aan Xuquuqal iinsaanimadu ahayn in cid xaqeeda lagu duudsiiyo cid aan xaqlahayna xaqlasiiyo Media-ha laftiisu wuxuu ku ceebaysan yahay in uu Police ka iyo garsoorka shaqadiisa iska hor taagay laba qof oo arin sharci ka dhexayso uma taalo in ay arintooda, waxay noqdeen ciida qudha ee umadda dalkan ku dhaqan Idho iyo Dhego ba u noqotay ee xagii ay u jeediyaan dadku u jeesanayo iyana dhex dhexaad nimadii iyo warkii xaqiiqada ahaa wuxuu noqday mid isir nacayb iyo dano gaara ku salaysan, waxaan aad ugu badan dad cid kale gacanta ku hayso oo dalkan iyo dadkan cadaw ku ah.
Waxa markaa ila qurux badan in ay Police-ka iyo hadyada garsoorka iyo danbi baadhista u gacan baneeyaan chance na u siiyaan shaqooyinka loo igmaday ee ay dalka iyo dadka u hayaan, arimaha sharcigu waxay u baahan yihiin baadhis dhab ah iyo xaqiiqooyin articles been ah iyo warar caruuri aliftay waa arin ayaan darro dalkan ku ah iyo umada.
dad waxaa jira aamin san in masuulka la caayi karo Shafartiisa iyo cirdigiisa sharci muslim iyo sharci gaal mid ogol in qofka ama shaqsi caadiya ha ahaado ama masuul ama madaxweyne ha ahaado in la nasab caayo cid ogol ma jirto iyo qof ogol toona. Qofku isgaa xaqu leh in uu cafiyo iyo in uu sharciga wixii uu ka siiyo uu mariyo.
Aniga oo aan dhinacna garabsiinayn waxaan aamin sanay aniga oo ku tiirsan diintiina islaamka ilaahay SWC inoo soo dejiyay in aan qofkna qof nasab caayi Karin sharaftiisana wax ka sheegi Karin cirdisiigsana wax ka sheegi Karin arintaasina tahay arin xaaran ah hadii lagugu maxkama deeyona qof kuugu hiilin karaa aanu jirin iyo mid kugu garab siinakaraa toona
Dadka reer Somaliland waxaan u soo jeedin lahaa in ay arimaha dhex dhexaad ka noqdaan maaha tan oo kaliya arinkasta oo wadanka taala in masuuliyiinta wadanka cayda laga daayo iyo afllagaadada in aynu mucaaradno waa arin aynu u bahaanay si la mid ah sida aduunku u dhaqmo ee wax loo mucaarado lakaiin midda ku dhisan baqiilka aynu iska dhaafno
Website yada laftooda waxaan kula talin lahaa in aad yaraysaan kool koolinta arima Somalia, meelkasta oo uu istaagto iyo meelkasta oo uu ka hadlo Madaxwenaha Somalia Video baad ku soo gelinaysaa in uu inaga madaxwene inoo yahay, Websites kooda mid qoraya arki maysid arima heena xatta doorashadii baanay qorin dhalin yaradan aan Somalia wax ba ka aqoon ee Websites ka Update gareeya dalkooda xooga hasaaraan iyo Qaranimadooda.
Mohammed Abdillahi Haji.
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga