Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maansadii ?? ninka intuu durbaan tumay?? by ABWAAN KHADAR DEEQ


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
waxaan hakan kasalaamayaa dhamaan shaqaalaha shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews

waxaan hakan kasalaamayaa dhamaan shaqaalaha shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews
 
 

Maansadii  ?? ninka intuu durbaan tumay??

MAANSADAN OO UU ALIFAY ABWAAN KHADAR DEEQ QAWDHAN         ´´ abwaan qawdhan ´´ TAARIIKHDU MARKAY AHAYD 02-02-2013  OO AH MAANSO LAGA JAWAABAAYO QOFKASTOO AH ABWAAN AMA AQOONYAHAN AH WAA AY U FURAN TAHAY AM FIKIRKIISA KA DHIIBANAAY WAXAANA ALYIDHAAHDAA (( ninka intuu durbaan tumay   )) WAXAANAY KU BILAMAYSAA SIDAN 

eqn="if lineDrawn pixelLineWidth 0">


ninka intuu durbaan tumay
dalkastaba fariin dhigay
dumarkoo dhan wada wacay

waxaan ahay nin dooboo

 doonayaa gabadhoo
dookhayga noqotay

inaan wada dakaynoo
aqal aan ladaga oo
ubada daadahaysee

dabadeed intaa kadib
gabadh dahab lamoodoo
shan iyo toban da´deeduna
wali aanay dul marinoo
hooyadeed dugsanaysoo
dabarku uu ku xidhan yahay
aqal loo dugsiiyoo

quruxdana ah dahab iyo
dayaxoo ah shan iyo toban
doog soo baxaayoo
intuu roob ku da´ayoo
dabayluhu lulaayaan
dharabkii dushiisii
biyuhu ay dulmarayaan

dusha intuu ku qaato
diyaarad uu la fuuloo
dibadaha uula dhoofoo
dal cidla latagay
aanay waligeed ba daalacan

 

Dabadeed intaa ka dib

Marka ay dagaanee

Wiig sooba daba maro

Markay dalka yimaadeen

Dacar noqoy ninkiiyoo

Dabeecadiiba badalyoo

Midab doog ah yeelaa

 

Daryeel iyo wanaag iyo

Xilkuu dusha ku qaadiyo

Gurigii ka durugyoo

Ooridiisii diidyoo

Dumarkaloo laraaciyo

Dariiqa  loo istaagiyo

Daw kaluuba maray

Xumaan buuba door biday

 

Iyana ay ba dahab iyo

Dayax uugu yeedhaa

Daacad ay u tahayoo

Dugsi ay ka dhigtaa

Dadka ay u jeceshahay

Hadduu mirir kayara durko

Indheheedu daalacan

Qalbigeedu dagiwaa

 

Isna uuba dilayaa

Duhurkastoo yimaadaba

Cay uu dudubiyoo

Dawo uuga dhiga oo

Uu yidhaahdo duhur kasta

Doqon baabad tahayoo

Dadka adaa u liita

ayna dowba ku lahayn

 

haddii aad dareen

damiirkaagu saxan yahay

ninkaa hooy dambaabay

daw qaldan maraayee

jacaylkiiba dumiyay

dadnimada tix galinayn

dambigiisu waa maxay?

Dambigiisu waa maxay?

 
khadar deeq
 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.