumar-jeex (Abuhurayra) oo idiin fududayn doona gaadhsiinta wixii taakulo ah ee aad kusooo gargaartaan hooyadaasi, waxaanu Telefoonkiisa gacantu yahay 00-252-2-4600500 ama E-mailada kala ah:


salaanmuctasim@hotmail.com 

abuhurayra@hadhwanaag.org

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa, Somaliland.

Hooyo Khadiija


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.