Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


(maanso cusub) magaca HUD~HUD by Suldan Abdi Mazda


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
Markuuse Hagaagsan Yahay. Hal~beegiisuna Qotomo. Xaquu U Hogaansan Yahay. Dadkana Ku Hanuuniyaa. HADIISE Dumaaqu Lumo Halaabo Garaadka Guud.

Caqligu Waa Haan Gun Weyn. Cilmiga Hoos Loogu Shubo.

Markuuse Hagaagsan Yahay. Hal~beegiisuna Qotomo. Xaquu U Hogaansan Yahay. Dadkana Ku Hanuuniyaa. HADIISE Dumaaqu Lumo Halaabo Garaadka Guud. Xilkiyo Hawshiisa Gabo. Haan~boosa Kama Duwana:-)

Iyaba Biyahay Habtaa. Wax Lagu Helayaan Dhaqnayn. Daliil La Hubaa Ka Yaal:-)

Hal Kale Aan Soo Godlee. Tusaale Aloosan Hoo:-)

Adoo Hebeloo Bed Qaba. Weliba Haangaale Iyo. Cadaalada Huud Ku Qaba Mar Bay Wadhi Kaa Hadhaa. Gartuna Kaa Hoos

Baxdaa. Waxaan Hirarkaa U Galay:-)

maahmaah Hore Baa Ahayd. ILeen Habariba Ma Dhalin. Nin Aanu Hal Seegine. Waxaan Halacow Ku Idh:

afeef Culus Oo Hordhaca. Sifaa Hadal Waa Mergiye Hadeerto Wixii Jiriyo. Hadhow Waxa Soo Socdaba. Ninkaan Garan Waa Habeen. Dareenkuna Wuu Hurdaa. Taariikhda Warbaa Ka Hadha

Hal~doorkuna Waa Galaa. Handuulkuna Waa Milmaa

(qaybta 2aad)

Hankaygu Hadu Jar Maro Ama Kayn Hirigle? Galo. Hubsiimo Hal Bay Jartaaye. Dadkoo Nabad Haysta Waarta. Af~xumo Dood Uma Horseedo. Intaan Hees Fiid Bilaabo. Qas Iyo Cay Uma Hiloobo. Hunguri Xaabo Uma Daarto:-)

Xumaantana Maba Hawaysto. Wanaagana Maba Hanbeeyo. Hayeeshee Waxa I Daaray. Tixdan Huri Igu Ijbaaray. Anoo HiLin Toosan Haysta. Ayaa HUD~HUD Ii War Keenay Hedaydana Wuu Canaantay. Laftii Haraguu Ka Siibay. Wuxu Yidhi Hoobal Oo Dhan. Iyo Hal~abuurka Jooga. Sabaankan Waa Habaarba. Dadkuna Kama Haybadaysto. Haday La Kulmaan Midkihna. Hansalba Lagama Qaado. Adna Kulamaba Hadleene. Shacabkan Horu Mar Waayay. Ayuun Baan Ka Hadhi Waayay. Huqdaydu Ka Quusan Wayday. Waxanse Kaa Halmaamay. Hibasho Aan Xasuustay.

Anoo Haleelada La Maalay. Haaneedka Dhankayga Tiirshay. Hadhuub Caano Le? Wadaagnay. Hadaanan U HiiLin Maanta. Hadmaan Maatada U Ciidmi? Hor~weyntan Haraadku Laayay..... (qaybta 3aad)

Harooyinka Doolo Ee Fog. Hayaan Gaaniyo Irmaanba. Halkooda Ku Soo Waraabin? :-)

WAXAN IDHI: Hadalka Iyo. HiLbuhu Way Kala Cad~yiine. Hormaa Geel Lagu Ogaa. Ujeedana Waa Habkaase. ADOON Waxba Noo Hambaynin. Halkaad Naga Diidaysiyo Waxaad Nagu Hayso Ceeb. HiLaacu Ha Muujiyee. Sidii Hogol Roob Mar Furo. Hilaygiyo Maraqa Tuur. Weliba Hadafkaa Aroor. WUXU YIDHI: Heegan Iyo Anigu Gaadh Baan Hayaa. Waxanse Habacsanow. Adiga Aan Kuu Hal~dhabey. Markii Xamar Hooga Iyo. Halaaga Xun Lagu Hayee MASJID~HUDA Lagu Rogmaday. Iyo Xiligii Hobyiyo. Boosaaso Lagu Hirdamay. Hujuunkana Laysla Galay. Iyo Hol~hol Iyo Shaxdaba. Ninkii Ka Hadlaad Ahayd. Hadeertana Waxan Hayaa. Warkii HERER EE I MAQAL?:.... (qaybta 4aad)

