Waxaan salamayaa dhamaan warbaahinta sharafta leh , waxaan jeclahay in aan halkan kusoo bandhigo falaqayn gaaban doodii jimcaha ee voada cabirana dareenkayga.
Doodii jimcaha ee idaacada afka maraykanka ku hadashee voada waxa isku halaaley siyaasiyiin iyo masuuliyiin xilka haya dawlada , doodu waxay obocdeedu ahayd raadka uu ka tagi karo
hadal dhawan kasoo yeedhay dawlada ingriiska oo ay kaga digaysay isku halaynta amaanka soomliland caalamkana ay af mugii uga digtay somliland oo ahayd goobaha ugu degen uguna xasiloon geyiga africada madow gaar ahaan geeska Africa oo ahayd goob ay dishoodeen colaadaha , faqricaga iyo cuduradu.
Kolkii ay maqashay xukuumada muudhka ku jirta ee siilaanyo ayaa markaliya nin waliba halkii uu joogay ka soo hambabary oo uu shir jaarid ku qabtay sheegayna in aanay wax saamayn ha soomlilad ku yeelanaynin waxa wax lalayaabo noqotay in iyadaoo uu ingiriisku leeyahay intii reer galbeedka ka joogtay kasoo baxa kuwii kusii socdayna iskaga jooga in ay xukuumadeenu ku dodo wax saamayn ah inaguma laha waa maxay saamayntaka wayn in caalamku kuu aqoonsado goob bahalo galeen ah oo aanay cidina gali Karin.
Hadii aynu usoo noqono doodii manta iyo hadalada masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta marka horeba waa in aynu ogaanaa in ninwaliba uu hadlay inta guuraadkiisu leekee, aynu ku horayno wasiir duur oo hadalka intiisa badan isagu qaatay meelo badana hadalku la jiidhay , waxa aad wasiirka moodaysay in uu hadalkiisu ubadnaa dambabas uu dambasayo dhaliilaha iyo ceebaha dul hogonaya wasaaradiisa oo ah ta u soo jiiday soomaliland ceebta ilaa xadkaa leeg, waa iska caadi in nin shaqadii loo diray kasoo bixi waayaa uu marmarsiyo keenee, waxa uu wasiirku micin biday doorashada la galay ayaa ahayd mid Somaliland ku cusbay oo miisaankeeda iyo dadka tartamayayba ay ka badnayeen doorashooyinkii hore inoo maray, qabiilka iyo qabyaalda ayaa doorway ku laha doorashada taasi waxay keentay in natiijadii ay dadkii uwada cuntami waydo isaga hadal duur xulana ku sheegay in hogaamiyayaal ururo dhacay oonu magacooda sheegani ay qabiil dabada saareen xasaradana ka hurinayaan Somaliland.
Hadalkaa wasiirka wax quudhsaday boobe oo ah aqoonayhan halkagamaa ah waxa uu sheegay in hadalka wasiirku ahayn mid saxa ogaana uu wasiirku qiiqa isku qarinaayo , dabadeed waxa uu boobe saray halka soomaliland laga raacay waxa u sheegay in haayadihii xuuraanka ino qaabilsanaa ay gebi ahaanba hawshoodii gabeen wax war is dhaafsiyana anay lalahaayn wada jaarka iyo kuwa fogfogtoona, in xukuumada hada jirtaa tahay mid kolka hore aan kafiirsan ficilad ay samaynayso degdeg badanina ku jiro, kolkay waxa xumaysana uu ilaahay xalka ku adkeeyey khibrad la,an iyo garsho la,an waxay ka tahayba, waxa uu odaygu ka sanqadhiyay in xidhiidh la,anta caalamku keentay in xata lasugi kari waayo inta xidhiidh lalaso samaynayo xukuumada oo lagaga soo horeeyo warbaahinta loona soo mariyo warka halkii toos loola soo xidhiidhi lahaa. Waa foolxumo iyo nasiib daro in calaalamku war ku soo aamini waayo cid aynu xilsaaranay amaankeena .
Waxa kale oo iyana dooda dhinacooda kaga jiray baashe cade oo isagu manta dooda carays ciise kumeteleyay iyo faysla cali waraabe oo manta ay isga iska dhex gashay runtiii iyo mucaaridnimadii . isku soo wada duuduuboo nin walib waxa uu hadlay garaadkii .
Waxaan shaki ku jirin in ay arintani shacabka ku keentay wel wel iyo welbahaar, waxyaabaha shakiga sii badiyay waxaa kamida sidaan soo sheegnay sida ay xukuumadu uga jawaabtay dhawaaqa ingiriska tusaale ahaan talaabooyinkii ay xukuumadu jawaabta ka dhigtay waxa kamid ahaa mudaaharadyo ay shaqaalaha daawladu soo abaabuleen taas oo dadka dib u xasuusisay maamulkii faashiilistaha aha ee afwayne oo kolka waxa lagu eedeeyo xaga shaqaalaha ku carari jiray.
Guntii iyo gebo gebadi waxaaan shacabka , aqoonyahanka, culimo awdiinka , dhalinyarada , cuqaasha ugu baaqil lahaa aan gacan kawda gaysano badbaadinta qarankeena yaynaan ku halayn oday sagaashan jir ah oo waliba ay xantuna udheertahay.
Farhan yousuf jama
farxaan86@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga