qaraabada
yihiin ee Wakhti-xaadirkan ah Madax-xigeenka Jeekinka Kastamka
Kalabaydh uu uga dhigi lahaa Madax-Jeekin, Kaas oo uu ula tagay
Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan.
Haseyeshe, Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland uu gaashaanka ku
dhuftay, isla markaana ku wargaliyey Wasiirka Maaliyada in Maadaama
Wiilkaasi ka mid yahay Ciidamadii Booliiska ee dhawaan tabubarada
qaatay sidoo kalena lagu qarameeyey Hubkii iyo Dirayskii Qaranka in
marka horeba ay u qorsheeyeen Askartaasi in la geeyo Magaalada
Laascaanood ee Gobolka Sool. Taasi darteedna aanay suurto-gal ahayn in
laga dhigo Madax-Jeekin.
Waxa kale oo Warku intaa ku darayaa in Wasiirka Wasaarada Maaliyada
Somaliland Sheekh C/Casiis Muxumed Samaale uu la soo xidhiidhay
Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Gabiley Saleebaan Dhago-cade,
isla markaana uu ka codsaday in Wiilkaasi loo geeyo Madaxa Jekinka ee
Kastamka Kalabaydh, Haseyeeshee waxa uu Taliyuhu u soo jeediyey
Wasiirka in arrintaasi ay ku keenayso Caqabad dhinaca Madaxda sare ee
Booliiska iyo Carqalado dhinaca Deegaankanba, Maadaama Inanka jooga
Jekinka Kalabaydh iyo ku xigeenkiisaba, iyo waliba Labada Taliye
Rugeed ee Kastamka laga soo magacaabay Taliska guud ee Ciidamada
Booliiska Somaliland, Sidoo kalena uu Madaxa Jeekinku ka soo jeedo
Beelaha Aqlabiyada Gobolka. Waxaanu Taliyuhu Taasi badalkeeda uga
dhigay Wasiirka Madax-xigeenka Jekinka in uu geeyo Wiilka ay
Ilmadeerka yihiin Wasiirka, Maadaama Inankan hore u joogay uu ka soo
jeedo Beelaha ku tirada yar Gobolka Gabiley ee ka soo jeeda Gobolka
Awdal iyo Selel.
Waa Markii ugu horreysay ee uu Isbadal ku sameeyo Taliyaha Qaybta
Booliiska ee Gobolka Gabiley Madaxda Jeekinka ee Kastamada Gobolka
Gabiley, Iyada oo Taliyihii ka horreeyey Isaga (Taliyahii Qaybta) lagu
badalay mar uu Isbadal sedan oo kale ah ku sameeyey Madaxda Jeekinka
iyo Taliye Rugeedyo ka hawl gali jiray Kastamada Somaliland.
Wariye Caydaruus Axmed Ismaaciil(Qadiye)
Hadhwanaagnews Gabiley Office
Email":qadiye777@gmail.com