Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gocasho;Waa Gabay Baroordiiq ah oo uu Maxamed Cabdi Halac ka tiriyey Geeridii Marxuun XXildhibaan Aadan Tarabi Oogle by bashir tarabi


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 03, 2013
Geeridu xaqweeyoo wed waa loo gudboonyahaye, Waxaa geedi loo yahay xagaa geestii aakhiro e

Geeridu xaqweeyoo wed waa loo gudboonyahaye,


Waxaa geedi loo yahay xagaa geestii aakhiro e
Nafle haduu geyiga joogayiyo dunida guudkeeda
Nebi Maxamed baan iil galeen mowd intuu gano e
Anbiyooyinkiyo Khulafadii waa lasii guraye
Hedna inaanu nooluhu gafayn waa wax soo gudhaye
Waa guure iyo gaatin iyo galab carawtiine
Hadba nabad dad gabalaaxsaduu weerar geliyaaye
Ananna maanta kuu naga gembiyey gocasho weyn reebye
Alow geed hadhlaa naga dhiciyo Gaandiyoo kale e
Gadhwaduu ahaa maanta iyo gaban ahaantiiye

Allahayow cadaabtii ha geyn oo ka mari geese
Allahayow qabriga ugu gargaar oo ku gacansii e
Allahayow uggee malag gurmada oo sama ugala e
Allahayow hablii sii janada gaaxsanaanjiraye
Allahayow gadow baa ka jabay goboladaydiiye
Allahayow gidaar baa ka dumay gaanka aan ahaye
Allahayow gabdhahan aamusii oohinta u go´aye
Allahayow gunee

ehelka iyo gacalladiisiiye
Allahayow ilmaa gabaxleh oo goonka tibiqlayne
Allahayow agoonbaa guryii joogta goonyaha e
Allahayow habeenaddan hurdiyo wuu yaraa gama´e
Allahayow giraan kale nasii oo halkii geliye
Allahayow halkii naga gufee uu ka gaasiraye
Allahayow kun meeshiisii galaa gooshkan noo kiciye
Allahayow gediisii ka yeel gabanaddiisiiye
Allahayow gobbaad naga dhigtiyo guri islaameedde
Allahayow hanoo celin gunniyo quus gebaan jirinne
Allahayow nasii guusha oo gaabis yay noqone
Allahayow nabsigu yuu gadaal goor dambe u dhicinne
Allahayow sidii gu´ iyo dayr geedo soo bixiye
Allahayow gabayga aqbal oo caawa noo gunud
Allahayow gacmaa hoorsadaye deeqdan noo garo

Gu´goo da´ay gabnada baaqataan gorofna kuu qoynin
Iyo madida gaawaha gingiman godolkii kuu dhiiqda
Ma kala garatid goortaanay curan waana wada geelle
Haweenna waa gudboonyahay intaan guurka loo wicinne
Midi gaarri iyo waa dhabeel gololo khayraade
midna waa gabtiyo baalli iyo weliba goonbaarre
Ragna intaan la gellin hawsha wuu kuu gudboon yahaye
Isna seben xun buu kala gurmaa gadacu muuqdaaye
Gebi iyo xaraarbuu fariid libin ka goostaaye

Abtigaa Gurey,Oogle iyo gaariyii Tarabi
Maad gabin hidihii Aadanoow labada geesoodde
Sokeeye iyo xigaal nabar xun iyo daanno kala gaadhey
Deris iyo tol kala guurey oo kala gawaan raacay
Gabas dhiigleh dirir gaamurtey iyo gawrac dami waayey
Galaayuuska qaylada dhulay belo ka geesaastay
Gorgorka iyo haadkoo dhergoo gudurigii naaxay
Meydka iyo lafaha oo gabramay goohha sibirteeda
Iyadoo gu´yaal iyo sannado laysu geliwaayey
Col la guray gargeyr laysu xulay oo la wada gaatey
Gudi sooca iyo inan golyeed laysu wada geeyey
Shir gadaaman iyo guurti iyo gole la waageeray
Ragay gaadhey tiradiisu gaas amase guutooyin
Siyaasad iyo gedaha dawladnimo dhaqanka geestiisa
Goolaaftan nimanbaa yaqaan aan gedna u bixine
Waxay soo galgalatoo arini gelelef meertaaba
Marka ay sidii laaso gudhay wada gablool qaaddo
Arin tegey garkaa iyo garkaa oo samada gaadhey
Gaanaha sidiisii markay wada galoofoowdo
markay feedho guranto ee tagto ee gelinba qaar dhuunto
Markay goosan goosan u kacdee qaarba gobol aado
Markay gadanto ee jiidato goosatee dhacanto
Iyadoo gugtidhi oo kunjeer laysu gacan qaaday
Goortay gudho ee gabax dhigto ee laysla garan waayo
Marka ay guraa baasto ee hoos u wada guuxdo
Gujo dhaadhigeedii markuu giijo madaxiisa
Gabaahiir markay joogsatee fule ka goobyaalo
Marka uu malooligu gabado ee ged bixi waayo
Ragii gaafka kula joogey oo gaash isugu baydhay
Gurac iyo gujaxo baydhsan iyo gulucyaroo leexsan
Xeerbeegti uun baw guntada oo salka u gala e
Ha goblamine adigaa ahaa inanka guuleede

Adaa geli yiqiin raarta iyo gurada maantaase
Adigaa u gablaaxsan jirey gaaso bixinteede
Gadhkii iyo faraarkii ka baxay geedad kala jaad ah
Markay gaadho xaajadu toloow yeysu geyn karaya
Gunteeda iyo baarkeeda iyo soo gagabinteeda
Halka ay kusoo gororto iyo gobo´da loo daayo
Gudoonkeeda loo guuxo iyo sacab garaaceeda
Adigaa Illaah kugu galaday gebi ahaanteede
Adaa gaar uhelay Aadanoow gooni keligaaye
Adigaan go´ soo qaadan jirin goor la jiifsadaye
Dadkoo gama´san adigaan saq dhexe gudin habeenkiiye
Dar adaan gabood falin kuwana garabka siinayne
Gaade iyo sidii tuug adaan gaanbin oo soconne
Gaajiyo adaan silic ku korin guuldariyo hoogge
Adaan sharafta gows dhaafsan iyo uur wax kuu galla e
Adigaan gudgude roob sidiis guuro bahaleyne
Gasiin iyo wax liitiyo adaan soor gumeed cunine
Gabaldaye sidiisii adaan laba gar daymoone
Hadba goosan adigaan aqoon gaar usoo fiqiye
Guush iyo adaan wax xileh iyo guranin laaluushe
Adaan taada gaarka ah ta guud dhaafin oo gadanne
Intuu gabaygu taabtiyo inuu gaadhi kari waayey
Xaasha e adaan gedo la noqon oo waxaa geyine
Giringirinta adigaa yiqiin caynka loo galo e

Weftigii galbeed iyo u baxay berigii Gaashaamo
Waraabeeye iyo beer wixii waagii lagu goostay
Ba dhulbahante iyo Cali Siciid hawshii kala gaadhey
Gulufkii Hayaag iyo ka dhacay geyrtii Hagar Aadan
Gadaalkii dambee Fiqishiniyo gobolkii Naaleeye
Garadag iyo Caynaba wixii goolal dhalanaayey
Gaalabbeenka adigaa ahaa soo gataatiyaye
Adaan galangalciyo baahi iyo daal waxkaa gurine
Gurgurshaa hayina baad ahayd lagu gurguurtaaye
Gaasta iyo kabriidkaad ahayd roob gamaashiya e
Adigaa gudoonshaha ahaa soo gunaanadaye
Garyaqaankii adigaa ahaa guulahaa dhigaye
Boqole geedlab iyo waxaad ahayd geesi caanbaxaye
Adigaa wadnuhu kuu garaa aan aqoon galawe
Gar adaa asaagaa ku xidhay oo gabaanadaye
Hoori iyo geydh baad lahayd aan lasoo geline
Gucumaale aar baad ahayd oo galiilyo leh e
Gacanta iyo deeqdaad ahayd gaajo cadawgeede
Garashiyo waxbixintaad lahayd garangar sooryeyne
Cidkastaa waxay kaa geydaanad waajibkeed gabine
Khalqigii geysey inaad Aadanoow shay ahayd gob ahe
Ma gogannine markhaatigana way wada garaabeene
Aqoon iyo garaad iyo hibaan lagugu gaadheyne
Galawga iyo tukuhu feejignaan kuguma gaadheyne
Go´aan adag Mondeeloo qudhaa kula gudboonaa e

Waxba hadalku yuu ila gudbine waxaan kusoo gaabshey
Galbatayoo tagtaye Aadanoow gacale meel roon
Hoyatay Aadanoow godob la´aan aan garooc wadanne
Imtixaanka gudub oo warkiyo garo su´aaliiye
Guusha iyo kitaabkii ku qabo gacantii toosnayde
Cabsi iyo guhaad iyo ha mudan baqiyo guulguulle
Gaadh iyo xijaab kaaga meer labada goonyoodde
Gacamadii fardowsiyo nimcada Aadan lagu geeye

Nin xumuhu gubaa baad ahayd oo ka geylama e
Gardarada nin neceb baad ahayd oon cid gacan siinne
garta eexo iyo waad necbayd aadmi godobtiiye
Intaan garanayoba waxaad ahayd goobe nabadeedde
Xaqdariyo guhaad kuuma yaal meesha lagu geyn e
Guntimo iyo maallo iyo eel goorna maad dhigane
Xaqana maad ahayn ruux gabadda oo ka gaabsada e
Runtana waxaad ahayd kii ku go´a goorkastay tahaye
Gabaar iyo habaar iyo adaan galabsan naanayse
Ifkana ceeb kamaad geysanine gudatey taadiiye
geesiga Illaahay ma xilo gocorna yeelkiise
Gedmanmaayo samahaad lahayd wuu ku gudub yaale
Wanaagaad gashiyo khayrba waa lagu gudoonsiine
Gasabkaaga aakhiro waxaad geysataa badane
Allahay baa abaalkaaga gudi garasho dheeroowe
Gurigii runta ahaa Illaah guushii kugu siiye
Gelbiskaagu liilaaf janiyo gogol xariireede
Geesh xuuralcayn ahi ku hele oo laguu guraye
Kugu gardaadshe midhihii janada geed kastoo baxaye
Macaan iyo galaas dahaba iyo malab laguu geeye
Dhay iyo gadhoodh iyo lis rammag lagugu gaashgaashye

 bashir tarabi

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.