 |
| Aqoonyahanad Canab Aadan Bille |
Hargeysa(HWN):-Aqoonyahanad Canab Aadan Bille oo baratey Cilmiga beeraha, isla markaana ka shaqeysa ururada bulshada Somaliland ayaa waxay wel-wel ka muujisay xaalada cakiran ee wakhtigan ka aloosan Gobolka Salal, isla markaana waxay ugu baaqday Salaadiinta,shacabweynaya reer Somaliland, aqoonyahanka, iyo cid kasta oo Somaliland lexejeclo ka heyso inay arrinta u soo gurmadaan,iyada oo wixii dhibaato halkaasi ka dhacana ay masuuliyadeeda dusha ka saartey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Narrow?,?sans-serif?">Sidaa waxay Canab Aadan Bile ku sheegtey Wareysi aad u xiisa baddan oo ay siisay Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Shabakada Hadhwanaagnews.
Aqoonyahanad Canab Aadan Bille oo ka hadlaysa khilaafka ka taagan Gobolka Salal ee ku aadan cidda noqonaysa Maayarka Magaalada Saylac ayaa waxay tidhi "Waxaan bulshada weynta reer Somaliland u cadeynayaa dhibta ka taagan Gobolka Salal oo ah mid aan loo dulqaadan Karin,taas oo ku saabsan doorashadii Golayaasha deegaanka Somaliland oo qaabkii ay uga dhacday Gobolka Salal ay ahayd mid aan sharciga waafaqsanayn oo xaaran ah, sababta oo ah sharcigii u dejisnaa Komiishanka doorashooyinka sidiisi looma marin, markii dadweynuhu codeeyeen ee sanaaduuqdii codbixinta la soo xareeyey ee degmada Saylac la isugu keenay lama tirin oo liis magacyo ah ayaa la yeedhiyey, iyada oo markii horena ay tabasho baddani ay jirtey oo ah in sideed goobood oo ah goobihii cod-bixinta inaan sanaaduuqdii la geynin,markii murashixiintii doorashada golayaasha deegaanku codsadeen in loo tiriyo codadkoodii waxa loogu jawaabay way tisan tahay oo liiska ayaa la idiin yeedhinayaa,taasi waxay sababtey inay markaa yidhaahdaan doorashadani xaq maaha ama ha na loo tiriyo, haddii aan na loo tirinayn qoloda Komiishanku ha iska socote sanaaduuqdu way noo oolaysa, sanaaduuqdii sidii ayey ugu yaaleen oo ay u ilaashanayeen".
Canab Aadan Bile waxay sheegtey inay beesha Ciise-weyne ee ka cabanaysay qaabkii ay uga dhacday doorashadii Golayaasha deegaanku Gobolka Salal inay ergo ka kooban labaatan qof u soo dirteen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo uu qaabiley, isla markaana waxay u sheegeen wixii ay tabanayeen oo ay qoraal ahaana ugu gudbiyeen oo madaxweynihiina wuu la qaatey oo waxa uu u sheegay ergadii inuu xal u raadinayo arrintaasi oo ay ka war-sugaan, isla markaana ay Hargeysa ku sugaan.
Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi "Iyada oo ay halkaasi taagan tahay ayaa waxa uu madaxweynuhu u direy wefti ka kooban beesha Ciise-weyne ee cabanaysay mooyaane, beeshii kale (Samaroon) oo ka kooban Xildhibaano iyo Wasiiro, markii ay ka war-heleen beeshii cabanaysay ayaa waxa loogu jawaabay waxay soo dejinayaan beeshoodii, markaana wax reer ah oo kacsanaana ma jirin. Beesha Samaroon waxay yidhaahdeen Ciisoow doorashadii way dhacday ee qaata maayarka,marka weftigaatagii ka koobna beesha kaliya ay gaadheen Saylac waxay keeneen inay dadkii ku noola Saylac ay kiciyaan oo ay mudaharaad sameeyaan inay u yeedhaan Komiishankii iyo guddoomiyihii maxkamada sare ee Gobolka Awdal inay yidhaahdaan imika ha lagu wareejiyo maayarka cusub, dawladu way arkeysay wixii ay ergadii beesha Ciise-weyne madaxweynaha u soo gudbisayna way ka gedisnayd, waanay suurageli-weyday in maayarkii cusbaa xilka lagu wareejiyo".
