Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Siyaasiga Xasan Ciise Jaamac oo ahaa guddoomiyihii xisbiga Xaqsoor ee ku hadhay doorashadii dalka ka qabsoontay laba isuma raaci karto, by Dayib Xaji Siciid ( Dayib Qorane)


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 03, 2013
inuu yidhaa mujahid baan ahay dalkan u tudhaya dumar iyo carruurna waan soo

Siyaasiga Xasan Ciise Jaamac oo ahaa guddoomiyihii xisbiga Xaqsoor ee ku hadhay doorashadii dalka ka qabsoontay laba isuma raaci karto, inuu yidhaa mujahid baan ahay dalkan u tudhaya dumar iyo carruurna waan soo kicinayaa markaan guuldaraystay labadaaasi isma qabato.  Xasan Ciise Jaamac dalka Somaliland wuxuu ka soo qabtay xilka madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay isaga oo ahaa shir guddoonkii shirkii ayo ka tashiga ee ka dhacay magaalada Burco ahaana kii lagaga dhawaaqay madax bannaanida jamhuuriyadda Somaliland sanadkii 1991.   Xasan Ciise Jaamac , xisbigiisii hadhay ee Xaqsoor wuxuu u badalay qabyaalad uu ku kiciyay beeshiisii illaa maantana ka kacaay leeyahay, waana u magac xumo inuu marna yidhaa waxaan ahaa mujaahid dalkan u soo halgamay hadana haddii xisbigaygu

soo bixi waayay dalkaan bur burinayaa !   Sida jirta waxaa doorashada wada galay shan urur iyo laba xisbi , Xisbiga Xasan Ciise  Ka kobaad, ka labaad, ka sedexaad iyo ku u soo dhow midna muu ahayn wuxuu ahaa kii ugu dambeeya.   Waxaan xasuustaa 1993 gii shirkii Borame markii madaxweynaha loo doortay marxuum Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal inuu Xasan Ciise ka mid ahaa dadkii  diiday natiijada doorashadaas sidan maantaba taagan ee uu diidan yahay natiijadii doorashadii ay ururadii iyo xisbiyyadii kaleba ee tartanka galayba wada qaateen. Xasan Ciise Jamac  maalintaas wuxuu iska hortaagay  marxuum Cigaal inuu galo madaxtooyada  isaga oo keenay laba kaare iyo ciidan waana taariikh run ah oo jirta kana  dhacday magaalada Hargeysa.

Xasan Ciise Jaamac, 1995 illa 2010 kii wuxuu isku magacaabi jiray guddoomiyihii SNM, sida runta ahna siddeeddaas sanadood may jirin urur la yidhaa SNM oo guddi leh, gole dhexe leh xafiisna leh.  Mudadii dalka uu madaxweyneha ka ahaa Md Daahir Rayaale Kaahin, Xasan Ciise Jamac  kamuu muuqan saaxda siyaasadda kamanuu hadli jirin xaq iyo xaq darro midna wuxuu se dib u soo laba kacleeyay markii xisbigan KULMIYE doorashada ku guulaystay madxnimada.

Haddaan maqaalkaygan soo gabagabeeyo ujeedada ka dambaysa, maqaalkan umaan qorin inaan ku aflagaadeeyo siyaasiga Xasan Ciisi Jaamac  sida maqaalada ku qoran shabakadaha reer Somaliland ka muuqata waxaan se ugu talo galay inaan ku dhaliili karo wax qabadka Xasan Ciise Jaamac iyo xaalad abuurka uu ka bilaabay xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa. Waxaan masu?uuliyadda dusha ka saarayaa Xasan Ciise oo aan u soo jeedinayo in doorasho kastaa leedahay guul iyo guul darro madaxdii la midka ahayd Xasan Ciisena  ee  iyaguba ku guul daraystay tartankaasi  ay aqbleen go?aankii uu Xasan wax ka saxeexay oo ahaa in guul iyo guuldaraba la aqbalo labadaba.  Isku soo wada duuboo, siyaasadda Somaliland  Xasan Ciise Jaamac,kama tirsana xukuumad,  xisbina kumuu biirin oo ururkiisii mid jira ma aha maanta, shir qaran ha la isugu yimaadadan uu ku cel celinayana ma wuxuu uga jeedaa waxaan ahay qab qable dagaal ama warlod ee khasab shir beeleed iigu qabta !  Somaliland, nin sumcadda qaranka ku waxyeeleeya doorasho uu waayay, Siyaasi uu neceb yahay iyo nin tolaayay ka kacaay oo dal jiri maayo inta  Siilaanyo dalka madaxweyneka  ka yahay mid dadka  dalkani ka soo gudbay 15 sanadood ka hor weeye  kaana dhagaysan maayaan. Shacabka reer Somaliland waxaa u mujaahid ah oo u halyay ah oo hor mood ah qofka nabadooda, isku duubnaantooda iyo walaaltinimadooda ka shaqeeya ee wixii qaldamana ku saxa nabad iyo dood caafimaad qabta balse uma baahna maanta warlord nagu celiya qabyaaladdii iyo beelaysigii beel beel ka hor gee ahaa sida Somaliya ka jirta.

 

Dayib Xaji Siciid  ( Dayib Qorane)

Hargeysa

qorday44@gmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.