magacaabo, (Republic Magazine), ayaa iyadu markii ugu horaysay baahisay, sawirkan, oo sida Majaladu sheegtay ku lamaanaa su?aal ay Madaxweyne Obama waydiisay, kaas oo uu si cad ugu iftiinshay, inuu aad ula jiro, dhaqanka soo jireenka ah ee dalka Maraykanka, ee qaadashada Hubka iyo ugaadhsiga la xidhiidha.
Markii warkaasi soo baxay ayaa sida muuqata daruuro madow oo shaki huwani hadheeyeen, qorshaha Obama ee xayiraada hubka oo uu maamulkiisu si xoog leh u bilaabay, wixii ka danbeeyay, dhacdadii Newtown school, ee xasuuqa lagu tilmaamay kaas oo ka dhacay dugsi ku yaala tuuladaas bishii December.
Obama ayaa la cadeeyay inuu qorigiisa ku riday isaga oo ku sugan xarun madaxtooyada Maraykanku leedahay oo ku taala Buuraleyda Maryland.
Sidoo kale sawiro maanta uu aqalka cadi baahiyay ayaa lagu sheegay in ay tahay wakhti uu Obama riday qori oo uu ku sugnaa, aqalka cad, gaar ahaan qaybta loo yaqaano, Camp David, taas oo sida la sheegay ahayd bishii August ee sanadkii hore bilowgeedi.
Sawirkan Madaxweyne Obama oo ridaya qori, oo sida la sheegay uu bogiisa Twitter-ka soo dhigay, mid ka mid ah la taliyayaasha Obama oo lagu magacaabo, Dan Pfeiffer ayuu ka muuqda Madaxweyne Obama oo xidhan muraayada qoraxda, kuna labisan Surwaal Jeans ah, isla markaana dhegaha gashaday aaladaha dhawaqa rasaasta ka qabta, wakhtigaas waxa uu ridayaa qori kaas oo sida muuqata xabadu afka ka baxday oo qiiqeeda la arki karo.
Obama Oo Majalada New Republican waydiisay inuu qori riday oo ku liishaamay waligii iyo in kale ayaa si fudud u sheegay inuu isticmaalay oo uu riday, taas oo uu ku tilmaamay wax dhaqan soo jireen ah Maraykanka ka ah, qof walbana og yahay, isna uu aad u taageeri jiray ugaadhsiga.
Obama oo la waydiiyay in qoyskiisu wada ridaan qoryaha oo ay isticmaalaan ayaa sheegay in aanay labadiisa gabdhood ee uu dhalay ridin, laakiin aanay ahayn in qori la rido ama meel banaan ah la liishaama arrin layaab ah oo la is waydiin karo.
Kooxaha sida wayn uga soo hor jeeda qorshaha xayiraada hubka ee Obama iyo xukuumadiisa ayaa sawiradan uga faa?iidaystay, canbaarayn iyo dhaliil ay dusha u saarayaan Madaxweynaha iyo qorshihiisa xakamaynta hubka oo ay ku tilmaameen mid aan ka dhabb ahayn, waxaana dhinacyada sida wayn u buun buuniyay ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ee xafiiltanka siyaasadeed u dhexeeyo.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland
faysal@hadhwanaag.org