Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xaquuq u raadin maahee waa xero ka saar by Mustafe C/laahi Cumar Leedo


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
Kaama raali noqonayaan (Nabbi Muxammadoow) Yuhuud iyo Nasaara ilaa aad ka raacayso miladooda, waxaad dhahdaa hanuunka

Kaama raali noqonayaan (Nabbi Muxammadoow) Yuhuud iyo Nasaara ilaa aad ka raacayso miladooda, waxaad dhahdaa hanuunka Eeba hanuun ah, haddii aad raacdo hawadooda intuu kuu yimid hanuunku ka dib, kama heli doontid xaga Eebe gargaar iyo kaalmo toona. Al-Baqarah: 120.

Gaalada balan koodu waa sidaas illahay inoo sheegay. Mar kasta waxay  ku hawlan yihiin siddii ay Islaamka xididada ugu siibi lahayeen.

Somaliland baryahan waxaa ugu hadal hayn badnayd oo ololaheedu dammi la?yahay mashruuc loogu yeedho ?kooto
yes">  Haweenka loo xidho. Waxay yidhaahdeen dimquradiyaada SLD  waxay ku hirgalaysa in goloyaasha siyaasada haweenka 30% kooto loogu xidho. Waa arrin xero kasaar ah oo loogu talo galay in dumarka guryaha lagaga saaro.

Mashruucan waxaa lagu tijaabiyay USA, Canada, UK, France iyo Europe oo dhan waanu ka socon waayay oo ma jiro wadan kaliya oo dumarka kooto wax lagu siiya. waa mashruuca  ka hir-gali waayay wadamaddii dimquraadiyada duduucayay oo la rabo in Somalilad lagu socodsiiyo.

Iska daa kooto ay u xidhaane xaquuqda haweenka oo dhan way ku tuntaan waxay u ogol yihiinna ma jirto. Xataa magaca ayay ka badalaan oo haweenayda reer Galbeed  maalinta la guursado ayaa ugu danbaysa sheegashada magacii abaheed iyo qoskeeda. Tusaale ahaa, waxaa la odhan jiray Vitoria Adams, iminkana waad aragteen waxaa la yidhaahda Victoria Beckham. David Beckham maalintii uu guursaday ayaa magacii qoyskeeda ugu dambaysay. Sida geela ayay u suntadaan haweenka.

UK - ninka iyo haweenada isku jaamacada ka qalin jabiyay ee shahaadada isku midka ah ee isku xirfada ah haysta ninka ayaa chance badan kana mushahar badan 20% (Chartered Management Institute ?CMI ? gender survey). Intay dib u riixi karaan ayay u riixaan dumarka  oo companyaduna indhaha ayay ka la liyaan. Ma rabaan inay ilmo dhasho oo ay 9 bilood maternity kaaga maqnaato. Haweenayda ay shaqo siiyaan  companiyadu waxay ku qasbaan inay is qaawiso oo cawradeeda bananka soo dhigto oo bootar iyo make up iska buuxiso.

 Aqalka wakiilada boqortooyada Ingriisku (the house of Commons) waa 650 kursi guud ahaan. Golaha hada jooga 143 (22%) ayaa dumar ah halka 507 (78%) ay rag ka yihiin. 143 dumarka ahi kumay iman kooto loo xidhaye doorasho ayay ku yimaadeen rag la baratamayay ayay ka soo dhex baxeen. Haday dimquraadiyaddu dumarka u hiiliso inay 50% aan lagula tartamin dumarka siiyaan ayay ahayd saw maaha.

 

Marka uu Ingriiska oo queen Elizabeth 60 sano taashka u xidhanayd oo intaasba xaquuqda haweenka u doodaysay iyo  Margret Tacher  oo 20 sano "come on ladies" lahayd uu sidan yahay. Maxaad ka filaysa Maraykanka ay isla waynidu hodday ee aan haweenkaba waxba u aqoon  iyo Francis ka dhoqor-jaaga ah iyo wixii ka sii liitaba.

Keena badda dul socda, ka berriga jooga iyo ka buur jafaya dhamaan waxaynu u ordaynaa waa inaynu caar keena asturo. In waxaas laynoola yimaado oo haween keeni  guryaha ka soo baxay la yidhaadaa meel ka dhac iyo af-lagaado ayay inagu tahay.

