Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


NIMAAN TALIN JIRIN HADUU TALIYO NINAAN TEGI JIRIN BAA TAGA by QARANE


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
waxaan marka hore hambalyeynayaa bahda hadhwanaag meelkastooy kala joogaanba .hadaan intaa ku dhaafo

waxaan marka hore  hambalyeynayaa bahda hadhwanaag meelkastooy kala joogaanba .hadaan intaa ku dhaafo oon hoos ugu soo noqdo sababta igu kaliftay inaan wax yar ka idhaahdo hadalada deel qaafka iyo xanafta aflagaadeysan ah ee ka soo yeedhaya qaar ka tirsan dawlad ku sheegan uu siiraanyo meesha ku soo urursaday ,hadaba waxaa jirta inan yar oo la yidhi waxaad tahay wasiirka gudaha oo   markuu uu hadlayo aad moodo inaanu weligii naxwaha afsoomaaliga meelna ka mililicsan oo si aad ah uga aradan habka iyo milkaha umada loola xidhiidho,taas ooy kuu cadayneyso doodii ay VOA u qabatay isaga iyo alla ha daayee Cabdiraxmaan-boobe iyo faysal iyo baashe , doodaasi markuu ka jawaabayey su´aashii sahri weydiisey oo ku saabsaneyd

amaanka  iyo dhibaatadii ka dhalatay doorasho ku sheegii wuxuu duur- dhoohane kaga jawaabay hadalo aan meesha qaban nin masuul sheeganayana ku habooneyn inay afkiisa kasoo baxaan waxaasoo kale ,taasoo uu  isku dayey  intuu jawaabtii looga baahnaa ka baydhey uu arintii ururka xaqsoor isku qaaday oo uu isku deyey inuu u bedelo hab qabiil oo uu ka dhigo in uu qabiil ka xanaaqay doorashadii kuna tilmaamay xasan ciise yahay  ka dabada ka wada beesha arab oo soo diraya ,iyadoo xitaa uu ka mid yahay kuwa  hablahayagii yaryaraa noo soo dhaafay oo maalin walba isaga iyo xirsi jeelasha iyo maxkamadaha ku sheega dhex jiidjiidayaan  oo uu  Xirsi leeyahay wey i cayday iyo text message bay ii soo dirtay oo caruurtayadii sidii ugaadha lagu dhugtamay oo codkayagoo aanu xaqa u lahayn la tirtiray xaqayagiina la duudsiyey welibana ilaa maanta aflagaado aan geedna loogu soo gaban hawada naloo marinayaa hadh iyo habeen min wasiir ku shaag ilaa duqooda hibernation ka jira  ee sidii maskii uun jiifa   , arinta inanta kamaanaan dagaalami waayin laakiin waxaanu umada tusaynaa in xirsigan laga wada qayliyey uu anaga ka arab ahaan noogu tirsan yahay dumarka ama xaawaleyda ilaa maalintii jalaabiibta lagaga saaray isbitaalka adna ee uu ku dhici waayey inuu ka baxo isagoo nina oo surwaal  xidhan ,waxaasoo boogo ah ayaanu dugsaneynaa lagana yaabo inuu mililku maalin dhow dilaaco adigana duuroow maalinteeda ayaanu kula sugeynaaya waa adiga iyo garaadkaa .

Hadaba waxaan leeyahay yarkan duur ee  IQ giisu 30% yahay af lagaado looga fiican nin xafiiska aad sheeganeyso jooga ta kale waa gartaa markaad caruurtayadii yaryareyd een waxba galabsan aad midhiqirkoodii suuqa wadhay qaarna dhuunta aad ka toogateen qaarna aad minkoodii banaanka soo dhigteen adiga iyo labada taliye ku xigeen ee booliiska ee ilmaadeeradaaya
(malaha waxay kula tahay inaan ogeyn cida aad amarka hoose soo siisey eed tidhin xabada hoos ugu dhiga adigoo dabada socda sheekadii marya aloolka iyo dagaalkii sokeeye  waa aar gudasho eh ) libaax nin ganay iyo nin galaday kala og , hadana aad  ilaa iyo maalintii doorasho ku sheegii  inaad kolba aflagaado aan geedna  loogu soo gaban aad beesha arabweyne  kolba ula soo  badheedho mala waxaad is leedahay way kuu gaadhaye waxa seddex magac ilaahay ah in gurigaad ku jirto laysugu iman doono oo nabad darada igiriisku tilmaamay mid  ka darani ay ka dhici doonto kuna haku musliumaan kuna ha ku kufriyaane.

Hadaba waxaan la yaabay siiraanyahan nin awawgii xaal loo bixiyey waa duur eh oo  miciin moodey ee yidhi kuwii xaalka u bixiyey iyo kuwii xaalka loo siiyeyba iyo markhaatiyadiiba yidhi xukun  duuroow ,halkay iska qabanayaan  waa ayaan darro weyn ,waxaan hadalkayga kusoo gunaanadayaa soomalidaa waxay ku maahmaahdaa bil seddex reerkaagana way kaa kaxaysaa reer islaameedna kuma geyso waxaan uga socdaa duuroow af xumadu meelna ku geyn meyso arabna colaad  iyo dhimasho wey is yaqaanaan ee taa maankaaga gaaban ku hay ,cuuruurtayadii dhiigoodii baa kaa dhex muuqda cididaa ka fududid inaanu qoorta kusoo qabano ee is dhawr baan ku leeyahay oo yaan utunta dushaada saaran mid ka badani kusii fuulin waxba naguma aha
haduu isaaq isku madhanayo ama soomaalilandba ku burbureyso inaanu suuqa dhexdiisa sidii caruurtayada ku wadhno ee xeeri waxaanu xeerineyno hadii kale hashu hoosteedey nin ka weydee waa inoo madaha .

          AAN KUSOO GUNAANADO tixdii gabay ee uu tiriyey Jaamac axmed jaamac(gacma dheere) ee uu lahaa:

Haddii shicibku Calankuu tabcaday, loogu tudhi waayo
Tis dhan oo qabyaalada haddii, tuurta lagu qaado
Maantana Taleex iyo haddii, Toommo laga muujey

Taariikhihii Karal haddii, taabka lagu haysto
Tol-maroorsi xaajada haddii, nala taraarsiiyey
Taajkii yimaaddaba hadday, toban ku saaxiibto
Tafaraaruqii hore haddii ay, tanina noo raacdo

Idinkuna tigaaddiyo nimacada, taransan maysaane
Tambareeri uunbaydin noqon, tiriyey shaashkiiye
Haddaan laga tanaasulin jarkaa, nalagu taaraayo
Tallahaan ku dhaartaye inay tegi sidii Koongo.


     QARANE
          USA.

dumbuluq@ymail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga



Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.