|
|
KU TALAX TAGIDA IXTIRAAMKA by Khadar Xuseen Iidle (Hadhwanaagnews) Sunday, February 03, 2013 Ixtiraamku maaha wax uurka hooyada lagala soo baxo ? Marka laga reebo ta anbiyada?, ee shay la kasbado
Ixtiraamku maaha wax uurka hooyada lagala soo baxo ? Marka laga reebo ta anbiyada?, ee shay la kasbado ama la shaqaysto, sida hantida, iyo ubadka. Waa marka aan ka hadlayno ixtiraamka qof kasbado inta uu noolyahay ee uu dadku u hayaan.
Muddo aan sii dheereyn ayaan waxaan daawanayay war saxaafadeed. Kaasi oo ay si wada jir ah ay u qabanayeen labada madaxweyne ee dalalka Mali iyo Faransiiska. Waxa warsaxafadeedkaas aad iiga yaabiyay erayo ku soo noqnoqonayay afka madaxweynaha Mali. Markaasaan waxaan iswaydiiyay maxay tahay sababta uu madaxweynahani uu sidaas ugu hadlayaa. Ma cabsi ayaa jirta, ma hadalka uu ku
hadlayaa loo soo diyaariyay. Kolay anuu garan maayo sida ay arintu ahayde, laakiin waxa halkaas iiga soo baxday in haddii aanu nahay wadamada islaamka iyo waliba kuwa Afrikaanka ahiba aynu siinay dadka reer galbeedka amase madaxdooda ixtiraam ka balaadhan intii ay inagu lahaayeen.
Waxaan uga socdaa qofka bani aadamka ahi wuxuu inagu leeyahay ixtiraam in ama badh uu kaa mudan yahay, laakiin haddii ixtiraamkaas aad ka gaabiso ama aad ka dheereyso ogow waxaad kala kulmaysaa cidhib xumo. Taasi oo keensan karta in haddii aad ka gaabiso uu isku dayo inuu kasbado oo uu kaa sameysto, waana ta aynu dadka dhexdooda inta badan aan ku aragno marka ay sida ixtiraamka leh iskula hadlayaan ama ay wax isku waydiinayaan. Mida kale ee ah haddii aad ku talaxtagto, oo ah ta aan u socday, in aan waayayno xaq aanu lahayn kaasoo ah in la inaga hoos mariyo meeshii uu taagnaa, taasoo dhinaca kale keensan karta in aan hoos uga dhacno meesheeni aynu taagnayn.
Waxaan jeclaysan lahaa inaan tusaale aan ka soo qaadano, mid ka mid ah tusaalayaasha badan. Waxaynu arki karnaa in wadamada qaar yaryar dhinaca baaxad ahaan iyo dad ahaanba ay ka tayo iyo maamuusba badan yihiin, wadamo ka baaxad iyo dadba badan.
Waxaan ku soo gabagabayn lahaa, illaahay karaamo ayuu ina siiyay, si aynaan karaamadaas u waayin, aynu qofku inta uu inagu leeyahay mooyaane aynaan siin in ka badan. Wixii aan saxay waa wax illaahay i waafajiyay, wixii aan khaldayna waa aniga iyo naftayda khalad ka dhacay. Waxaan illaahay ka baryayaa inuu xaqa na waafajiyo.
Khadar Xuseen Iidle
khadarhussein@hotmail.com
Molde, Norway
khadaryare47@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
|