marka hore waxaan salaamayaa bahda saxaafadda iyo shicibka somaliland inta xalaasha ah ee wadanka jecel. ujeedada qoraalkaygu waxa igu kalifay iyadoo aanu istaahilin in loo jawaabo nin magaciisa qariyey oo cay iyo aflagaado inan gumeednimo ah kula kacay Mudane Duur , wasiirka daakhiliga . taas oo uu xataa toos u weereray qabiilka uu ka soo jeedo wasiirku. Waxa la yaable waxa ku kalifay in uu ilaa xad socdo ninkanu asagoo aad mooddo inuu ka cabanayo Doorashooyinkii siday u dhaceen haddana qabiil dhan oo sheekh iyo shriifba leh tolniimo iyo xididtinimana iyo ilmaadeernimaba ay wadaagaan xaar ku wada saydhay isagoo ka urinaya wasiirka ayaa
ka soo jeeda reerkaa
.
waxaan saaxiibkay odhan lahaa aniga igama suurtowdu inaan Arab oo dhan eedeeyo anigoo wax ka tirsanaya shakhsi reerka ka mid ah waayo waxaanad xeerinayn ayaan xeerinayaa waa gobanimo . Inaad fulay tahay cidla ka hanjabaayana waxa ii cadeeyey markaad magacaaga qarisay taasaa igaga kaa filan in hadday ay dhacdo belaayadan aad durbaanka u tumaysaa inaad xaska dabada gelin doontid adigu shakhsiyan reerka aad sheeganaysana aanad waxba u tarayn .
Nin baa laga hayaa Isaxaaqda maan diidine xaaqda dambe ayaan diiday waxaan uga socdaa Duur waa wasiir inoo wada dhex ah oo rijiimka jira maanta u shaqeeya waxase aan diiday mataggan aad matagtay ee aad soo quftay eelka iyo cilladaha ku dhex jiifa ee aad bullaacad ku saydhay reer aan waxba kuu geysan oo aad wada degtaan min hargeysa ilaa togdheer..haddaadse leedahay xasan ciise waa inaadeerkay oo xaq iyo xaq darraba waan ku difaacayaa taasu waxay dhalin oy sabab u noqon in Wasiir Duur qaar badan oo ay isku reer yihiin Min hargeysa ilaa ceerigaabo oo aan maanta jeclayn inaad adigu jeclaysiisid . Somalilandna lexejeclaa naga haysa haddaanay adigaa kaa heyn wixii hore u dhacayna cidiba ma xasuusna ee adiga uun baa lagaa maqlayaaye qaranimaa la weydaarsaday.
saaxiib , waxaan kala garan waayey in aad tahay kuwa dhashay wixii sagaashankii ka dambeeyey ee aan baaluqin weli iyo inaad tahay asaasaq umadda lagu soo dhex darsaday iyo inaanad reerka aad sheeganaysaba ahayn . Marna hayga filin inaan qabiil kuugu faano waayo dad walaala ah baynu nahay oo meel qudha ku abtirsada maantana laysbaran maayo damiirkayguna ma ogola inaan digaxaadh u qaato reer haddiisa aad ka joogi waydo waxaa aad wadid balan waxa inoo ah in aynaan waxba isula hadhin waayo doqonku haddii laga xishoodo inuu libin gaadhay buu moodaa .. waxaan ku soo gabgabaynayaa :
Afartaydan Erey waa canaan iyo wacdi iyo ciiro iyo qiiq
Wa Billahi tawfiq
Mohammed Guuleed
Qatar.
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga