- DadkiiXoolo dhaqatada ahaa oo Nolosha Miyiga ka soo guuraya
- Maalgalin shisheeya iyo Mid wadaniga oo aad u Yar
- Dadka ku nool magalaada oo Xirfada shaqo aan lahayn
- Isticmaalka Balwada xun xun
- Shaqo abuurista oo aad u yar
- iyo Arrimo kale badan
Noloshada dhalinyarta ayaan ah mid runtii aad u liida iyo oo ay ugu wacantahay shaqo la´aanta baahsan ee ka jirta iyada oo ay ugu wacan tahay lixdaa qodob ee aan Hore u soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan
Runtii Isku dayo badan oo la Isku day in wax laga qabto, hada ma ay suurta galin in wax laga qabto
Doorka dhalinyarta ee shaqo abuurista oo aad u yara ayaan ah tan Iyana keentay in shaqo la´aantu ku sii badato wadanka, dadka xoolo dhaqatada ayaa iyan ka imanay dhulka Miyiga iyagoo raadinay nolol ka raaxo badan tan taal miyiga, iyada oo ay ugu wacan tahay abaaro baahdan oo dalka ka dhacay iyo sidoo kale xoolo dhaqatadii oo xoolihii ay ka laysan abaarto, roob la´aanta iy is bedelka Cimilada ayaa waxa ay hoos u dhigaan wax soo saarkii Beeralayda, iyo beeralayda soomalinad oo aan xirfado lahay ay ku samayeeaan hab qodaal oo xili roobeedka ay kaga faa´iidaysanyaa,
Maalingalinta shisheeya ayaan la odhan karaa in aanay wadanak kaba jirin, ama aad u Yar, Maalingalinta wadaniga ayaa ah lacaga ay soo diraan Bulshooyinka Wadanka u dhashay ee ku nool wadanka dibadiisa, taasi oo ay dhibaatadoodu tahay in ay lacaga ay soo xamaalaan xawaaladu ay Dib u galiyaan Guyo iyo aqalo Fooqaq ah oo runtii lacagata la galiya ayaan la ogaaan karin muda ay ka soo celin doona, hadiiba la kiraysto
Dadka ku nool magaaalooyinka oo aan lahay xirfado shaqo, Dhalinyarada oo Xirfada ay bixiyaan Dugsiyada ama atlas yada gaarla loo leeyhay aan aad iyad oo ay ugu wacan tahay, aqoon baan leeyahay ee maxaa Xirfadah ku falayaa, iyo arrinta ugu danabaysa oo ah Isticmaalka balwadaha dhalinyardii marka ay ka quustee Mustaqbal kii iyo in ay shaqo helaay ayaan waxa rakaadiyay Balwado runtii aad u xun xun kuwaas oo la hadhay horumarkood ay Hiigsanay, Guntii iyo gababa gabadii waxaan dhalinyara u soo Jeedinayaa in aan ka Fogaadaa Balwada Foosha xun iyo runtii lugooyda ay ku Hayaan aniga oo ku soo koobay Maqaalkayga dardaarankaa.
Mohamed Abdinasir
Wariye Mohamed Maygaag
Maygaag073@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga