laga soo galo safaarada, qaraxaas oo uu Duqu ku tilmaamay mid xoog waynaa oo laga maqlay dhawaaqiisa qiyaas Mayl ka durugsan safaarada.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha dalka Turkey, Muammer Guler ayaa sheegay, in qofka is qarxiyay uu ka tirsan yahay, koox xag jir fog oo garabka bidix raacsan, wasaarada arrimaha dibada Maraykanka ayaa iyaduna sheegtay in ay booliska dalka Turkiga kala hawl galayaan baadhitaanka qaraxaas oo ay ku tilmaantay mid argagixiso ah.
Dalka Turkiga waxa ka dhacay weeraro is miidaamin ah, kuwaas oo la sheegay inay gaysteen, kooxo islaamiyiin xag jir ah oo raacsan garabyada bidix iyo midig, waxa kale oo ka dhacay weeraro ay ku kaceen, kooxaha gooni u goosad doonka ee dalkaas, taag ahaan Kurdiyiinta iyo kooxo kale oo kala duwan, laakiin ilaa wali ma jirto koox sheegatay qaraxa maanta jimcihii ka dhacay magaalada Ankara.
Raysal Wasaaraha Turkiga Rajeb Tayyip Erdogan, oo isagu wakhtiga Qaraxu dhacay ku sugnaa xaflad ka dhacaysay magaalada Istanbul, ayaa sheegay in qof is miidaamiyay uu dilay muwaadin isna naftiisa qarxiyay, raysal wasaaraha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado dagaal la isku kaashanayo oo ka dhan ah argagixisada caalamka oo dhana gacmaha la iska qabsado sidii dagaal midaysan loogu qaadi lahaa.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland.
faysal@hadhwanaag.org