Toronto-(HWN)-Waxaa Dalkan Canada gaar ahaan Toronto kusugan Madaxda Xisbiga Ucid oo ay kala yihiin Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga qaran UCID Mudane Jamaal Ali Husein iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Mudane Ahmed Aadan Ismaciil (Keyse) Kuwaasoo Madaxdani Jaliyada Toronto lakulmeen.
Hadaba Shabakadda calamiga ah ee Hadhwanaagnews Ayaa casho Sharaf Qiimo badan u sameeyay Madaxdani taasoo ay allaaba Hadhwanaagnews si wayn usoo dhaweyso Madaxda iyo masuuliyiinta badanaa yimaada Magalada Toronto.
Casho Sharaftani ay Hadhwanaagnews u sameysay Madaxda Ucid ee kusugan Toronto ayaa waxaa kaloo kasoo qayb galay Muwaadiniin Somalilanders ah oo iyaguna wakhtigaa si fiican ula qaatay Madaxda.
Waxaa Goobtaasi hadal kooban kasoo jeediyay Tifaftiraha guud ee Shabakada Calamiga ah ee Hadhwanaagnews Mr.Ahmednassir Jibril Farah una sheegay Madaxda Ucid inay si wanaagsan ugu soo dhawaadaan Magalada Toronto.
Waxaa isna Hadal kooban ka yidhi madashaasi Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Husein taasoo uu Mahad noq baladhan usoo jeediyay Shabakadda Calamiga ah ee Hadhwanaagnews Waxaana uu yidhi waa Shabakadda kaliya ee kulmisa dhamaan umada Afka Somaliga ku hadasha gaar ahaan Umadda reer Somaliland ee Aduunka kukala filiqsan, waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay in ay Hadhwanaagnews tahay isha kaliya ee warbaahineed oo si dhexdhexaad ah dadkeeda ugu adeegta.
Waxaa isna Mahad noq usoo jeediyay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Mudane Ahmed Aadan ismaciil (Keyse) oo run ahaantii dhamaan Jaliyada reer Toronto aad uga helay soo dhawaynta wayn ee ay usameeyeen isaga iyo Murashaxa Jamaal Cali Husein.
Gabagabadii Cashadan ay Hadhwanaagnews u sameeysay Ayaa Dhamaan dadkii halkasi iskugu yimid oo kala ah.
Fanaanada caanka ah Shamis qardajeex, Aqoonyahan Shiikhaawi, Cumer Mahdi, Shuceyb, Ahmed Djibouti, C/Nasir Heybe Ibrahim Jibril Farah iyo Ahmed Teesdale oo ah isagu ama katirsan Xisbiga wadani iyo Tifaftiraha Hadhwanaagnews Ahmednassir Jibril Farah oo isagu ahaa qofkii Casuumadaa u fidiyay dhamaan Muwaadiniintaasi Ayaa halkasi si kalgacal leh ay kusoo dhamaatay casho sharaftaasi.
Labadan masuul Ayaa 2 Cisho kadib ka ambabixi doona Dalka Canada iyaga oo ukala duuli doona Goobihii ay deganayaan oo kala ah USA iyo UK.
Hadhwanaagnews
Toronto, Canada