Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


DAAWO VIDEO: Buug Cusub oo la yidhaa WAX KA BARO ADDUUNKA oo Xalay lagu soo Bandhigay Burco.


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 02, 2013
Buugan oo uu qorey Qoraaga Da?da yar ee C/xafid Ciise Faarax oo ka mid ah Ardayda Dugsiga Sare ee Sh. Bashiir ayaa xalay lagu soo Bandhigay Hoolka jaamacadda Gollis Burco

DAAWO VIDEO: Buug Cusub oo la yidhaa WAX KA BARO ADDUUNKA oo Xalay lagu soo Bandhigay Burco.

Buugan oo uu qorey Qoraaga Da?da yar ee C/xafid Ciise Faarax oo ka mid ah Ardayda Dugsiga Sare ee Sh. Bashiir ayaa xalay lagu soo Bandhigay Hoolka jaamacadda Gollis Burco.

 
C/xafid Ciise Faarax oo ka mid ah Ardayda Dugsiga Sare ee Sh. Bashiir ayaa xalay madal ballaadhan oo ay soo Buux dhaafiyeen, Dhalinyaro, aqoonyahan, macalimiin, maamulayaal, Xildhibanada Golaha degaanka iyo marti sharaf kale oo badan kusoo bandhigay Buug la yidhaa WAX KA BARO ADDUUNKA

oo  uu ku soo ururiyey Taariikho badan oo ku saabsan Islaamka, Afrika, Somaliland iyo Somaliya iyo welibaa Taariikho kale oo ka sheekaynaya Guud ahaanba Waxyaabihii kala duwanaa ee ka soo dhacay Adduunka.
 

Munasibaddan ayuu ugu horeynba ka hadlay kuna so bandhigay nuxurka Buugani xanbaarsan yahay Qoraaga Buugani C/xaafid Ciise Faarax, waxaana uu qoraagu tilmaamay in waxyaabihii ku kellifay abuurista Buugan ay ka mid ahayd inu waxyaabo badan oo la soo maray  ku soo ururiyo isla markaasna uu Dhalinyarada Jiilkiisa  ah u fudaydiyo in ay  si fudud ku helaan wax badan oo ka maqnaa ugana faaidaystaan,waxa uu qoraagu u mahadceliyey Qaar ka mid ah macalimiintii iyo asxaabtiisii gaarka ahayd ee ka saacidday soo saarista, soo ururinta iyo qorista Buugan.

Munasibaddan uu qoraagu ku soo bandhigay Buuga ayay sidoo kale ka hadleen Maayarxigenka Burco Mr, Xoday, Xildhiban Maxmed Tuurtuur, Guddomiyaha Dallada SYNA Mustafe Cisman C/raxman, Dhammaantood ba waxay aad u soo dhoweeyeeen Buugan iyo xogta ku duugan, waxyna ku dhiirigeliyeen Qoraaga iyo dhalinyarada kale  ee la mid ka ah ba inay wax qoraan oo ay aqoontooda Bulshada uga faaideeyaan, waxayna ka sheekeeyeen faidooyinka wax qoristu leedahay , sida aanay soomalidu  muhiimad weyn u siinin, iyo halka ay adduunka ka taagan tahay wax qoristu.

Maamulaha Dugsiga Sh. Ibraahin Sh. C.raxman Gadhweyne, Macalin Siciid oo ka mid ah kormeerka Waxbarashada Gobolka, Macalimiin kale oo ka mid ah macaliminta Qoraaga, Dhalinyaro ka mid ah Saaxiibada Qoraaga, Xubno ka socday Ururada la dagalanka qabyaalada iyo isku xidhka Ardayda Dugsiyada Sare, Culimo awdiin iyo Xubno kale oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa dhammaantoodba siyaabo isku mid ah u bogaadiyey qoraaga iyo Buugiisan, waxyna sheegeen inay ku farax san yihiin inay caawa farxadda la qaybsadaan qorraaga caawa buugisa madashan lagu gardaadinayo ayay yidhaahdeen.

Waana markii u horeysay ee mid ka mid ah dhalinyrada iyo ardayda dugsiyada sare ee Gobolkani si iskood ah isu abaabulaan una qabsadaan munasibad ay ku soo bandhigayaan waxyaabihii ay qoreen ama diyaariyen.

 

 

 

 

 

khadar c/risaaq saleebaan

Hadhwanaagnews burco/office

hadhwanaagnewsburco@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.