Wuxu Yidhi Habacsanow Hargeysi Way Reemaysaa. Halis Bay Daaqaysaa. Hooyooyin Baa Goblamay:-)

Hadh~cad Baa Ubad La DiLey. Rasaas Hoos Loogu Dhigay.

Haad Iyo Haan~raawe Cunay. Kuwii Hawshaa La Yimi. Caruuraha Haanka Jaray. Baroor~diiq Lagama Helin. Tacsina Hawo Sooma Marin. Midhkaasaa Laga Hor Yimi. Hargeysa Bandoo Ka Dhigay. In Uu Hadalkaasi Jiro. Markhaati Cad Baan Hayaa. 

Siinaay Lama Galo Hadhkii. Habeenkana Daa Warkii.

Cid Baan Farahaba Ku Hayn. Waxba Loomaba Hambayn. Dadkaa Hor ILAAHAY Hadhay. Hargeysi Mabay Degteen. Caawana Looma Soo Hoydeen. Hurdana Lagumaba Gam?een.:-)

INTAA ARAR HAATUF IYO WARKII MA HURAANKA IYO. DHAMBAAL HUD~HUD IIGU SHEEG CIR~WEYNENA MABA HANQADHIN:-)

Wuxu Yidhi Habacsanow Hdreerta Waqooyi Eeg. Hubaa Saylac Laysku Furay. Baaruud Baa Laysu Huray. Dagaal Hugunliyo Hayaay. Habar Wacashaa Ka Dhacay. Hengel Bay Dumar Xidheen..... (qaybta 5aad)

Markii Taarkaa La Helay. Cidii Hore Loogu Diray. Amuuraha Haga La Yidhi Waxay Kala Soo Hoydeen. Hargo Madhan Oo La Sido. Cidina Uma Hadhin Tashiga. Colaaduna Waa Halkii. WUXU YIDHI HABACSANOW: Borame Waa Haro Kacdoon. Hir Bay Mawjadu Martaa. Sirteedii La Heli Waa. Kooxdii Harawo Ku Degey. Markii Laga Soo War Helay. Shiid Baa Hadhka Lagaga Dhigay. Berberi Way Huursan Tahay. Hanfiga Kulul Ee Xagaa. Hoos Iyo Guri Lagama Galo. Biyiyo Laydh Baan La Hayn. Hoostaasay Ka Guuxaysaa. Bal Eeg Doontii Hindida. Cidlay Heehaabaysaa. Xuud Iyo Hoombaro Ka Filo:-)

Burciyo Ceeri Waysku Heer. Dhamaan Way Hiqlaynayaan. Hadaftimo Laba ILow. Lascanood Laga Huleel. Dhankaa Xudun Halowgu Leef. Kalshaale Xal Looma Helin:-)

INTAA ARAR HATUF IYO WARKII MA HURAANKA IYO DHAMBAAL HUD~HUD IIGU SHEEG WARKAAN SOO HOOBIYEE....  (qaybta 6aad)

WUXU Yidhi Habacsanow: ILAAH Baa Naga Hayee. Halkii Lala Maaganaa. Dadkani Halis Buu Ka Baxay.:-)

Dad Aan Diiwaan La Hubin. Halkay Ku Dhasheen La Hayn.

DA? Iyo Hawiyad Lahayn Ayaa Hor Yimid. Wixii Laynoo Hindisey.

HAB DOORASHO MABA LAHAYN. HUMAAGEED UMA EKEYN. HADOODIL DHACAY AHAY HULAAB BEENAY AHAYD. BOOB IYO HALABLAY AHAYD. HAANTAA~HADHUUBLAY AHAYD. HABAQLE SOCOD BAY AHAYD. XAQ~DIID HORLE BAY AHAYD. XAQ~DARO HOORTAY AHAYD. SIDII DACWADII HENFEDE. HADHUUDHLAHA HALAGU DARO. DADWEYNAHA YAAN LA HODIN. ADUUNKANA LABA HOR GEYN.

