Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hargeysa: Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Xeerka Takaaliifta Madaaradda


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
Fadhiga Saaka oo ay ka soo xaadireen 49 Mudane ayaa waxa ogolaaday in la ansixiyo xeerka 46 Mudane, 2 mudane oo ka mid ahaa kuwii saaka ka soo xaadiray fadhigaasi ayaa diiday, halka uu 1 mudanena ka aamusay.

Hargeysa (HWN) Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyadd ah ku meel mariyay xeerka Takaaliifta Amniga Ee Madaaradda dalka, taas oo maalmihii ugu dambeeyay hortaalay Golaha Wakiiladda Somaliland.

Fadhigan oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax.

Ka hor inta aan la ansixinin Xeerka ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxa uu xusay in xeerkan oo maalmihii ugu dambeeyay hor-yaalay

Golaha Wakiiladu uu muhiimaddiisa leeyahay.

Fadhiga Saaka oo ay ka soo xaadireen 49 Mudane ayaa waxa ogolaaday in la ansixiyo xeerka 46 Mudane, 2 mudane oo ka mid ahaa kuwii saaka ka soo xaadiray fadhigaasi ayaa diiday, halka uu 1 mudanena ka aamusay.

Sidaas ayuu ku ansaxay Xeerka Takaaliifta Amniga Madaraadda Dalka Somaliland, waxaanu hore wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hor yimid golaha wakiiladu uu u sheegay in xeerkani uu yahay mid ahmiyad gaar ah ugu fadhiya isla markaana lacagaha la qaadi doono dadka ka dhoofaya Garoomadda iyo kuwa ka soo degayaaba ay noqon doonaan kuwo lagu ilaalinayo amaanka Madaaradda iyo waliba daryeelka shaqaalaha baaxada leh ee ka hawl gala Garoomadda kala duwan ee Dalka Somaliland.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.