Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Talo ku socota golaha cusub ee degaanka ee casimada hargeisa oo ku saabsan qaabka huir marineed ee casimada eel eh nadaafada iyo qorshaha kale ee ay ku hore mari karto, by


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
Waxan ahay arday muwaadin ah rer Somalilander ah oo waxkasoo bartay jamacad ku taala dalka Malaysia

Maqaal:

Waxan ahay arday muwaadin ah rer Somalilander ah oo waxkasoo bartay jamacad ku taala dalka Malaysia gaar ahaan gobolka johor baru oo la yidha University Tun Hussein Onn Malaysia(UTHM) Kana soo qaatay shahaadada Bachelor of computer Science .waxan kusoo gudbin laha ama aan is idhi bal waxii aan talo kusoo kordhinlaha goloaha degaanka ee la doortay inay wax ka qabtaan caasimada iyada oo ay tahay uun rayigayga(opinion) marka wa sidan maqaalkaygu hoos ku qoran.

Talo ku socota golaha cusub

ee degaanka ee casimada hargeisa oo ku saabsan qaabka huir marineed ee casimada  eel eh nadaafada iyo qorshaha kale ee ay ku hore mari karto,waxyaabaha ay ilatahay in wadanku guud ahaan u faaido dada leh,iyo dhowr qodob oo aan kaga dayan karno wadanki aan wax kasoo bartay ee Malaysia,

Horta marki aan imid wadanka hooyo ee jamhuriyada Somaliland,wadanki horumar badani wu jiraa lakin taasi wa alhamdulilah lakin waxa aan raba inaan ka hadlo waxyaabo aan isleeyay waynu samaysan karnaa oo aan halkan kusoo kobay oo faaido u leh dadka iyo dalkaba gaar ahaan bilicda caasmiada Hargeisa iyo magaloyinka kaleba laga hir galin karo,had iyo jeeer na marka uu  qofku ama dadku muraayada isku egaan ayay gartaan waxa ka qaldan waxan ka wada marka dadku wadanka dibada uga baxan waxay ogodaan waxyaabo badan oo marki hore aanay dareen sanayn .

For example wadankeena,waxyaabo badan aya ku arkay intii aan wadanka kuso noqday oo aan isleeyahay aad ugama cuntamayam ama waynu hore marin karnaa  xaga caasimada hargeisa iyo hagaajinta bilicdeeda oo aan talo ahan ugu gudbinayo golaha degaanka ee cusub,marka wa kuwan qodobadii oo aan soo koobay:

Wadooyinka iyo dadka,

in dadki bal meel ay maraan oo aan ahayn wadada baabuurta la helo kol taar yar la ag mariyo laamayda,dadkuna aanu marin meshii baabuurta loogu talo galay ee ay dadku maraan wada agteeda ,hadii taaryar la mariyo oo dadka iyo baaburta u kala dhexeeya waxa filaya wa arin aynu qabsan karno oo loo baahanyahay.

Xoolaha suuqyada dhex joga ama caasimada joga,

in loda,ama xoolahan suqii dhex jooga laga saaro oo meel la geeyo ama dadkii iskalaha la yidhah meel u gooniya geeya ilayn magalo iyo xoolo wa la kala saraa e,ooo waxad arkaysa suqii oo lodii dhex marayso marka waxan leeyahay hadii aynu rabno in magaalo bilic loo yeelo wa in aynu de nidaamka magaalo raacnaa,xooluhu meel bay leeyihin magaalo iyana meel ba de leedahay marka wa in lakala saraa.

caanaha magalada la keeno oo u baahan in meelo gaar ah dowladu u samayso.

Caanuhu waxay ka mid yihin waxyabaha uu ilahay inoogu deeqay subxanahu watacala,marka wadankeenu waxu ku faano yay ka midyihin caanaha iyo hilibkuba.

Hadaba qodob kan oo aad u muhiim ah oo in wax laga qabto u baahani waxa weyaan in dowlada hoose ay isku daydo inay meel u samayso  caanaha magalada yimada oo nadafadooda la ilaaliyo,waxa aad melaha qaar ku arkaysaa caanihii oo lagu dhex iibinayo  meelo ay liidatao nadaafadoodu  ,iyadoo  dadka ka xoogsada   ee ka ganacsanayana la dhowrayo in dowlada hose ugu yaraan ay meelo dhul ah siiso oo sida saribada hilibka oo kale caanaha la keeno oo nadafa dooda laga war hayo lana ilaaliyo,ama ugu yaraan meel gooni ah oo ay kusoo degaan caanuhu loo sameeyo taas oo nafada iyo caafimadkaba u fiican.

Baabuurta jaadta qaada speedka ay magalada ku dhex maraan wax laga qabto.

Waxad arkaysa baabuur ta qaada qaadka oo speed laga naxo ku dhex maraya caasimada oo baabuurtiii kale iska istaagto si uu u dhaafo,suaal la is waydiyo aya ah ma Ambalance ba wada maraya dadk dhawac ah sida mise wa arinkale oo dadkii kale ee baabuurta wadatay ay ka istagaan marka ay hoonkiisa kasoo maqlaan meel fog,sida caadiga ah caalamka waxa la ogal yahay in wada loo baneeyo ama uu speed ka ku socdo isaga oo hoon tumaya babuurta Ambalance ka loo yaqaano oo dadka wax noqday ama xanuunsanaya la ordaya,kaas oo kaliya aya xaq u leh inuu hoon tumo ,speed ku socdo,wadadana loo baneeyo ,marka waxan dowlada leeyay sharci u sameya wadankan iyo dadkan,bilaa nimaad waxba ma hore maraan aduunka e.