"Muddo kadib ayaa la damcay qaar ka mida sanaaduuqdii codbixinta doorashadii Golaha deegaanka ee ay heysteen beeshi Ciisa-weyne ee cabanaysay oo yaalay saylac ayey hor seexdeen sanaaduuqdii si aan looga qaadin, iyada oo ergadii hore ay Hargeysa joogto ayaa waxay xukuumadda Somaliland qaaday talaabadii labaad oo waxay dhalinyaradii sanaaduuqda ilaashanayey loo dalbaday ciidanka Military-ga oo goor ay saacadu mareyso 4:30-habeenimo ayaa rasaas lagu furey dadkii oo hurda waxaana dhintey hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 12-qof oo kale, iyada oo aanay eegin dhimashadii iyo dadkii dhaawacmayba ayaa waxay yidhaahdeen waa in khasab loogu tiriyo maayarka cusub ee ka soo jeeda Beesha Samaroon, halkaa waxa kugu cad inay qas iyo qalaan-qal iyo dagaal ay dawladu hormuud ka tahay ay halkaasi ka waday tiina way suurtageliweyday oo beeshii aad ayey uga daagaltey oo baabuur ayaa la gubay".
Canab Aadn Bile waxay sheegtey markii ay sheekadu halkaasi mareysay ayaa waxay xukuumadda Somaliland u dirtay halkaasi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Duur iyo la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca arrimaha doorashooyinka oo way wada hadleen gaar ahaan intii doorashada Golayaasha deegaanka gashay,balse wax xal ah ulamuu imanin ee waxa uu ula yimid wax beesha Ciisa-weyne ka sii cadhaysiiya oo ay ka dagaalamaan ayuu ula yimid, oo waxa uu Wasiir Duur ku yidhi ? Beesha Ciise Maayar iyo Maayar kuxigeen midna idiin-0ma hayo,laakin waxaan idiin hayaa Wasiir kuxigeen iyo Taliye kuxigeen iyo ciidan aan idiin qoro, waxaas oo dhana xaq ayey u lahaayeen, laakin xukuumadda Somaliland ayaa ka hor-joogtey inay saamigii ay dawlada ku lahaayeen beesha Ciise-weyne ay ka siiyaan?.
"Dawladu xal umay waayin khilaafka ka taagan Saylac ee iyada ayaa buuqan, qaskan iyo dilkan ka danbeysa, markaa waxaan bulshada Somaliland u sheegayaa inaanay arrintaasi arrin fudud ahayn, oo beesha Ciise-weyne inaanay dhulkooda dhaafsanayn Wasiir kuxigeen iyo ciidamo la siiyo oo ay xaq u leeyihiin?..Markaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay doorashadii ugu horeysay ee ay qabtaan inuu dhiig ku daato oo aan meel kaliya ahayn, balse dhowr goobood ayey ahayd, arrintaasina ayaan-daro ayey tahay inuu madaxweyne Siilaanyo Mujaahid Sheegto, sababta oo ah qofku waxa uu ka soo dagaalamay inuu haddana dadkii dib ugula kaco waa khalad wax weli caalamka ka dhacayna maaha"
"Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qancin kari-waayey beel soo cabatey, suurtagal ma tahay inuu qanciyo Shirka uu Soomaaliya la galayo gooni-isutaaga Somaliland? Jawaabtu waa maya oo kuma qancin karayo, balse waxay dawlada Somaliland u sii gogol-xaadhaysay nabadgelyo darada ay dawladaha Mareykanka iyo Ingiriisku ku sheegeen inay ka jirto Somaliland".Ayey tidhi Canab Aadan Bille.
"Bulsha-weynta Somaliland,gaar ahaan Salaadiinta,aqoonyahanka, Indheergaradka,haweenka,dhalinyarada iyo cidkasta oo Somaliland lexe-jeclo ka heyso dhibta ka soo socota halkaasi inaanay ahayn dhib yar, balse ay og-soonaadaan inay dawladu ka masuul tahay wixii halkaasi ka dhaca".Ayey tidhi Canab Aadan Bille.
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com