Gabiley(HWN)-Shirkada Isgaadhsiinta Adeega Tefoonada Telesom ee Gobolka Gabiley, ayaa Markii Shanaad door Weyn kaga Qeyb galey Nadiifinta Khashinka Gudaha Magaalada Gabiley oo Maalin Walba oo khamiis ah lagaga nadiifiyo Meelo kamid ah Gudaha Magaaladaasi.
Maamulaha Shirkada Telesom ee Gobolka Gabiley Sheekh Maxamed Muumin Aamin oo ka hadley Doorka ay kaga Qeyb qaataan Shirkada Telesom Maamul iyo Shaqaaleba Ololaha Nadiifinta Khashinka Gudaha Magaalada isagoo Xusey in aanay maalina ka hadheynin Howshaa danta Guud ah ee lagaga Shaqeynayo Nadaafada Guud iyo Bilicda Gudaha Magaalada Gabiley oo ay Shirkad ahaan doorkooda ka Qaadanayaan Maalin kasta oo
Khamiis ah oo Gudaha Magaalada Gabiley Laga Wado Ololaha Nadiifinta Khashinka.
Sheekh Maxamed Muumin Aamin oo lahadley Warbaahinta ka Howlgasha Gobolka Gabiley waxa uu Xusey in ka qeyb qaadshada Arimaha Danta Guud ay yihiin kuwa keenaya Hurumarka Bulshada islamarkaana, wax u kordhinaya Qof kasta oo Muslim ah Aakhiro iyo Aduunba.
"Waxeynu Wada Ognahey in Nadaafadu tahey Qeyb kamid ah Diinta, anagu Shirkad ahaan Waxaanu Diyaar u nahey in aanu ka Qeyb qaadano wax kasta oo Hurumarka Bulshada Gobolka kajira, maalin walba waanu ka Qeyb galnaa Ololaha Nadaafada ee khashinka lagaga nadiifinayo Gudaha Magaalada Gabiley, waxananu Shaqaalahayagii u Qeybinay laba Qeybood Qeyb ka Shaqeynaya Ololhan Nadaafada oo Gacantooda ku Guraya iyo Qeyb howsha Xarunta Dadweynaha ugu sii adeegaya"Ayuu yidhi Maamulaha Shirkada Telesom ee Gobolka Gabiley Sheekh Maxamed Aadan Muumin.
Waxaanu Gabagabadii ku dardaarey Guud ahaanba Dhalinyarada Gobolka Gabiley in ay usoo jeestaan Hurumarka Gobolkooda oo ka Qeyb qaataan Arimaha Bulshada.
Shirkada Isgaadhsiinta Adeega Telefoonada Telesom ayaa inta badan door Weyn ka Qaadata Arimaha Bulshada Gobolka Gabiley iyagoo inta badan xooga Saari jirey Dugsiyada iyo Waxbarashada Gobolka Gabiley, iyagoo Barnaamijkana Ololaha Nadiifinta Khashinkana door Fiican kaga Qeyb galey.
Hadhwanaagnews Gabiley Office