Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dibad Baxayaal Cadhaysan Oo Dab Qabadsiiyay Qasriga Madaxweyne Murzi Ee Dalka Masar Iyo Rabshado Wali Ka Hor Socda (Sawiro)


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
Rabshado la isku gabal dhacsaday oo wali Ciidamada Ammaanka Iyo Mudaharaadayaal Ku Dhex Maraya Albaabka Qasriga Madaxweyne Murzi Iyo dibad Baxayaasha oo Burburiyay Qaybo ka mid ah xayn daabka Qasriga

Cairo, (HWN/Agencies):- Rabshado Gacan ka hadal wata oo si wayn u abaabulan ayaa maanta jimcihii ka dilaacay barxada hore ee Qasriga Madaxtooyada Masar, kaas oo ku yaala Xaafada Masar Jadiid.

Dadka Mudaharaadayay oo sida ay ku doodayaan diidanaa siyaasada maamulka Madaxweyne Murzi ayaa ciidamada Ammaanka ku tuurayay, dhagxaan iyo quruurado badrool uga buuxo oo dab dhalinayay, halka ciidamada ammaankuna ay kaga jawaabeen, dhuumaha biyaha


tuura iyo rasaas ay hawada u ridayeen.

Mudaharaadayaasha ayaa mararka qaarkood aad ugu dhawaanayay qasriga, waxaanay kolka dhuumaha biyuhu yaraadaan ay holac kaga kicinayeen albaabka iyo ag agaarkiisa ilaa ay ku dhawaadeen inay gabi ahaanba gubaan albaabka afraad ee qasriga.

Dibad baxayaasha oo ay ciidamada ammaanka isla gabal dhacsadeen ayaa ku guulaystay inay burburiyaan mid ka mid ah xayn daabyada albaabada qasriga Madaxtooyada ee dalka Masar, ka hor intaanay ciidamada ammaanku ka xoog roonaan, hasa yeeshee waxa ay ilaa wali ku sugan yihiin qasriga hortiisa.

 

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland.

faysal@hadhwanaag.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.