Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Is-bedelka Somalia, wuxu mudan yahay foojignaan iyo dib isu-habeyn by Eng. Maxamed Xaashi Elmi


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 03, 2013
Haddii aan ku horeeyo, QAAB-DHISMEEDKA QARANKA: ?Qod. 37-2. Dhismaha Qaranku wuxu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala

Haddii aan ku horeeyo, QAAB-DHISMEEDKA  QARANKA: ?Qod. 37-2. Dhismaha Qaranku wuxu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka??., Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay?. Waa ku talagal is-dheelitir ah.
 

Qoraalkani, wuxu ku saabsan yahay, sidii loo sixi lahaa gafafkii is-biirsaday ilaa1991. Sida musuq-maasuqa baahay iyo Dastuurka, la baal-maray. kuwaas oo halis ku ah horumarka Dalka.

Waxana maamulka la toosin karaa, marka lagu dhaqanka sharciyada Dalka.

Kuwaas oo Sal u ah: Cadaaladda, Nabad-galyada, Kobcinta dhaqaalaha & horumarka dalka guud ahaa ba. Waxa Dalka   soo maray affar madaxweyne, oo lagu dhaariyay:                                                                                                     DASTUURIGA  Qod.129.  ?WAXAAN  ILAAHAY  UGU DHAARTAY  IN  AAN  U NOQONAYO  DAACAD  DIINTA  ISLAAMKA,  DALKAYGA  SOMALILAND, DADKIISANA  KU  MAAMULAYO  SINNAAN  IYO CADDAALAD  INTA  AAN  XILKA  HAYO.                                                                                                            Haddii aan ku bilaabo, dhaqaaluhu waa laf-dhabarka Dawladi ku tamariso. Waa In la kobciyo kharashkana la dhimo, si dalka u dhismo dadweynuhuna daryeel u helaan. Waa arrin muhim ah, oo mudan ku talo galkeeda.                                                                                                                           Affarta Madaxweyne  ee hogaanka Dalka soo maray, laba way geeriyootay ( A H N). Labada NOOL ayay faaladani khusaysaa, oo wadaga:- Burinta Dhaarta, Baal-maridda Dastuurka iyo ku Tagrifalka hantida Qaranka.                                                                                                                                     1.Madaxwene Rayaale, muddadi xilku waxa ay kaga dhamaatay, adduun  urursi iyo Daaro iibsi. Waxa kale oo laga dhaxlay, deyn ka badan, (U.S.D.toddobaatan milyan ($ 70 milyan), oo ayna ku jirin, daarihi iyo dhulkii Dawladda ee ay iibiyeen. Wuxu Rayaale TAHLI waayay, inuu bixiyo affar bilood Mushaharkii shaqaalaha, kii ciidamadana laba bilood. Waxa kale, oo deyn badan lagaga yeeshay: Raashinkii jeelasha, cusbataalada iyo ciidamada.                                                                                                                        Kharahkii hawl socodsiinta Jan-July 2010   oo ahaa; $ 22 milyan, dawladana bixisay. Xukuumadda Rayaale ma gaadheen bishii Sept. 2010, haddii aan doorashadii ka soo gaadhin.                                                                                                                                       2. Madaxweyne Ahmed Maxamed wuxu yidhi, waxba u raacimaayo, hantidii Rayaale iyo Xukuumaddisii lunsatay. Ilaalinta hantida Qaranku waa waajib saran Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Waxanay ku caddahay Dastuurka Qod.96-t. Ku xad gudub Dastuurka.  

 

MUDNAANTA  SIYAASADDA  A. DIBADDA,  DARYEELKA  DADWEYNAHA  IYO HORUMARKA  DALKA.                                                                                                                    Aqoonsigii Somaliland ee 26 June 1960, halagu raadiyo, siffo sharci. Khudbaddii Madaxweyne Axmed ee 30 Jan 2013 qaybtii A. Dibaddu  aad bay u fiicnayd. Balse waxa ay noqon, hal-bacaad lugu lisay, haddii laga qaybgalo shirka Somalia loo qaban doono May2013, ee Somaliland loo aqoonsan yahay, dawlad goboleed Somalia ka mid ah. Waa KHAYAAMO QARAN  KA QAYB-GAL KEEDU. ARRINTA Somaliland way ka culus tahay, sheekaysii laba Madaxweyne, isu hor fadhiistaan. Waa in wada hadalku ahaado mid, innaga iyo iyaga ah, oo ka baxsan shirka goboleed Somalia.      La soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland waa GO?AAN  AFTI- DADWEYNE. Waa in garyaqaano caalamiya iyo xog loo urursado, wada hadalada.                                                    Hay?adaha ajnabiga ee Dalka ku jooga, magaca Somalia, waa marag ,qiraal ah in aynu qayb ka nahay Somalia. Hay?aduhu ka joogeen Dalka magaca Jamhuuriyadda  Somaliland ama DHAKHSO  ha innoo dhaafeen.                                                                                                                                                        Baahiyaha iyana xusidda mudan:- In miisaaniyadda lagu daro waxa ka mid ah, dawada Umulaha oo  ANGELA GORMAN- British, inagu caawiso, sidii loo yarayn lahaa dhimashada umulaha. Laba iyo tobankii UMULOOD ba (1/12) mid GEERIYOOTO. Dawooyinkaa umuluhu waa:- MAGNESIUM SULPHATE. Qiimuhu yahay: Ampoul sls 10,000 ama 1 tab 2,000 sls iyo MISOPRTOL 1 tab. sls 5,000 Umushii ba. Waa wax jaban.                                                                                                                                                           In miisaaniyadda lagu daro, $ 240,000 sannadkii, si bukaan-jiifka kalyuhu fadhiistaan, looga dhimo kharashka dawada.                                                                                                                                            ?HAANI  GUNTAY KA TOLANTAA?. Xukuumaddu, xil ha iska saarto daryelka, Shaqaalaha iyo ciidamada. Sannadkii  2011 waxa loo kordhiyay mushaharka 100%. Talagalku wuxu ahaa, 100 % kale, in loo kordhiyo. Shanti sano ba, lagu jaan-gooyo maceshadda Dalka.                                                                                                                                                   Qod. 20- 3. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan?.                                                                                                                                                            Qod. 20- 5 shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.TALA-GALKII,  KORODHKA  MUSHAHARKA  SHAQAALAHA / CIIDAMADA  SANNADKII.

Darajada

2010

0 %

2011        100%

2012 July 30%

2013     25%

2014     25%

2015    20%

A

$70.58

$ 141.17

$ 183.52

$ 229.40

$ 286.75

$ 334.10

B

$57.63

$ 115.27

$ 149.85

$ 187.31

$ 234.14

$ 280.97

C

$44.42

$  88.83

$ 115.48

$ 144.35

$ 180.44

$ 216.53

D

$26.00

     $  52.00

    $   67.60

$   84.50

$ 105.63

$ 126.76

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH    Eng. Maxamed Xaashi Elmi

mhashielmi@googlemail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.