Suldaan Daakir Oo Silanyo ku Amaaney Kootada Dadka Laga tirada Badan yahay Sheegayna in W/kuxeenka Hawlaha Guud Xukumada U matalin Beelahooda Gabooye
(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
Hargeysa (HWN):- Suldaan Daakir Xassan Khaliif oo kamid ah Salaadiinta Somaliland kowooda ugu Magaca iyo Muuqa weyn ayaa xalay Wareysi gaar ah oo uu khadka Telfoonka ku siiyey
Hargeysa (HWN):- Suldaan Daakir Xassan Khaliif oo kamid ah Salaadiinta Somaliland kowooda ugu Magaca iyo Muuqa weyn ayaa xalay Wareysi gaar ah oo uu khadka Telfoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf isaga oo jooga Wadanka Jabouti caasimadiisa isla Jabouti ayaa si gaar ah umada Somaliland ugu hambalyeeyey Dareenkoodii geesinimada lahaa ee ay ku muujiyeen halgankii iyo hayaankii qarankani u soo galay madaxbanaanidiisa Suldaanka ayaa waxaa
uu si gaar ah uugu mahadceliyey cid kasta oo qeyb ka aheyd banaanbaxyadii lagu muujinayey micnaha ay Somaliland ku leedahay mandaqada isaga oo sheegay iney si gaar ah u faraxti galisay sidii fiicneyd ee Madaxweyne Silanyo uuga jawaabey go,aanka deelqaafka ku ahaa Somaliland ee Dalka Ingriisku ku sheegay inaaney Somaliland aheyd goob amnigoodu sugan yahay kaas oo Suldaanka u yidhi waxay aheyd talaabo wacan oo madaxda iyo shacabku hab ficil iyo qowl ahba kaga jawaabeen iyada.
Suldaanka oo ay mudo dheer saaxiibo dhow ahaan jireen Madaxweyne Silanyo ayaa sanadadii uugu danbeeyey ay kala fogaadeen lama garan karo waxaa kala fogeeyey laakiin dadka Siyaasada indho indheeya ayaa sheega in Suldaanku ka waayey Madaxweyne wixii uu kula socday iyada oo Suldaanku ka filayey Madaxweynaha inuu Beeshiisa siiyo Wasiir buuxa taas oo meesha ka baxday kadib dhowr reshfle oo Madaxweyne Silanyo ku sameeyey Xukumadiisa,
Suldaan Daakir oo Khadka Telfoonka kula soo xidhiidhey Wargeyska haatuf isaga oo ku sugan dalka Jabouti ayaa waxaa uu Mahadnaq gaar ah u soo jeediyey Madaxweyne Silanyo iyo Lataliyihiisa Arimaha Bulshada laheyb-sooco isaga oo ku aameyn Kootadii uu Madaxweyne Silanyo ku sheegay khudbadiisii sanad laha aheyd ee uu u akhrinayey labada goole ee Barlamanka Somaliland taas oo Madaxweyne Silanyo sheegay in Kootada Haweenka iyo dadka laga tirade badan yahay ay tahay mid loo baahan yahay kana codsaday Barlamanka inuu dib uugu soo celin doono si ay u ansixiyaan
Suldaanka oo aanu su,aal ka weydiiney sababta uu ku taageerayo Kootada ayaa waxaa uu sheegay inay mihiimad gaar ah u leedahay bulshadiisa kadib markii doorashooyinkii goolayaasha deegaanka ee daba yaaqadii sanadkan ka qabsoomay dalka ay dhamaan gobolada Somaliland ka soo bixin kari waayeen haddana aaney jirin xubin ka tirsan goolayaasha deeganada gobolada dalka oo bulshadiisa u matasha taasna diliil ay u tahay sida ay bulshadiisu uugu baahan tahay Kootada.
Suldaan Daakir ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay iney mihiim tahay in goolaha barlamanku aqbalo codsiga Madaxweynaha eegana duruufaha gaarka ah ee ku geedaaman bulshadiisa kuwaas oo aan u saamaxeyn iney si sahlan uuga dhex muuqdaan sawirka siyaasada Somaliland laakin tani tahay fursad fure u noqon karta iney ka qeybqaataan siyaasada dalka kadib marka ay yimaadaan goolayaasha lagu gooyo go,aanada qaranka.
Suldaanka oo dhinaca kale aanu su,aalney Joogitaankisa Wadanka Jabouti waxaa u daaran yahay ayaa ku soo koobay oo kaliya iney tahay dano isaga gaar u ah rajeynayana iney dhawaan u soo dhamaan doonaan dalkana dib uugu soo laabanayo
Suldaanka ayaa waxaanu weydiiney sababta isaga iyo Madaxweyne Silanyo kala kaxeysay maadaama oo mudo dheer ay ahaan jireen saaxibo dhow?
Waxaanu Suldaanku yidhi, Horta Madaxweyne Silanyo mudo dheer ayaanu is niqiinay waana la ogaa halgankii dheeraa ee aanu soo wada galney waxaanu Madaxweynuhu markasta caan ku ahaa Dulmi naceyb, Cadaalad jaceyl, Musuq maasuq diid, dad iyo dalba jaceyl.
Laakiin waxa kaliyaata ee aanu Madaxweynaha u kala xadhko furaney ayaa aheyd markii aanu mudo dheer naawilaynay Aniga iyo Bulshadaan ka soo jeedaaba in aanu ka dhex muuqan doono goolihiisa wasiirada taasna maa ay dhicin oo wali kuma jirno, Walow Madaxweyne Silanyo yahay Madaxaweyne wax badan u qabtey Bulshadayada sida Shaqaaleysiina dhalinyarada, dhismaha wadooyinka deegaanadooda, magacaabista lataliyaha arimahayaga iwm
Suldaanka ayaa yidhi waxaa inta badan dadku igu yidhaahdaan soydinka W/kuxeenka hawlaha guud ku leh xukumada maxaad u qaylisaa? Madaxweyanaha iyo Bulshadaba waxaanu u sheegaynaa inaanu ninkaasi na matalin waxban uugu filneyn beelaha gabooye xidhiidhna aanu ku laheyn bulshada waxaana tusaale uugu filan Madaxweyne Silanyo inuu soo raaci weeyey maalintii uu Madaxweynuhu xadhiga ka jarayey Wadada Daami ee Dadkayagu degaan maalin kaliyaatana aan la arag isaga oo ka hadlaya arimaha bulshada laheyb-sooco.
Suldaan daakir ayaa waxaa uugu danbeyntii shacabka iyo xukumada Somaliland kula dardaarmay iney feejignaan badan muujiyaan oo amnigooda ilaashadaan gacmahana is wada qabsaan.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeisa, Somaliland.