Dadka in laga dhiiri galiyo ama dowlada hoose wax kaqabato dhagxaantan guri kasta lagu wareejiyay oo si kale oo looga maarmo in dowlada hoose dadka latashato.

Runtii waxyaabaha in wax laga qabto u baahan ,ee magaaloyinka aduunka soo kuraya iyo kuwa kaleba aanlaga aqoon waxa ka mid ah dhagxaanta guri kasta lagu wareejiyay oo aan la fahmayn waxa ay qabanayaan,guryo aad u quruxbadan ba dhagaxan lagu wareejiyay ,dadka qaar aya yidha waxa layskaga dhigaa babuurta bilaa biriiga ah lakin xalkale wa lasamayn karaa oo kafiican ee maha in wadankiba inta guri quruxbadan la dhisto in dadkiiba dhagxaan iswada hor dhigan waxan leeyay uma fiican caasimadaha ama bilicda magalada.hadii bilic la doonayo sida cadiga ah ma jirto hadii magaalo la hurimarinayo meel ay kasoo galayso in dhagxaan guri quruxbadan oo marble(marmar) leh lagu sii wareejiyo?dhagxaanta oo khasari keena mararka qaarkood.marka waxa aaminsanahay meela kama soo galayso in magaalo ay quruxyeelato inta guri kasta dhagax ku hor tuulanyahay.

,waxa kale aan kusii daba darilaha qodobkan arinkale oo isla bilicda quseeya oo ah in waxlaga qabto biyaha wadooyinka qulqulaya ee xafaduhu soo daadiyaan kuwaas oo ku keenaya magaladii ur ama nadaafad xumo, marka waxa fiican in dadka lagu dhiirigaliyo in ay ay isticmalan bulaacaha gurhaha ugu yaala halki ay ku shubi lahayeen dariqii uu dadku marayay oo runti ah arin isna meel kasta aad ku arkayso oo aan u fiicnayn bilicda caasimada iyo nadaafadaba

Qaarka mid ah waxyaabaha aan kaga dayan karno wadamada ay ka mid tahay Malaysia ee aan wax kasoo bartay.

Waxyaabaha aan ka dareemay inaanay dadkeenu ku fiicnayn ee ay wadamada kale inaga fiicanyihin ama ay dadkeenu aad uga gaabiyeen waxa ka mid ah dadku inaanay raacin rule ka ama nidaamka,in daku aad moodo in Somaliland ay transit ku yihin ama dadkuba kumeel gaadh ahaan u jogaan wadanka,way jiran dad badanoo fican oo wadiniyin ahi lakin sida inta badan aan ka dareemay marki aan ka dhexbaxay wadanki aan soo noqday waxa ii muqatay in wadanki aad moodo in aanay cidiba lahayn o qofkasta ku joogo si ku meel gaadh ah oo uu u socdo wadamada kale,in dadku ay noqdaan dad is caawiya,dad isku duuban,is ixtraama,hadii aad tago office ka mid ah meelaha shaqada ee Somaliland aad istidhaa bill iska soo bixi , dadku inay line ama kuyuu samaystaan aya ku adag oo waxad arkaysa 10 qof oo kaliya oo dhib kutahay inay si nidaamleh line u galaan oo qaar xaga kaweregayan,qaar qofki shaqalaha aha hoos ula hadlayan marka dadki waxad moda in jaantaa rogan loo wada socdo, waxan leeyahay nidaamkasta wuxu ka bilaabha asaaska,,tusaale ahaan,hadii office la xidhayo ama ay gaadho xiligii la xidhayay officeka shaqada,sida caadiga wadankii aan ka imid ee Malaysia waxa albaabka la sudhaa  caalamad yar oo kolba dhinac lo rogi karo  oo ay ku qorantahay close iyo open ,marka y gaadho xiliga la xidho waxa loo rogaa dhinaca close,dadkuna way u hogaan saman wa layska taga,lakin inaga offices kamarka ay gaadho xiligii la xidhaya waxa yimada  asgarta ilalada mesha ah oo ka hor istaagta dadka marka uu dadki amarki raaci waayo,tasna waxan leeyay aduunku waxa lagu dhaqma is ixtiraam,kala danbayn iyo rule ka oo la raaco taasba dad nimaad leh lagu noqdaa,,

Ugu danbayntii waxan usoo jeedinaya golaha degaanka ee dhowan la doortay inay magalada bilicdeeda waxa waynka qabtaan inti awoodooda ah,dadkana waxan leyay waxa loobahanyayhay in is ixtiraamka kor dhiyaan dhexdooda ah oo arin laynagaga fiicanyahay , oo layska daayo in dadka walaaha ah xumaan la dhex dhigo,wadanbaynu nahay dagaalo soo mareen oo dadkini wali kasoo kabsanayo dhibatooyinki soo maray war marka dadku ha is gacanqabtaan.

Waad mahadsantihin.

Adan Hassan.

Adamstar18@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.