Muqdisho-(HWN)- Daawashada aflaanta ama sheekooyinka Musalsalka ah ee lagu fasiro afka Soomaaliga ayaa maanta waxaa ay sababtay in dhaawac halis ah uu soo gaaro haweeney iyo ninkeeda kuwaasi oo iminka xaaladoda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalkii Hooyada iyo dhalaanka Banaadir ee Muqdisho.
Haweeney aanan wali magaceeda helin balse aan ku booqanay isbitaalka Banaadir ee maanta la soo dhigay ayaa aheyd mid nafteeda halis ku jirta maadama jirkeeda oo dhan uusan meel ka fiyoobeen marka laga raba indhaha iyo inta ka sareysa ee Madaxeeda.
0in 10pt" class=MsoNormal>Dhaawaca soo gaaray haweeneydaan iyo ninkeeda ayaa ka dambeysay kadib markii la sheegay in gabadhaan ay si saa?id ah u daawan jirtay aflaanta Musalsalka ah waliba ay si gaar ah ula socotay sida la ii xaqiijiyay sheeko ka socoto Tvga Universal ee la yiraah Xaaskii Afarad.
Haweeneydaan ayaa intii ay la socotay sheekadaasi waxaa ay noqotay haweeney Maseer badan maadaama sheekadaasi ay ku saleysan tahay Maseerka waxaana dhowr jeer oo hore laga dareemay hab dhaqanka Maseerka sida flaanta oo kale.
Hayee shee maanta oo ku beegan 22-ka bisha February ayaa gabadhii Maseerka daran ka qaaday Sheekada Xaaskii Afaraad ayaa iyadoo gacanta ku heysa Telfoonka Odaygeeda waxaa soo garaacday gabar lunsan oo raadineysa magac u eg kan odaygeeda taasi oo cirka galisay Maseerkii ay ka baratay ruwaayadaan.
Odayga qabo gabadhaan ayaa mar qura ka war helay gabadhii oo inta Naafto isku bil bishay isla markaana dab is qabadsiisay taasi oo dhamaan gubtay jirkeeda waxaana isla odaygaan soo gaaray dhaawac labadiisa gacmood intii uu ku guda jiray bad baadinta xaaskiisa.
Gabadha isku gubtay Maseerka dartii ayaa waqtigaan waxaa ay jiiftaa isbitaalka Banaadir waxaana jirkeeda soo gaaray dhaawacyo halis ah mana la awooda int xataa dhar loo xiro.
Xasan Kuuriya
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
xasankuuriya@yahoo.com