Hargeysa(HWN)-Odey Aw Cabdiraxmaan Cismaan(Aw-Xreeye), oo hore uga mid ahaa Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo Wakhtigoodu dhamaadey ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale(duur) ku dhaliiley soo celcelinta Arinta Degmada Saylac.
Aw Cabdiraxmaan Cismaan(Aw Xereeye) oo katirsan Duqeyda Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley islamarkaana wakhtigan Xaadirka ah ku Sugan Gudaha Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa si culus ugu dhaliiley Wasiirka Arimaha Gudaha Arinta Degmada Seylac oo marar badan Wasiirku Warbaahinta kaga hadley isagoo sigaar ah u daba socda hadalkii uu Dhawaan ka hor jeediyay
Mudane Duur Mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Hortooda, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi.
"Arinta Seylac ee lagala Xidhiidhayo Jabuuti waxaan Leeyahay Wasiirka Arimaha Gudaha Jabuuti May Qaban Doorashadii D/hoose ee Somaliland ka Qabsoontey , anigu waxan kamid ahaa Duqeyda dalka horena waxaan u ahaa Xildhibaanadii hore ee katirsanaa Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ee Xisbiga Kulmiye kasoo baxey anigoo layaaban Arintii Degmada Saylac ayaa loo tagey Jabuuti ayaan hadana aad uga sii xanaaqey hadal dhawaan kasoo yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale(Duur), markii uu hortagey Golaha Guurtida Waayo hadii Jabuuti loo doonayo Xalka Arinta Seylac miyaa Sanaag Bari iyo Soolna lagala Xaajoodo Puntland waa Sidaas oo kale ma fiicna arintaasi iyo Fikirkaasi sida uu u wado Wasiirka Arimaha Guduhu Saylac Waxey katirsan Somaliland mana Qurux badna in arimaheeda Jabuuti iyo Diridhaba odoyaal kayimid lagala Xaajood taasi Waa Xaalad abuur iyo qiima dhac lagu ridayo Qaranimada Somaliland"Ayuu Yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan(Aw-Xreeye), oo katirsan Xildhibaanadii hore ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.
Odey Aw Cabdiraxmaan Cismaan(Aw Xereeye), oo hore uga mid ahaa Golihii hore ee Deegaanka Degmada Gabiley xiligana kamid ah Duqeyda Gobolka Gabiley waxa uu sidaa ku Sheegay Xogwaran khaas oo uu ugu Waramay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews isagoo ku Sugan Magaala Madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa.
"Saylac hadii Jabuuti laga Xukumo Wasiirku ha Cadeeyo laakiin aniga iyo inta ila fikirka ahi Waxaanu leenahay Seylac Waa Somaliland ee arinkeeda iyo Xalkeeda halkan lagu dhameeyo, waxaan isku dayay inaan ugu Tagno Xafiiskiisa oo Tusno in ay Arintaasi khalad tahey waayo Gendaha la Sheegayo Maxaa keenaya Seylac waa Itoobiyaan oo waa Reer Itoobiya mida kale meesha ma Xeer Ciisaa Yaala Miyaanay Dowlad aheyn kuwaasi Xeerka Ciisaha ayay Ilaaliyaane, hadii Xukuumada Somaliland xataa la kulanto Waa Gef markaa Waxey Noqoneysaa in Arinta Sool iyo Sanaag Bari puntland lagala Xaajoodo horena waan usoo sheegay hadana waan sheegayaa"Ayuu yidhi Odey Aw Cabdi Cismaan (Aw Xereeye).
Waxa kale oo uu ka hadley in Xukuumada looga baahan yahey in ay dhex gasho oo ay Qaboojiso Reer Baligubadle oo ay Tabashadoodana hoos u eego.
"Xukuumada Waxaan leeyahey Reer Balligubadle hadey Wax tabanayaan oo ay Yidhaahdeen Shir Beeleed ayaanu qabsaneynaa waa in ay Xukuumadu xil iska saartaa oo ay u dirtaa dadka af garanaya ee Duqeytida iyo Xeer Beegtida Somaliland oo arintooda la dhameeyo"Ayuu yidhi Aw Xereeye.
Gabagabadiina Waxa uu ka hadley Arinta Xisbiga Kulmiye maadaama uu katirsan Yahey Kulmiye
"Kulmiye waa Xisbi dhisan oo Dimuqraadiyada sidii ay awalba ahaan jirtey Waa loolan Siyaasadeed oo cidii Aqlabiyada Golaha Dhexe hesha ayaa Guuleysan Doonta, inkastoo aanan anigu goob joog ka aheyn Axdiyadii lagu kala qaatey Shirkii Burco ee Golaha Dhexe hadana kolay anaga nooma taalo Taageerada Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale waa Mid ku Xidhan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye"Ayuu yidhi Aw Xereeye.
Aw Xereeye oo hore uga mid ahaa Xildhibaanadii Xisbiga Kulmiye ee Golaha Deegaankii hore ee Degmada Gabiley ayaa kamid ahaa Xubnihii sida adag u ayidsanaa Xisbiga Kulmiye isala Wakhtigana sida uu Sheegay katirsan Xisbigaasi Mus dambeedyadiisa ka Dhursugaya hallka uu Biyo Dhigo.
Wariye Cabdiraxmaan-Hiiraan
Hadhwanaagnews Hargeysa
Email:hiiraan2007@gmail.com