Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dulmiga Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Lagula Kacay oo kudildilaacaya Somaliland


(Hadhwanaagnews) Friday, February 22, 2013
?Akhriste Wali ma?iswaydiisay Sirtu Halkay kaqudhuntay, bal dhuux Maqaalkan??

DULMIGII URUR  SIYAASADEEDKA XAQSOOR EE  LAGULA KACAY OO SOMALILAND KUDILDILAACAYAA!!

?Akhriste Wali ma?iswaydiisay Sirtu Halkay kaqudhuntay, bal dhuux Maqaalkan??

 

Waagii Barayaba ee soo kacdo qofkastoo reer Somaliland  wuxuu kuwaabariistaa  war uuna kudiirsan oo kazoo baxaya  kazoo  dildilaacayaa Xukumaadda Jamhuuriyadda Somaliland kutalaabsanayso.  Haddaba markaan dhinacyo badan wax ka?eegay dibna u tixraacay siduu ahaa dalkuu kahor intaan doraashaddii degaanku  dhicin oo shacbiga reer

Somalland ay guddo iyo dibadba ishaysteen waxaan kusoo ururiyay arintii in uu  JIRO DULMI, sababtaa saas uleeyahay maaha inaan ahay taageero Urur siyaasadeedka Xaqsoor ee waxaan usoo joogay oo aan markhaati ka?ahaa wakhtigii Dawladdii Siyaad Bare ay dulmiga kula kacday dadkoodii ay dawladda u ahayd.  In Dulmiga Xaqsoor lagula kacay sabab u yahay dildilaaca Xukuumadda Somaliland waxaa kamida arimaha dhacay oo intaba sal kuleh Urur Siyaasadeedka Xaqsoor:

  • Arinta Saylac oo kalaqaybisay Bulshadii deganayd Goboladda Awdal iyo  Salal taas oo keentay markii lamusuqmaasay dooraashaddii kadhday Goboladaas wanana u wada joognaa dhibaatadda ay keentay Dulmigaasi.
  • Arinta Gobolka Sool oo imika ay soo xoogaysanayaan Shacbigii  hore u diidanaa Somaliland, madamaa  markii Rajaddii kaliya ay lahaayeen ay ahayd Urur Siyaasadeedka Xaqsoor oo soo baxa taas oo Shacbiga dega Gobolkaas  Somaliland ay Xaq uyeelanlahaayeen in Noqdaan Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo noqon lahayd Taariikhdii Markii 1aad ee ay dhacday, ayaan Candhuuftoodii dib uliqay markii si cadaaladdo daro xaqooqii looboobay .
  • Caasimadda Somaliland Qaybta Koonfurta Galbeed ee Magalaadda oo ahayd Meeshuu ugu taageeradda Badnayd Urur siyaasadeedka Xaqsoor  oo Xaqooqii laduudsiiyay, Codkoodiina  Computer-ka laga masaxay , taasina waxay kutusaysaa Dulmiga Cad ee lagula kacay  Taageerayaasha  Urur Siyaasadeedka .
  • Maxkamadda Sare ee Somaliland oo gaashaanka kudhufutay in ayna waxa dacwada qabanayn , Qofka ladulmiyay wuxuu xaq u leeyahay in uu dacwadiisa  dhiibto una soo bandhigo Garsoore Dhexdhexaadda, Haddaba waxaa iyadana Mushkilladd iyo Dulmi kale noqotay in Maxkamaddii ay ka?amarqaatay xukumaadda Madaamada diiday in ay furtay Dacwada Urur SIyaasadeedka Xaqsoor.
  • Nafaha Bila´aadam ee qudha laga jiray Hargeisa, Boorame ilaa Saylac oo ilaa hadda Xukuumadda Somaliland kagaraabin waxaa loo dilay shacbiga maatida ahaa ee iskugu jiray Caruur iyo Waayeel!!
 

 

Arimaha aan xagga sare kusoo sheegay, ayaa maanta usababa kalaqaybsanaanta Somaliland,

iyo dib udhaca siyaasadeed, horimari ee kusoo kordhaya Somaliland .
 
Maxaa Xalaa:
 

Xukummadda waxaan usoo jeedinlahaa in si fool kafoola ula xajoota cida cabanaysaa ee tirsanaysa Cadaaladda Daro iyo in Dulmi lagula kacay.

In Beelaha reer Somaliland loo qabto shirweyne lagu wada xaajoodda danta dalka meel loogasoo wada jeesto.

Madaama Urur Siyaasadeedka Xaqsoor kakoobanyahay darafyadda Cabanayaa ee ay Somaliland kutaagantahay in lagusoo saaro Degreeto Madaxweyne oo noqdo Xisbi Qaran

In Xukuumadduu Cadalaadda kusoo noqoto oo Shacbiga reer Somaliland dhageysato sicadaaladd ahn umaamusho oo ayna soo kaladhawaysan Shacbiga reer Somaliland.

Shacbiga reer Somaliland waxaan farayaa in ayna Dulmiga iskugu gargaarin oo ayna Usacab tumin, waayo kaladulmiyay waa nin walaalkaaya oo kula degan Magaalo iyo dal, waxaad kufarxsantahay adigana wuu kugu dhicika. Waxaad Naftaada lajecelahay Walaalkaagana Lajeclaw, Haddii Kale Doonidu way inala Wadda Dumi, Waayo Dulmigu wuu qarqarxaa Sida kamuuqata Somaliland Maanta.

 

Haddii Xukuumadda  Somaliland  sideg dega wax uga qabanwaydo tabashooyinka WAALEE WAA LOOYAABAA SOMALILAND.

 

Hassan Mohamed 

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.