Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka Garaado Ku Taxay Taliyeyaasha Ciidamadda Somaliland, kana qayb galay Sanad Guuradii Ciidanka Qaranka+Daawo Sawiradda


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
Waa markii ugu horeysay ee Somaliland ciidamadda kala duwan la siiyo darajooyin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka qayb galay Munaasibadda Aas-aaska Ciidamadda Qaranka Somaliland oo ku beegnayd ee Maanta.

Munaasibad aad loo bilay, amaankeedana la adkeeyay oo ka dhacday Xarunta Taliska Guud ee Ciidamadda Qaranka Somaliland, ayaa geesta Kale waxa uu madaxweynuhu ku bixiyay darajooyinka Taliyeyaasha iyo abaanduuleyaasha ciidamada Qaranka.
Dabaal degan ayaa waxa ka soo

qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladda, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, masuuliyiin iyo waliba dadweyne kale.
Hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in markii ugu horeysay Ciidamadda Kala duwan ee Somaliland la siiyo darajooyinkii iyada oo ay halkaasi saaka darajooyinkii lagu siiyay Taliyeyaasha ciidamadda booliska, qaranka, asluubta badaha iyo waliba abaanduulaha ciidamadda qaranka.

Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.