Cruiser-ada ahi ay u sheegeen sidaasi, taasi oo ka marag kacaysa been abuurka warkaasi xaqiiqada ka fog oo ay ka muuqato in wax la dhoodhoobay uu yahay
Hadaba aniga oo ah masuulka ay hoos imanayso hawshaasi, gaar ahaan mida G/Awdal, waxaan halkan ku cadaynayaa mar labaad inaan warkaasi waxba ka jirin , oo uu yahay mid la been abuuray oo cida warkan qortay ay u badheedhay.
Hadalkani waa mid meel ka dhac ku ah masuuliyiinta dawlada, madaxda heer gobo lee dawlada, waxa kale oo ay meel ka dhac ku tahay saxaafada horta ah ee Somaliland.
Baabuurta ka hawl galaysa hawshani waa shan baabuur oo ay leeyihiin muwaadiniin caadi ah, oo ay fududahay in magacyadooda la sheego hadii loo baahdo.
Arintani waa mid u baahan in laga daba tago, hadii ay tahay madaxda ay sheegeen iyo milkiilayaasha baabuurta ay sheegeen.
Wargayska Saxafi waxa looga fadhiyaa in uu kala cadeeyo cidda uu warkaasi ka helay dadban, agaasimayaasha uu sheegay inay leeyihiin baabuurta iyo wasaardaha iska leh baabuurta uu sheegay inay yihiin kuwo dawladeed.
Wariye
Cabdifataax Axmed
Xafiiska Shabakada HWN
Boorama