Hargeysa (HWN):- Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo kamida Lataliyayaasha Madaxweyne Dr Axmed-Siilanyo ayaa waxaa uu kamid noqday 100 Qof ee Barnaamijkii Qaran ee Qiime Qofkaaga si aad Qiimo u yeelato.
Md Barkhad oo nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo 100-ka qof ee loo xushay hal-doorka Somaliland ayaa waxuu ku caan-baxay ka shaqaynta danta umada tabaaleysan
iyo adeega arimaha asaasiga ah ee Bulshada. Isagoo 21-kii Sanno ee lasoo dhaafay ku sameeyey Isbeddel baaxad leh.
Barkhad Jaamac, waa Aqoonyahan kamid ah Dhalinyarada Somaliland. Waxaanu Madax ka soo noqday Ururo badan oo dalka ka jira, sidoo kalena wuxuu wax weyn ka qabtey baahiyaha Bulshada. Waxaana si gaar ah loogu xasuustaa sanadkii 2010 Shilkii gaadhi ee ku haleelay Magaalada Hargeysa, isagoo xilligaasi ku gudo-jiray raad-caynta Deeq Waxbarasho oo mid ka mida dugsiyada dalka uga raadinayey dhalinyaro danyar ah oo aan awoodin kharashaadka waxbarashada iyada oo goor habeennimo ah oo dugsiga caafimaadka ee Shifa uu ka soo baxay gaadhi maqiiqani oo ku dul maray afaafka hore ee dugsigaasi isaga oo Cusbitaalka weyn ee magaalada hargeysa mudo lagu hayey.
Barkhad ayaa waxaa uu sidoo kale yahay shaqsi ku suntan arimaha samafalka bulshada nugul iyo la dagaalanka aragtiada jahliga ku saleysan ee Takoorka lagu hayo bulshada qaarkood.
Barnaajkii qiime qofkagaa ayaa Barkhad loogu doortey Dadka Naftooda horumariyey Bulshadana wax u qabtey mana ah markii 1aad ee Jaa?isadan oo kale la gudoonsiiyo. Waxaanay aheyd sanadkii 2012 markii loo doortey Geesiga, qiimeyn weyn oo Jariirada Isha Somaliland ku sameysay bulshada somaliland taas oo Abaalmarin bilad ah gudoonsiisay.