Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Siilaanyo waxaan leeyahay waa maxay sababta uu Gen. Dhancade uga qaday darajada ciidanka ?


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 03, 2013
Salaan sare shacbiga Somaliland ee cadaalada jecel iyo webkeena qaaliga ah ee Hadhwanaag news

Salaan sare shacbiga Somaliland ee cadaalada jecel iyo webkeena qaaliga ah ee Hadhwanaag news, Sidaynu ka war qabno, Siilaanyo wuxuu bixiyay darajooyinkii ciidamada dalka, dad badan ayaa hore u yidhi marnaba siilaanyo si cadaalad leh u bixin maayo darajooyinkaa, sidii la sheegayay ayaa run bay noqotay oo waa taa niman badan oo geesiyaal ah oo dalka u soo halgamay xaqna u lahaa in la siiyo tacabkii iyo dadaalkii ay dalka u hureen, hadana waa laga qadiyay darajooyinkii ay xaqa u lahaayeen, iyadoo loo eegayo qabiilka ay ka soo jeedaan, nimankaa la qadiyay iyagoo badan waxaa ka kamid ah Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Aaga bari Mr. Dhancade, oo ah nin geesi ah

oo bariga ka safeeyay maleeshiyaadkii reer Puntland iyo kuwii raacsanaa oo maalin cad eryaday . Bal aynu is barbar dhignee ma Mr. Dhancade iyo Shaqalle ayaa isku halgan ah oo isku wax qabad ah Ilaahay baan idinku dhaarshee .  

Ta layaabka lihi waxa weeye 3 sarkaal oo dhulbahante ah ayaa la magaacabay iyada oo aynu ognahay in reerkaa ciidanka qaranka ay kaga jiraan in ka yar 5%, hadaba maxay Siilaanyo iyo kooxdiisu ku qarinayaan arinkaa , tolow ma beeshiisa ayuu meel u dhigay oo hadhow lagu bedeli doonaa .

Gabagabadii waxaan leeyahay Siilaanyo waa maxay sababta uu Gen. Dhancade uga qaday darajada Ciidanka qaranka ?

 



Maxamad Cali Gaabiye

Riyadh , Saudi Arabia

a.adam@sidf.gov.sa

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.