Wuxu Yidhi Habacsanow Mucaarad Hadeer Ma Jiro Dhadhaaradu Waa Hal~qudha. Hilbaha Umaday Karshaan:-)

Dadkaa Hog Abeeso Galay.  Dareenba Kama Hayee. Hankooda Waxaa Ku Weyn. In Aan Xusbigoodu Hadhin:-)

Alaylehe Waa Hal Baas. Maxaa Helay Guurtidii? Maxaa Helay Xaajigii? Murtida Haasaawi Jirey? WUXU YIDHI HABACSANOW.... (qaybta 7aad)

Taliyo Maahmaah Haween. La Sheegay Habtii Bal Qabo:-)

Islaan Harar Soohaysaa Dardaaran Hablaha Ku Tidhi:

Heedhe? Eedo Heblaay.

Ha Guursan Nin Gaaban Hooy. Hadii Geelaa Cadhiyo. Kud Iyo Haaraa Ku Dhaco. Gondaa Hoosuu Ka Dhayi:-)

Hadeertana Waad Ogtahay. Horaadaba Lama Hayoo. Dambeedaa Soo Hor Maray. Nirguhu Ay Hiigayaan. Bal Eega Shantaa Hogee. Halbawlaha Soo Fadhiya Siduu Yidhi Haan~bilaal Suul~cayn Gaagixi Hashii Haraatiday Oo La Duul. Cidluu Heehaabayaa:-) Hantidu Way Ood La?dahay. Duqii Hayey Laga Kaxee. Waxa Hor Fadhiya Barbaar. Huruuse Sibraarkii Laac. Hawadu Gees Bay Martaa. Xisaabteed Lama Hayoo. Hanti~dhawr Ma Baadhi Karo. Waxa Jira Isku Halayn:-)

Gudaha Way Haawiyeen In Uu Yahay Halaq Wadalaq. Iyo Hoy Lama Degaan. Habrii Yurub Baa Ka Baqay. Ingiriis Kaba Hadaaf. Maraykana Wuu Hanjabay:-)

Debeduna Waa Hagaas. Wax Huriyaan Sooba Marin. Hungaa Laga Taagan Yahay........ (qaybta 8aad)

Wuxu Yidhi Habacsanow Sarbeeb Iyo Hadal Abwan. Haylii Haarun Ka Dhacay. Hadaan Heeliyo Arkayn. Miyu Haabhaabanlaa. Hirwada Waxan Uga Socdaa. Badaa Huguntee Madow. Wax Nool Bay Hayn Kartaa. Hoodh Iyo Ma Ogala Bakhtiga. Habeenkii Bay Tuftaa. Dadkuna Wuxu Hodan Noqdaa. Markuu U Hor Maro Samaha. Xumaantana Uu Ka Hadho:-)

Hadeertana Way Dhowdahay. Halkaad Ka Abaaraysaan. Intay Gari Hawl Yartee. Taladu Dubur Hawd Ka Xulin. Ma~hiiga Hargeysa Degin. Xafiis Huwan Aanu Furan. Dhulkana Huutuu Ka Talin:-)

Dawaba Hadalkaa Hayee Si Laabuhu Isu Hufmaan Heshiis Loo Helo Midnimo. Wixii Laga Bogsado. Wixii Dambe Laga Hor Tago. Mindida Daabkeed Hayow. Waa In Aad Gacan Haadisaa. Habkii Gobonimo Lahayd. Hadh Geed Doonyaysataan..... (qaybta 9aad)

Wuxu Yidhi Habacsanow Wuwu Hal~xidhaale Yahay. Heestii Ku Af Meerayaa.:-)

Waxaan Baal Haad Lahayn.

Haldhaa Lugihii Lahayn. Bog Hoose Ku Jiitamayn. Hadana Beerle" oo Bed Qaba. Higaadaa Ka Soo Jawaab?:-)

DHAMAAAAAAAAAAD...               

Suldan Abdi Mazda

 

free2rhyme1@hotmail.co.uk

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.