Hal wadan oo ulo booc ah loogu tukubayo marka laga reebo caalamu Islam oo dhan waa la haysta oo gumaysiga reer galbeedka ayay ku hoos jiraan. Xarumaha military ee ugu waaweyn ee  Maraykanku waxay ku yaalaan wadamada carbeed ee hablahoodu guryaha ku qafillan yihiin. Kooto u xidha iyo wax la mid ah iskaba daayo kuma yidhaadaan  hablaha laydha u ogolaada. Inagana ilaa daaraday ina socdeen. Waana wax lala yaabo.

Ma doorashooyinka ay naga taageeraan iyo baahida ayay nagaga faa?iidaysanayaan oo noo lagaday niman kan?

    Ma raga aynu diranay ee inoo madaxda ah ayaa hayalsan oo wixii loo yeedhiyaba inoo la imanaaya?

    Ma inaga iska jecel waxan oo ilbaxnimo u haysana?

    Mise intuba way jiraan?

 Waxay rabaan inaan la arag hooyo qoys ku tabcaysa oo ubad wanaagsan barbaarinaysa ? ee ha ka yeelina. Waxay rabaan inaan la arag soddoh dhawrsoon oo sawd-keeda iyo suuradeeduba xafidan yihiine ? ha ka yeelina. Gashaanti asturan oo khayr keed u han-weyn yahay inaan la arag ayay rabaane ? ha ka yeelina. Haweenayda muslimada ahi diinteeda  iyo xaquuqda badan ee illahay siiyay ayay ku kalsoontay umana baahna kooto loo xidho iyo  kadeed loo hor kaco toona.

Madaxweynaha JSL xaaji Axmed Maxammed Maxamuud waxaan odhan lahaa umaddan diinteeda, dhaqan keeda iyo damiir keedaba inaad u ilaaso adiga ayaa u cumaamadan oo ay kugu waajibtaye ogsoonoow. Haddii aad ummaddan u jidayso  waxaan diintoodu u jidayn oo aan illahay ka raali ahayn, su?aasheedu waxay kugu cuslaan doonta maalin ay xisaabtu adag tahay ee ku talo gal   ????????????????????????????????????????????????????..... 

Waan ka xumahay dad Muslimiin ah oo reer Somaliland ah in loogu yeedho dadka laga tirada badan yahay. Waxaan jeclaan lahaa wax kasta oo ay xaq u leeyihiin iyo siyaado loogu daroba in la siiyo oo ay helaan. Waxay mudan yihiin wanaag iyo xurmo  kasta oo lagaga dhaahinaayo gafkii loo geestay dunida oo laba ah.

 

Sideedaba dadaalka ayaa guusha keena oo waa lagama maarmaan inaad isku tashataan oo aad u hawl gashaan siddii jiilashiina soo kacaaya aad uga duwi lahaydeen dariiqi intii hore raacday. Aqoontooda oo la dhisaa waxay u sahlaysa inay khayr kood wax la qayb-sadaan. Dadka in uun baa u hawl gasha arrimaha noocan ah.

Maraykanka madaw waxaay gumaysigii cadaanka kagaga hoos baxeen dadaal. Ficilka  haweenay Rosa Parks  oo dhalin yaro ahayd oo qaadan weyday quudhsiga nin cad oo kursigii ay buska ka fadhiday ku damaaciyay isaguna guul ayuu u horseeday. Waxay ku dhiiratay inay u badheedho ciqaab ilaa heer maxkamadeed oo gardaro garab og ah. Mudaharaadkii 1955 halkaa ka bilaabmay wuxuu xoreeyay 40ka  million ee madaw ee reer Maraykan.  Bal eeg Maraykanka madaw oo 60 sanno ka hor la hayste ahaa ayaa maanta qaranka Maraykanka iyo aduunka oo dhan hogaamiya. Haddii ay kooto loo xidho u dabranaan la haayeen oo aanay xaquuqdooda u dadaali lahayn dabcan maanta Barack Ubama madaxweyne ma ahaadeen.

Waxaan aamin sanahay kala badh kooto  laydiinku  xidho inay ka qiimo badantay hal xubin oo aad codkiina kula soo baxdaan.  Kootadiinanna qaata oo u dooda inta aad ka helaysaan codkiinanna isugeeya oo wax kula soo baxa, wax badan ayaad kula soo bixi kartaane. Idinka ayaan gob idiin aqaanna, gunna waxaan u aqaanna ka walaalkiisa Muslimka ah isku dayaaya inuu hoos u dhigo ee iska bidaaya. 

 

Mustafe C/laahi Cumar Leedo

 leeddo@hotmail.co.uk

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.