soo afjareen cabsidii Somaliland ka qabtay falal argagixiso.
Sidaa waxay ku sheegeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan shir jaraa?id oo ay galabta ku qabteen xarunta wasaaradda daakhiliga ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa waxa uu sheegay inay xididada u saareen cabsidii ka soo yeedhay dawladaha Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaanu yidhi "Waxa Xididadda loo saaray dhammaan cabsidii ka soo yeedhaysay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee sababtay inay dawladahaasi dhawaaqaasi soo saaraan ka dib markii ay soo gudbiyeen xididadda ayaa loo saaray. Waxa la isla gartay cabsidaasi inaanay maanta ahayn mid jirta. Xog timaada mooyaane? xogtii hore dhammaantood xididadda ayay Ha?yadaha amnigu u siibeen.Hadda waxaynu sugnaaba waa jawaabta ka soo yeedhaysa xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska oo markii hore dhawaaqan soo saaray.ALXAMDULILAAH meel wanaagsan ayaan arrintaasi soo gaadhsiinay, waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa inay kordhiyaan taageeradda ay ciidammadda ammaanka la garab taagan yihiin."
Mar uu Wasiir Duur la hadlayey Culimaa?udiinta waxauu yidhi "Sidoo kalena waxaan halkan fariin uga dirayaa culimo-awdiinka ummadda waxaynu ka baran karnaa xogta, waxay ogyihiin khalad kasta oo loo adeegsaday diin oo ay dad argagixiso ahi adeegsadeen. Waxa culimadda soo gaadhay Somaliland kamay dhicine? in raggii waaweynaa ee culimadda ahaa lagu dilo dariskeena. Masiibadda agteenna ka dhacaysaa ma aha mid aynu ka fog nahay, laakiin ILAAHAY mahaddii waanay ina soo gaadhin.Markaa waxa weeye inaynu taxadirkeeda aynu yeelano.Anagoo uga tacsiyadeynayna oo diidan in dadka culimadda ah la laayo, markaa culimadda waxaan ugu baaqayaa inay si geesinimo leh ay ummadda uga wacyi-geliyaan khatarta Argagixisadda."
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay in hawl-galo balaadhan oo ciidammadda booliska iyo kuwa kale ee ammaanka oo isgarabsanayaa ay ka fuliyeen magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood ay ku soo qab-qabteen dad badan oo uu tilmaamay in tuhuno argagixiso galeen.
"Ciidammadda booliska iyo Kuwa kale ee ammaanku waxay beryahanba ugu ku gudo jireen hawl-galo aad u waaweyn oo aad uga adag kuwii hore oo laga fuliyay Laascaanood iyo Hargeysa, waxaan ka codsanaynaa dadweynaha Somaliland inay sii kordhiyaan taageeradda ay ciidammadda amniga la garab taagan yihiin,"Ayuu yidhi Taliye Fadal.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ku dooday in hawl-galadii ay habeenadii la soo dhaafay fuliyeen ay qeyb ka tahay in Beesha caalamka loo xaqiijiyo in Somaliland amni ahaan sugan tahay.
Mar uu Taliye fadal ka hadlayey natiijadii ka soo baxday hawlgalo ay habeenadii ugu danbeeyey ay ku soo qabqabteen dad isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi"Tiro dad ah ayaanu ka qabanay Caasimadda Hargeysa iyo Gobolka Sool, baadhistoodiina way noo socotaa, waxaanan u mahad celinaynayaa dadweynaha iyo ciidammadda ammaanka ee hawl-galadan ka shaqeeyay,"
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com