Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Somaliland Ma Haayad Qaramada Midoobay Hoos Tagtaa ? by Axmed maxamed (axmedfure)


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 03, 2013
waxaan salaan u dirayaa shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnes shaqaalaheeda hufan iyo hawl wadeenada aan daalin

waxaan salaan u dirayaa shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnes shaqaalaheeda hufan iyo hawl wadeenada aan daalin ee hadh iyo habeen naga haqab tira wararka gudaha iyo dibadaba.

Waa run oo Somaliland waa dal aan aqooni caalamiya haysan dhaqaalihiisuna ku filnayn , inta badana ku tiirsan deeqaha cawri gafta ah ee ay bixiyaan wadamada garab istaaga umadaha faqiirka ah ee Africa u badan .


10pt" class=MsoNormal align=justify>Waa hubaal oo had iyo jeer umad waliba waxay dhaqankeeda yeelataa sida uu dhaqanka madaxdoodu yahay iyo waxay u horseedaan , waxaanay ku dedaalaan cida hogaankoodu iska dhaadhiciyo in shacabkuna  ay iska dhaadhiciyaan iyadoo arintaas loo dacal saarayo laba arimood midkood :

1-ha idin ogaadaan hogaamiyayaashiinu inaad habdhaqankooda oo kale leedihiin  iyo

2-umada Somaliland oo muslim ah in ay macnaa diinta qalad fahmeen taas oo had iyo goor loo sheego in madaxda la adeeco haayadaba haw taliyaane .

Waa aragti lagu kala duwanaan karo qofbana dhan ka istaagi karo sida loola dhaqmayo umadaha dibada ka yimaada iyo haayadaha  kala duwan ee wadanka gudihiisa ka shaqeeya , iyadoo wadan waliba siyaasad u gaar ah oo cad ka leeyahay ,taas oo uu ku dhaqo haayadahaas wadamada kala duwan dunida ka kala yimaada , iyada oon laga tagayn milgaha wada noolaanshaha umadaha iyo wada dhaqanka ku salaysan ee wax is dhaafsiga iyo kala bogashada danaha dhinacyada badan taabanayaba leh,

Waxaase aan laba cali is waydiinayn in had iyo jeer aan qofnaba ogolaan dhaqanada diinta islaamka iyo milgaha dawladnimoba lidiga ku ah.

Hadaba hadaan usoo daadego gundhaca iyo dulucda holoshadaydan maanta ee ku aadan dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka badheedhka ah ee ay haayadaha dalka ka shaqeeyaa ku hayaan wadanka . run ahaantii wadan walba oo aduunka ka mida waxaa ka shaqeeya haayado waxayse ku koobanyihiin shaqadooda oo qudha ,halka wadanka Somaliland aanad kala garanayn in iyaga dadka Somaliland doorteen iyo inkale iyo waliba madaxda dhabta ah ee wadanka ka shaqaysaa cida ay tahay .

Anigoo aad iyo aad uga xun in maanta ay qaabkaas iyo ilaa heerkaas gudaha inoogu galaan , ayaa waxaad ogtihiin dhibaatada ay UNDP, WFP , PROGRESSIO , UNICEF , UNHCR iyo inta la halmaashaa ay wadanka ku hayaan .

Run ahaantii ninkii ogi waa ogyay kaan ogayna maanta ayaa la ogaysiinayaaye  waxaa wadanka haayado  ka jiraa waa wada sirdoon dhamaantood , waanad garan kartaa siday nin sirdoona iyo ninkale umada wax utari karaan , iyo waliba halka ay had iyo jeer bartilmaameedyo ka dhigtaan ,siday cududaha ciidan iyo siyaasiba u liciifiyaan ,inaguna waxaynu ku aaminay in dhamaan waxii hub iyo qalabkii la xidhiidha aynu iyaga gacanta ugalinay .

Waxaad ogtiin in hayadahaasi ay GPS ka qaadeen dhamaan goobaha muhiimka ah oo dhan cid arintaas wax ka tidhina aanay jirin iyadoo ay wada ogsoon yihiin madaxdeenu.

Waxaad ogtihiin in wasiirradeenu  kaga kalsoonyihiin  in ay umaddooda u shaqeeyo oo wax uqabtaan in uu inan yar oo cadi intuu  u yimaado uu xafiiskooda ku qaabilaan, dabadeed ku yidhaa inan kaa yari si wanaagsan ayaad wax u wadaa. Waxaanse ka soo reebayaa mudane sacad cali shire oo ah wasiirka qorshaynta qaranka oo runtii ah nin akhlaaq ahaan, aqoon ahaan iyo u adeega dadkiisaba kaga fadilan inta kale een kor ku xusay.

Waayo anigu ma arag isaga lakin waxaan ka arkay sida ay u shaqayso wasaaradiisu iyo sida shacabku uga marag kacay waxqabadkiisa iyo aqoontiisa .

Mar aan fasax gaaban ku tagay wadanka ayaa waxaan ubaahday wasiir ka mida wasiirada dalka , mudo markaanu sugaynay anaga oo shacab badan oo reer Somaliland ah isugu jirna  ayuu wasiirkii la soo hadlay inankii xoghayaha ahaa  cabaaro 10:00 A.M waxaanu waydiiyay in ay imanayaan qoladii haayadu iyo inkale waxaa uu ugu jawaabay inankii maya wasiir way baaqdeen ee laakin dadbaa ku sugaya , waxaa uu ugu jawaabay iska taga dheh , waanu iska tagnay ilayn waa dani ku badaye maalintii danbe ayaanu nimid sidii si leeg ayaa nagu dhacday , anigu waan yaabay oo waxaan is waydiiyay waar malaa wasiirku haayadaas ayuunbuu u shaqeeyaa ee iska hubso, misna dadka waydiiyay waxaaba ii cadaatay in aanu wax haayada oo si rasmiya u khusaysaa aanay jirin .

Isku soo wada duub oo umadaha wax waa la taraa oo waxna waalaga qaataa haayadaha laakin hadmaa sidan loo iibsaday madaxdeenii oo ay ugu duloobeen iyagoo waliba dalkoodii jooga ,dadkoodii doorteen  dan iyo hawlna laga sugayo.

Somalidaa waxay ku maahmaahdaa aduunyada ninkii dhiman waayaa muxuu tuwalba arki doonaa ,waa runoo waa taa maanta magaalada hargaysa xurmadii lagu kala dilaalayo ee gauss house (gutyaha u kiraysan haayadaha) yada loo samaystay.

Abwaan cumar caashur ayaa waxaa laga hayay : ka jihaysta ceebuhu ka badan laanta jaadka ahe.

Ilaahay haynoo soo celiyo dadnimadii , dawlad nimadii iyo sharaftii aan asalka iyo hidaha ulahaan jirnay,

 

Axmed maxamed (axmedfure)

Sudan -khartoum

Axmedfure@gmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.